Waagacusub
English News Clickhere
Somalia:Local
media takes tough stand Clickhere
Topnews:Xildhibaano ka goosanaya dowladda cusub.
Muqdisho
15
March 2009 Waagacusub Media
Ololahii ugu balaarnaa ee dhidibada loogu siibayo
Dowladda cusub ee Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa
ka dhex soconaya xubnaha baarlamaanka iyo Golaha
Wasiiradda ee Xukumadda Cumar Cabdi Rashiid Cali
Sharmaarke.
Tiro ka badan 20 Xildhibaan ayaa lagu wadaa inay u
goostaan Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Asmara ee
Xasan Dahir Aweys hogaamiyo sida ay Waagacusub u
sheegeen qaar ka mida xubnaha baarlamaanka ee gadoodsan.
Goosasashada Xildhibaanada cusub ayaa la sheegay inay ka
shaqeeyeen ganacsato Somalia iyo diblomaasiyiin ka
tirsan Dowladda Ereteria.
Xildhibaanada baarlamaanka ugu jira beesha Mareexaan
Daarood ayaa guluf xoogan ugu jira sidii ay wadajir uga
bixi lahaayeen golaha cusub iyadoo warar hoose ay
sheegayaan inay maamul ka dhana Dowladda Shariif Sheekh
Ahmed hogaamiya uga dhawaaqayaan gobolka Gedo.sida ay
Waagacusub ugu xog warameen ila wareedyo ka mida.
Xildhibaanada beesha Isaaq ugu jira baarlamaanka cusub
ayaa lagu waramayaa inay wadahadalo hoose la galeen
Xukumadda iyo Xisbiyadda Somaliland ayna dhawaan ka
degayaan Magaaladda Hargeysa oo ay kaga dhawaaqi doonaan
inay isaga baxeen golaha baarlamaanka gaaraya 550
xubnood ee isku dhafka DJibouti.sida uu Waagacusub u
xaqiijiyay Xildhibaan caana oo Wasiir ka soo noqday
Xukumadii Cali Maxamed Geeddi ee TFG.
Qaar ka mida Wasiiradda Xukumadda cusub ee Cumar Cabdi
Rashiid Sharmaarka ayaa laga soo xigtay inay iska
casilayaan xilalka loo igmaday hadii aanan golaha
Wasiiradda lagu sameeyn isku shaandheeyn si qaar ka mida
hogaamiyeyaasha Mucaaradka iyo beelaha saluugsan uga
raali noqdaan.
Ololaha ka dhankaa dowladda cusub wuxuu dhashay ka
gadaal markii Xukumadda Ra;isulwasaarre Cumar Cabdi
Rashiid ay noqotay mid loo qoondeeyay taageerayaasha
Korneyl Cabdullahi Yusuf iyo kuwa Madaxweyne Shariif
Sheekh Ahmed ee ARS garabka Jibouti.
Labada Ra'isulwasaarre ku xigeen ee Xukumadda waxaa laga
dhigay Cabdi Raxmaan Ibbi iyo Shariif Sakiin oo lagu
tilmaamo labada Gacmood ee Madaxweyne Shariif,waxaana
socda cadaadis ku saleeysan sidii Xukumadda looga dhigi
lahaa mid leh astaan Midnimo qaran maadama magaca
dowladda yahay.
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new