-
Dubbihii cuslaa wuxuu durbaanka la helay Shariif markii
uu booqday ciidamada dhaawaca ah ee Uganda iyo Burundi
ka yaalla magaalada Nairobi ee dalka Keenya. Shariif ma
uusan booqan dhaawaca Soomaalida daadsan isbitaallada
Muqdisho oo ku dhaawacmay dagaalkii uu asagu u yaboohay!
Taasi waa farriin oranaysa “waxaan leeyahay ehel cusub
oo Soomaalida iga waardiyeeya waana gaalada madow ee bad
iyo berri labadaba dadka ku dilaysa”. Waxaa xusid mudan
in ay duqayn ba’an muqdisho ka geysteen ciidankaas
Afrikaanka ah intii uu Shariif madaxweynaha ahaa ayadoo
kalluumaysatada Muqdisho ay ka cawdeen in ay
rasaaseeyaan ciidankaasi. Shariif markii uu jihaadka
iclaamiyay sanadkii 2006 Muqdisho kuma sugnayn hal gaal
oo hubaysan haddana wuxuu booqanayaa niman ku dhaawacmay
ayagoo Muqdisho shacab ku laynaya!

-
Dubbihii ugu dambeeyay ee Shariif ku
dhuftay durbaankiisa waa asaga oo ku dhawaaqay in uusan
ka maarmi Karin ciidamada Uganda iyo Burundi sababo
ammaanka la xariira awgood. Waxaa kaloo hubaal ah in
Soomaaliya ay ku soo fool leeyihiin ciidammo Afrikaan ah
oo loo bixin doono AFRISOM si ay dagaallo hor leh uga
curtain guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Hadalka ka soo
yeeray Shariif eek u saabsanaa in uu u baahan yahay
ciidamo ajnabi ah si ay dadkiisa uga waardiyeeyaan waa
mid nasiib darro ah isla markaasna ka hor imanaya
dalabkii culimada iyo shuruuddii xabbad joojinta ee
ahayd in ciidamadaas looga saaro dalka muddo saddex
bilood gudahooda ah kuwo kalena aan la keenin. Hoos ka
aqri shariifka oo Reuters u sheegaya in aysan jirin
sabab loo saaro ciidankaas:
(http://www.reuters.com/article/homepageCrisis/idUSLA274894._CH_.2400)
Waxaa hubaal ah in Shariif uu u marayo dadaal ka badan kii
uu maray Cabdullaahi Yuusuf si uu u farax galiyo dadka
dubbaha u soo dhiibay. Lama hayo meel uu Cabdullaahi
Yuusuf ku soo booqday dhaawac gaalo. Maxaa ku kallifay
Shariif?
Dubbeyaasha uu Shariif gamay waxa ugu horreeyay in uu
Addis Ababa ka dagay isla maalintii la doortay oo uu la
shiray Malez Zenawi ayadoo aan lagu xisaabtamin xasuuqii
uu Zenawi ka geystay Soomaaliya. Booqashadaas iyo hadalka
Shariif ee ah waan u baahnahay ciidamado ajnabi ah waxay
xalaaleeyeen (legitimize) howlgalkii ay Itoobiya ku soo
gashay Soomaaliya.
Waxaa nasiib darro ah in Shariif dubbaha uu wax ku
garaacayo ay gadaal ka hayaan gacmo daalay oo aan xoog
lahayn. Waxa asaga wax ka dhigay saddex qof oo kala ah
Ahmed Ould Abdalla, Jendayi Frazer iyo Michael Rennebeger.
Saddexdoodii labo shaqadii way ka dhamaatay, kan
saddexaadna geed adag ma haysto oo waa nin dal faqiir ah
ka soo jeeda. Waxay u dhowdahay in Shariif asaga oo aan
durbaanka wada jabinin uu burriska hayn waayo oo uu sidaas
ku ahaado durbaankana cid u dhaanta Allaah u bixiyo.
Gabagabadii, waxaa sannadkii 2004 labo qaybood u kala
jabtay dowladdii lagu soo dhisay Kenya ee uu Cabdullaahi
Yuusuf madaxweynaha ka ahaa. Koox waxay xarun ka dhigteen
magaalada Jowhar ee shabeellada dhexe halka kooxda kale ee
uu hogaaminayay Shariif Xasan oo ah wasiirka maaliyadda Sh.
Shariif iyo koox dagaal oogeyaal ah ay dageen magaalada
Muqdisho.
Abwaankii xakiimka ahaa Allaha u naxariistee, Cabdulqaadir
Xirsi Yamyam ayaan weydiiyay ra’yigiisa labada kooxood
midka saxan. Yamyam wuxuu iiga sheekeeyay jeegaanta ku
taalla cirkka habaynkii in ay Soomaalidu tiraahdo Iblays
baa hooyadiis ku jiiday. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan
buu yiri : Iblays nin hooyadiis jiida wuu yahay, habar
iblaysna wax la jiido way tahay.
Shariif wuxuu galay booskii Cabdullaahi Yuusuf wuxuuna
ra’iisal wasaare ka dhigtay la taliyihii Cabdullaahi,
afhayeenka baarlamaankuna waa kii Cabdullaahi. Dowladdu
waa tii Cabdullaahi, ciidamada uu Shariif kama maarmo
leeyahayna waxaa keenay Cabdullaahi. Shariif wuxuu aqbalay
in uu iska reebo darajada Sheikh oo magaciisa ka horrayn
jirtay habaynkii doorashada ka hor oo uu hilmaamay in uu
Sheikh ahaan jiray. Raggii Cabdullaahi Yuusuf gaalaysiin
jiray hadday Shariif islaam ka dhigtaan waa niman u kala
hiilliyay iblays iyo habartiis!

Abdullaahi Ali-Jiir
abdullahialijiir@hotmail.com
Hoos ka daalaco qoraalkii hore, Shariif Sheikh Axmed oo
durbaankiisii burris loogu dhiibay:
http://www.gedoonline.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1
022:shariif-sh-axmed-oo-durbaankiisii-burris-loogu-dhiibay&catid=21:somalinews
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new