Waxay horyaal u hayd geedisocodka nabadda. Waxay ahayd hoyga sharciga iyo kala danbaynta. Waxaa ka hanaqaaday maamullo isaga kala danbeeyay xukunka, lahaana siyaasad cad oo ku dhisan amni iyo horumar. Puntland waxay samaysay koboc dhaqaale oo ku tiirsan dhoofinta xoolaha nool, kaluumaysiga, iyo soo dajinta badeecadaha kala duwan. Puntland waxay u hub qaadey oo ay ka libin keentey la dagaalanka burcad badeedka, xagjirka diineed, iyo badbaadinta deegaanka. Waxay muunad iyo hoy lagu yagleelo u noqotay kumanaan dadka Soomaaliyeed oo ka soo barakacay dagaaladii sokeeye.
Nasiib darrase, Puntland waxaa soo wajahay khalkhal amni oo isugu jira dilal qorshaysan laguna beegsanayo madaxda dowladda, khaastan kuwa laamaha amniga, madaxda maxkamadaha, iyo shacabka birmageedadiisii. Sanooyinkii u danbeeyayna Puntland waxay la daalaadhacaysay hoos u dhac dhaqaale oo baahsan taas oo saameeysay dhamaan habsami u socodka laamaha dowliga sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga, ciidamada, iyo macalimiinta iskuulkada.
Waxaa sidoo kale isa soo taraya qaylo dhaanta ka imanaysa maaraynta canshuuraha sida ba’an u sii badanaya inta badanna laga qaado ganacsatada yaryar iyo gaadiidlayda. Waxaa taas barbar socda hoos u dhac dhaqaale oo wata amni xumo maadaama faqrigii uu kor kacay loona salaynayo aragtida guracan ee siyaasadeed oo uu maamulka Puntland ka arimanaya horseed u yihiin. Hogaanka siyaasada Puntland kama soo dhalaalin maaraynta iyo xal u helidda dagaalada aan sababta lahayn soona noq-noqday ee ka jira Gobolka Mudug sababayna dhibaata aad u qara weyn ee naf iyo maalba leh. Waxaa marag ma doonta ah in qoysas badani nolol maalmeedkoodu ciriiri galay wajahayaana burbur dhaqaale iyo barakac hor leh, lana xayiray gadiidkii isu gooshi jirey Koonfur, Mudug, Waqooyi iyo Bariba ee saldhig u ahaa kobaca dhaqaalaha iyo xiriirka bulshada walaalaha ah.
Waxaa is waydiin leh halka Punltand hayaanka ku tahay. Waxaase inta badan la rumaysan yahay in Khalkhlkaas Amni iyo Midka Siyaasadeed keeneen dhowr arrimood sida:
Madaxwayne Abdiwali Mahamed Ali Gaas oo hadda u cimaamatay noqoshada madaxa olalaha doorashada Senator Cumar Abdirashid Ali Sharmaarke, sii hayaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, una badan tahay in Madaxwayne Abdiwali Gaas saldhig ka dhigto magaalada Muqdisho xilli taageerada loo hayo ololaha Senator Cumar Abdirishiid sii yaranaayo.
Habacsanaan baahsan oo saamaysay dhammaan habsami u socodka maamulka Puntland taas oo ay saldhig u tahay safaradii isdaba socday ee Madaxwayne Abdiwali Mahamed Ali Gaas Puntland uga maqnaa, inta bandanna ku soo idlaaday balanqaadyo.
Ka meer-meeridda iyo hirgalin la’aanta nidaamka dowlad wanaagga ee ku dhisan xakamayta musuqmaasuqa ee beesha caalamku muddo dhowr sano ah ku qancin la’dahay Madaxwayne Gaas;
Xal u helid la’aanta qul-qulatooyinka amni darro ee Gobolka Mudug taas oo aafeeyay dhaqaalihii gayiga Puntland;
Maamulka Punltand oo xayndaab adag ka samaystay indheer garadka, iyo intii wax ku kordhin lahayd ee horumarka jecleyd, dhidibadana u aasay maamul keli talis;
Maamulka Madaxwayne Gaas oo aan lahayn aragti siyaasadeed ee aan cadayn, isticmaalka erayo xanaf leh, iyo go’aan qaadasho deg-degsiimo leh.
Ugu danbayn, markaad tixgalisid xogahaas kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan, waxaa inta badan la rumaysan yahay in Puntland si uga weecatay aragtidii iyo mabaa’didii lagu aasaasay oo ahayd caddaalad, horumar, iyo wadatashi.
Waxaa soo if baxay howlwadeenno aan lahayn aqoon durugsan ee dowladnimo iyo mid maaraynba dhex boodayaan dhan kastood ka eegto nidaamka dowliga ee Madaxwaye Abdiwali Maxamed Ali Gaas majaraha u hayo. Waxaa la joogaa xiligii madaxda Puntland khaasatan Madaxwayne Gaas hoos u fiirin lahaa waajibaadkii dastuuriga ee loo igmaday, gaar ahaan xal u helidda dhibaatooyinka ka jira Puntland siiba kuwa amni ee Buuralayda Gobolka Sanaag iyo daafaheeda, dilalka ku soo badanaya caasimadda dhaqaalaha Puntland ee Boosaaso, iyo dhaqaale xumida taabtay qoys kasta oo reer Puntland ah.
Xukuumadda Madaxwayne Gaas oo wakhtigeedii wax yar ka harsan yahay waxaa lagula xisaabtamayaa taabagalinta nidaamka xisbiyada badan oo marar badan madaxwaynuhu ku baaqay uguna waynayd wuxuu ololaha siyaasadeed ku galay sannaddi 2013. Waxaa iyana muuqata ku soo celcelinta hadaladiisa inta badan deegaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn gacanta Puntland inay u egtay "CAALWAA” amase markeedii horaba ahayd waxay Soomaalidu ugu yeeraan "Dhaan Dabagaalle”.
Waxaa la joogaa xiligii shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland la xisaabtami lahaayeen madaxdooda siiba dhaqaalaha aan loo meel dayin ee loo weeciyay ololaha dorashooyinka 2016-2017 ee sida shakhsiyadaysan loogu taageerayo olalaha Cumar Abdirishiid Ali Sharmarke uga socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho xilli qoysas badani la’yihiin quutul daruriiga reerahooda iyo caruurtooda kadib markay abaaro afeeyeen dad badan oo reer-miyi u badan. Waxay khasabtay in dadkaas ku soo aruraan tuulooyinka u dhow-dhow xilli Dowaldda Puntland aysan hayn aragti iyo nidaam saxa oo lagula tacaalayo dadkaas xoolo beelay marka laga reebo tabarucaadda qurbajoogta, hay’adaha iyo shirkadaha maxaliga waxay bixiyaan, iyo mucaawinada ka timaadda wadamada iyo ururada deeqaha bixiya.
Mahadsanidiin!
Qore: Daa’uud Ali "Gardaful”Puntland president sacks officials after deadly attack on presidential guard Full Article
Waagacusub.net - Dowladda Federaalka Somalia ayaa qorsheysay in 2,000 (Laba kun) qofood oo u dhashay beelo cayiman lagu kordhiyo shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Full Article
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Dowladda Uganda iney Ciidankooda jooga Somalia iska bixi karaan xilli kasta kadib markii uu Dowladda Ethiopia ka helay 50.000 oo ka tirsan Ciidanka Melleteriga dalkaas kuwaas oo caawa gaaray degaanka Leego ee gobolka Shabeeladda hoose ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom iyo maamulka Shabeeladda hoose. Full Article
DALKAAN LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED! Full Article
DAWLADDA FARMAAJO OO KAMID NOQOTAY MAAMUL GOBOLEEDYADA. SHAQADA XILDHIBAANADA IYO SENATORS -KANA MEEL UGA DHACDAY! Waagacusub.net - Shirkii Qeybsiga Kaluunka Tunada Badweynta Hindiya oo u dhaxeeyey wasiiradda Kaluumeysiga Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe oo Guuldarro ku soo dhamaaday! Full Article
DAWLADDA FARMAAJO OO KAMID NOQOTAY MAAMUL GOBOLEEDYADA. SHAQADA XILDHIBAANADA IYO SENATORS -KANA MEEL UGA DHACDAY! Full Article
Waagacusub.net - Kalafadhigii baarlamaanka Galmudug ayaa guul ku dhamaaday kadib markii Xildhibaanadda u codeeyeen in doorashadda Madaxweynaha Galmudug la qabto 10 April 2017. Full Article
hordhac Full Article
Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhigeedu yahay dalka UK, ayaa u dhaqaaqday inay durba iska fogeyso Xasan Cali Kheyre, saacado kadib markii loo magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Full Article
Waagacusub.net - Rajadii laga qabay in Somalia cagaheeda isku taagto mar kale ayaa saakay god dheer ku dhacday kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu Ra'isulwasaarahiisa u magacaabay shaqsigii ugu tuuganimadda badnaay oo abaabulay heshiiskii Kenya loogu saxiixay badda Somalia. Full Article
President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.
Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.
Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.
I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:
The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.
Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article
Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article
Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article
Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article
President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
[Topnews] Puntland oo wajahday Khalkhal Amni iyo Mid Siyaasadeed.
Colaadihii siyaasadeed iyo burburkii dhaqaale ee aafeeyay bulshada Soomaaliyeed rubuc qarnigii u danbeeyay, Puntland waxay ahayd halka cadceedda nabadda ka soo baxdo.