Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Abwaan Bacadle" Shabaab waa in dalka laga xoreeyo"

Muqdisho 15 March 2009 Waagacusub Media

Gudoomiyaha golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajira ay iskaga celiyaan kooxda Shabaab la baxday.
 

Abwaan Bacadle oo la hadlayay Saxaafadda Mogadishu wuxuu yiri " Shabaab waa keligood muslim,dadkii oo dhan waa gaaleeysiiyeen,waa dhaqan guracan oo laga sii aamusnaan karin,waxaan shacabka ugu baaqeeynaa inay iska dhacshaan mar hadii dalka yeeshay dowlad uu garwadeen ka yahay hogaan Islaamiya,oo Xukumadiina ogolaatay ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Abwaan Bacadle wuxuu tilmaamay inay Shabaab caado ka dhigteen dagaal,dilida waxgaradka,gaaleeysiinta cidii diido afkaartooda ka baxsan shareecada iyo inay ku faanaan anagaa muslima oo inta kale waa gaallo.

"Wiilal yar yar ayey maskaxda ka qaldeen,mid xunoo yamiisleh baa ku leh,naftaan kaa qaadaa,oo gaalyahoow waxaan ku dilaa waqti hebel,bal ilaahbaan idinku dhaarshee diin la'aantaas ka warama,alleeylahe Ummadda Soomaaliyeed waa inaysan yareeysan fidnada ay la gafuur duuban yihiin wiilasha sheegta AlShabaab" ayuu si caro leh u yiri Abwaan Bacadle.

Bacadle oo ay tahay markii ugu horeeysay ee uu si qayaxan u cambaareeyo kooxda Khawaarijta qarniga lagu sifeeyay ee Shabaab,wuxuu hadalkiisa ku koobay" Wiilasha madaxa laga waalay waxaan leenahay dowladda cusub raaca oo Mustaqbalkiina wanaajiya,kana soo taga kuwa beenta idiin sheegaya ee jaahilnimo ka gaaray inay diidaan xuska Nabigeena Muxamad NNKH"

Ugu dambeyn wuxuu Abwaanka tix shiriba u diray Shabaab iyo Shacabka.

"Igaarada afduubanoow,umadaad leeyseen waa Islaam"

"Igaaradda afduubanoow,Amiirul muminiinka raac ama Israa'iil adeec"

"Igaaradda afduubanoow.ummadu waydin aragtee,islaaxa qaata eed la'aan"

"Igaaradda afduubanoow,ajashi ruux ma agmaree,intaa ogaada reer Abuu"

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new