Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Ahlu sunnah  oo  dhinac u dhigay Xisbul islaam iyo xarakada Alshabaab.

Ceelbuur 15 March 2009 Waagacusub Media

Culimada Ahlu sunnah wal jamaacah ayaa maanta dagaal ay kala hor yimaadeen xisbul islaam iyo waliba xarakada shabaab dhinaca dhulka ugu dhigay, kadib dagaal wayn oo maanta ay soo qaadeen culimada ahlu sunnah waljamaacah ayay ka saareen labada kooxood ee xisbul islaam iyo waliba shabaab tuulada Wabax ee magaalada ceelbuur.
 
Dagaalkan oo ahaa dagaal aad u kulul ayaa afhayeen u hadlay Ahlu sunnah wal jamaacah ku sheegay in ay gacanta ku hayaan magaalada wabax ee gobolka galgaduud.

Dhanka kale afhayeenka xisbul islaam ayaa asana qirtay in ay qayb ka ahaayeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada ceelbuur ee gobolka galgaduud, warar xaqiiqo ah oo aanu ka heleyno magaalada ceelbuur ayaa la inoo sheegayaa in magaaladaasi ay gacanta ku hayaan culimada Ahlu sunnah waljamaacah oo maanta gabi ahaanba ka saaray labada xisbi ee shabaab iyo xisbul islaam, wararku waxa ay intaa ku darayaan in gawaarida dagaalka ee culimada ahlu sunnah waljameecah ay gaaf wareegayaan magaalada Wabax iyo gabi ahaanba magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo hadda ma cada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ayadoo la ogyahay in ay ku geeriyoodeen 10 qofood oo isugu jira shacab iyo qoloyiinkii dagaalamayay.

By:C/laahi Kulane
Waagacusub Media
nayrobi-Kenya


Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new