Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Barnaamij muruga badan oo laga sii daayay TV Sweden+Sawiro

Stockholm 18 March 2009 Waagacusub Media

Telefishin ku yaal dalka Sweden oo lagu magacaabo SVT ayaa laga sii daayay barnaamij murugo badan oo ay ka qeybgaleen waalidiinta dhalay gabadhii 14 Jirka ahayd ee kooxda Shabaab ay dhagaxa ku dileen Magaaladda Kismayo.

Aabaha dhalay gabadha yar ee xaqdarada loo dilay oo lagu magacaabo Ibrahim Dhuxuloow oo ay garab fadhiday hooyada gabadha dhashay ayaa isagoo ay ilmo ka qubaneyso indhahiisa wuxuu sheegay in gabadhiisa Asho allaha u naxariistee ay ahayd saqiir loo dilay xaqdaro.Halkaan ka Daawo barnaamijka,hadii muuqaalka daawashadiisa dhib kugu tahay sida Slow Internet halkaan ka dhageyso ama ku shubo telkaaga u heyso taariikh Download

 

"Waxay dhihi jirtay waxaan doonayaa inaan soo arko ayeeyadeey laakiin kama ogolaan maadama ay Waxbarasho u socotay,waxaan qiyaasayaa in lagu sasabay oo lagu waday,waxaan kuu geeynaa ayeeyadaa,waxay igu dhahday toban habeen,oo ay naga maqneed habeen ka mida ayey sedex nin oo hubeeysan i wateen ayey dhehday,kadibna waxay igu kufsadeen xeebta Kismayo,waxaan ku soo cararay ayey dhahday gabadheeyda saldhiga ka gadaalna markii la soo qabtay nimankii ayey is aqoonsadeen oo waxay noqdeen Shabaab,waana la sii daayay"ayuu yiri Aabaha dhalay gabadha yar oo ka warbixinayay intii ay u sheegtay.


"Gabadheeyda cidda kufsatay waa Shabaab AlQaeda,cidda dishayna waa AlQaeda"ayuu yiri Aabe Ibrahim Dhiblaabe.

Aabaha dhalay gabadha oo la waydiiyay sida uu u arko Shabaab wuxuu yiri"Waxaan u arkaa inaan isku diin ahayn oo diin qalafsan ay wataan"
Telefishinka Sweden wuxuu tegay Kismayo meeshii lagu daldalay gabadha yar kadibna wuxuu la kulmay goobjoogayaal ka qeybgalay murugadii cadaalad iyo diin la'aanta ee gabadha saqiirkaa lagu dhagax dilay.

"Gabadha yar oo gaari lagu waday ayaa la keenay,markii ay godka aragtay ayey barooratay,niman xoogag waa weeyn oo ajnabiya ayaa godkii ku riday,godkii ayey ka soo booday,waa lagu celshay,sodon nin oo gafuurada duubtay,xoogweyn oo ajnabiyiin u badan ayaa dhagax ku bilaabay,godkii markoow buuxsamay ayaa dhagaxyadii laga soo guray,hadana mar kale ayey ku garaaceen,ilaa la soo saaray iyadoo maskaxdeedu shub meeyso"ayey iskaga marqaati fureen Ahmed iyo Sucdi oo goob joog u noqday dhacdada taariikhiga ee waxma garatada AlQaeda ay ku cuntay gabadha yar ee Caasha.


Sucdi waxay tilmaamtay inay Kismayo ugu nool yihiin sida Maxaabiis in lagu qasbay inay qaataan jilbaab iyo indha shareer oo aysan haweenka qaar iibsan karin,in loo diiday daawashada Ciyaaraha dunida ama TV oo dhan.

" Gabdhahu marooyinka baatiga ma qaadan karaan ayaa la dhahay,waxaa maalin walba la garbaashaa cidaan wadan shulugyadaan ay u baxsheen jalbaabka,banoonigii waa naloo diiday,daawashadii telefishinada,dhibkaas ayaan qabnaa"ayey mar kale si murugo leh u tiri Sucdi Mohamed.

Hooyada dhashay gabadha yar ee shahiiday oo lagu magacaabo Faduma ayaa tiri " Sidii loo dilay gabadheeyda Caasho walaahi ma seexdo aniga dhan fikir iyo murugo leen u ehel noqday"

Barnaamijka laga diyaariyay arxan darada Shabaab qofkii daawada unbaa u la ehel noqon caloolyoow.

Allahayoow,ka saar dhibta shacabka Soomaaliyeed ee bahalada ay mugdiga ku qalanayaan dal iyo dibadba.
Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new