Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Somalia:Moderate Islamists declare Jihad against Al-Shabab By Alasow Clickhere

Hasha Maqaarka Diideysaahi meelo Dal daloola ayay ka daydaa!!!

Mogadishu 12 March 2009 Waagacusub Media
Marka aad u fiirsato erayada Diidmada iyo qiil raadiska ah ee ay ku doodaan ururada Qaar ee Mucaaridka ku ah dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa maskaxdaada kuu sawireysaa inay tahay arrintu “Hasha Maqaarka Diideysaahi meelo Dal daloola ayay ka daydaa”, amaba maah maahdii kale ee aheyd “Nin ay meeli u cadahay meeli ka madow”.
 

Somalia:Al-Shabab claims Mogadishu blast, boycotts Sharia-based cabinet.  12.03.09 Clickhere

Haddaan ka gudbo ararta qormadeydan, waxaan aad ula yaabay, hadalo ka soo yeeray niman sheegtay mas’uuliyiin kooxo Islaam inay yihiin, haba ugu dambeeyo ninka isku sheegay madaxa siyaasada gobolada ee Ururka Al Shabaab, Xuseen Cali Fiidow, oo jawaabo aan waafi aheyn, kana yaabiyay shacabka Soomaaliyeed ka bixiyay go’aankii taariikhiga ahaa ee ay shalay ku gaareen golaha wasiirada xukuumada KMG in dowladdu ku dhaqeyso dadka iyo dalka Shareecada Islaamka.

Bal aqristow ila dhugo, erayada ka dhanka ah go’aankaasi ee uu la soo shir tegay ninka sheegtay mas’uulkan u hadlay Al Shabaab… “Diinta Islaamka ka mid maaha waxyaabaha Foodka loo qaado ee la yiraahdo ma qaadanaa misa ma qaadano, waxaana meeshaasi ka cadaatay in wax Diin Islaam ah aysan dadkaasi shaqo ku leheyn”.

Weger, waa yaab yaabkiise, Ma dad gaar ahbaa jira oo Alle wakiil uga ah dadka Islaamka ah, haddii ay doonaan inay ku dhaqmaan Shareecada, mase waxaa jirta Shareeco gaar ah oo uu hayo Sheekh Fiidow iyo Xertiisa, sababtoo ah dadkaani waa Islaam, waxayna go’aansadeen inay qaataan ku dhaqanka Shareecada, halka markii hore ay Dastuur qoran ay ku dhaqmayeen, waana sababta keentay in la yiraahdo ma Dastuurkan lagu dhisay dowladdan markeedii hore ayaan ku dhaqanaa mase Shareecada, balse mudanayaashu ma aaney oran, ma waxaan ku dhaqanaa Shareecada mase waan diidnaa.

Aqristow, bal xusuusta dib u baar, dadka baadida cad lagu tilmaamay, ee la Ihaaneystay waxaa ka mid ah Sheekh C\qaadir Cali Cumar, Xafiduhullaah, oo dadku inta badan garanayo shaqsiyadiisa iyo Alle ka cabsigiisa, waxaa ku jira Sheekh Ibraahim Xasan Caddow Xafiduhullaah, oo aad garaneysaan Diinta sida uu ugu dhegan yahay, welibana ka soo guuray dalka Mareykanka isaga oo Diintiisa kala fogaanaya Fidnada reer Galbeedka, waxaa ku jira Sheekh C/raxmaan Janaqow Xafiduhullaah, oo la garan karo aqoonta fog ee uu u leeyahay Diinta Islaamka, mudana faafinteeda ku dhex jiray iyo mashaa’iq kale oo ay ka mid yihiin Sheekh Garweyne iyo Sheekh Dr. Max’ed Cali Ibraahiim.

La yaab ma lahan in waqtigan Fidnada badan la maqlo qolyo Diinta u Nisba sheeganaya oo haddana leh dhaqankii lagu yaqiinay Khawaarijtii Baadida cad ku tilmaamay dhiigoodana baneystay Khulufadii Islaamka ee Sharafta iyo Taqwada Alle ku maneystay.

Aan dhanka kale ka eegnee, kooxaha ka horjeeda dowladda Midnimada Qaran ee Sheekh Shariif waxa ay ku andacoodaan qaarkood, ka dhab maahan warka ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Shariifku sheego, Subxaanallah, ma qof qofka uurkiisa ku jira ayaa jira, ama ogaan kara waxa u qarsoon, waxyaabahaasi waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha Diinta looga fogaado, ama looga boxo, haddii qofku isku dayo inuu xugmiyo waxa qofka Baadinkiisa ku jira, isla markaana ku adkeysto.

Ugu dambeyntiina waxaan leenahay Al Shabaab, Xizbul Islaam iyo inta kale ee saluugsan dowladda Sheekh Shariif Xafiduhullaah, waa inay eegaan xaaladda dadka iyo dalku ku jiro oo ay Alle-na xusuustaan si dhab ah, oo ay ka towba keenaan khilaafka Islaamka, maadaama caddowga Islaamku uu aad ugu farxayo khilaafka dadka Islaamka ah, ayna dib u liqaan hamigooda ah haddii aanan aniga maamulin wadanka Gaw iyo Gash ma lahan, sababtoo ah horaa dad badani ugu tageen, adinkana yeydnaan ka daba tegine.

Max’ed Cabdi Goobe, Cairo, Egypt

Email cgoobe@gmail.com

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new