Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Xoogaga Ahlusunna oo Galgaduud ka sifeeynaya Shabaab"Dagaal"

Ceelbuur 14 March 2009 Waagacusub Media
Boqolaal ka tirsan xoogaga Ahlusunna Wal Jameeca ayaa la wareegay afar talis oo ay kooxaha Shabaab ku lahaayeen gobolka Galgaduud sida uu Waagacusub u sheegay Afhayeenka Ahlusunna ee goboladda dhexe Sheekh Cabdi risaaq Ashcari.
 

Sheekh Ashcari wuxuu tilmaamay in kooxda Shabaab ay isaga carareen talisyadii ay ku lahaayeen duleedka Magaaladda Ceelbuur,ayna ku raad joogaan.

" Waxaanu maanta u soo qalab qaadanay dagaal kala baxa,hada waxaan kaala hadlayaa meel 5 KM u jirto Ceelbuur,waxaan ka fadhinaa afarta jaho,waxaana rajo ka qabnaa in wiilasha jooga ee Khawaarijta nagu soo wareejiyaan hubka ,isna soo dhiibaan,hadii ay ka dhega adeegaan idinka alle cagta ayaan marin doonaa"ayuu yiri Sheekh Ashcari.

Ashcari wuxuu xusay inay isi soo dhiibi karaan cidii Somalia laakiin aysan aqbaleyn hadii ajnabiyiin ka mid yihiin.

Waxgaradka Magaaladda Ceelbuur ayaa guluf ugu jiro sidii maleeshiyadda Shabaab isugu dhiibi lahaayeen Xoogaga Ahlusunna oo sida la sheegay uu horkacayo Gudoomiyaha Maamulka Bartamaha Somalia oo uu dhalay Caalimkii weynaa Sheekh Maxamed Faarax,laguna magacaabo Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

Xoogaga Ahlusunna waxaa sidoo kale ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladda Ceeldheer oo ay heysteen kooxda Shabaabka iyadoo gurmad ka baxay Messegewaayna ay ku sii jeedaan Magaaladaas.

" Wuxuu qorshaheenu yahay inaan ugu dambeyn ka sifeeyno gobolka Galgaduud si aan ugu gudubno gobolada kale ee koofurta Somalia,hada idimku alle hubkooda ayaan ku sii dagaal geli doonaa"ayuu yiri Afhayeenka gobolada dhexe ee Ahlusunna Wal Jameeca,Sheekh Cabdi risaaq Ashcari.

" Ciidamadda Ahlusunna waxay Magaalada ka degeen afarta gees,waxaa naloo sheegay in talisyadii Shabaab ku lahaayeen duleedka Magaalada ay isaga carareen,intii aysan imaan,hada waxaa Magaalada laga dareemayaa saansaan colaadeed"ayuu yiri ganacsade ku sugan Ceelbuur oo la hadlay Waagacusub.

Gudoomiyaha degmadda Ceelbuur,Macalin Ilkacase ayaa Waagacusub u sheegay inuusan la safneen Shabaab.

" Culumaa'udiinka Ahlusunna sedex maalmood waxaan ka helayay telefoono hanjabaada,waxaana u sheegay inaana ku jirin Shabaab oo Magaalada hadii ay yimaadaan ku soo dhaweeyn doono,hada mar labaad waxaan leeyahay wax hubsada,oo misana hubsada"ayuu yiri Gudoomiyaha Ceelbuur.

Cabsida iyo kala cararka galay kooxda Shabaab waxay shacabka Galgaduud u tiriyeen bulshadii uu aad u nacday,sababa la xiriiro dhaqamadooda guracan ee ka baxsan shareecada Islaamka iyo bini-aadamnimada

Si Kastaba ha ahaatee,Weriye ka tirsan Waagacusub Media oo la socda Xoogaga Ahlusunna wuxuu tilmaamay in muuqaalka uu dareemayo ay tahay in 14 March 2009,loogu magac dari karo " Maalintii Geerida iyo Guuldarada Shabaab ee Galgaduud laga sifeeyay"

Fiira gaara: Marka xoogaga galaan gudaha Magaaladda ayna la wareegayaan hubka Shabaab,waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro muujinayo inshaa allaah"
Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new