Waagacusub
English News Clickhere
Somalia:Local
media takes tough stand Clickhere
Faalo;-Maxamed Faroole iyo Qorshaha Afduubka Saxaafada
Puntland.
Faalo 18
March 2009 Waagacusub Media
Tan iyo intii Madaxweynaha hada xilka haya ee Puntland
Dr.Cabdiraxmaan Faroole loo doortay jegada
Madaxtinimada Puntland sanadkan horaantiisa, waxaa isa
soo taraya cadaadiska saxaafada Puntland uga imaanaya
Wiil uu dhalay Madaxweynaha oo lagu magacaabo Maxamed
Faroole, kaasi oo ah Mulkiilaha Radio Garowe.
Maxamed
Faroole ayaa qorshaha uu ku cadaadinayo tahay mid
salka ku heysa in dhamaan xogta Dowlada aan si siman
loogu gudbin saxaafada ayadoo Radio Garowe qadaraas
khaas ah ku qaadaneyso dhamaan wararka Dowlada
Puntland iyo waliba gudbinta Xogta kasoo baxday
Laamaha Dowlada Puntland.
Arrimahan ayaa ah kuwo heerar kala duwan soo maray,
ayadoo ay hada mareyso meeshii ugu xasaasisaneyd kadib
markii Maxamed Faroole uu kala diray suxufiyiintii
khaaska ahayd ee u shaqeyn jiray Madaxtooyada Puntland.
Maxamed Faroole oo hada ku wehliya Safarka
Madaxweynaha Puntland ku jooga dalka Itoobiya, ayaa
sidoo kale mamnuucay in xogta safarka Madaxweynaha
lagu daabaco websitekii Dowlada Puntland lahayd ee
Puntlandgovt.com, kadib markii suxufiyiintii
Madaxtooyada uu Maxamed Faroole u diiday inay raacaan
diyaaradii uu Cabdiraxmaan Faroole ku tagay dalka
Itoobiya, dhamaan warbixinadii Madaxweene Faroole ayaa
lagu wareejiyey Websiteka Radio Garowe.
Maxamed Faroole oo kameradiisa u qaatay inuu sawirada
Madaxweynaha iyo kulamadiisa Puntland kusoo daabaco
bogiisa Garoweonline, ayadoo sidoo kale cunaqabateyn
kusoo rogay suxufiyiinta kale ee ku sugan magaalada
Garowe.
Dhaq dhaqaaqa Maxamed Faroole oo ah mid aan horey
looga baran Wiilashii ay dhaleen madaxweynayaashii
hore ee Puntland ayaa ah mid ay si weyn u hadal hayaan
shacabka Puntland.
Hadaba dar darta Maxamed ayaan ku koobneyn halkaasi,
waxaa sidoo kale dhawaan isa soo tarayey hanjabaayada
suxufiyiinta warbaahinta Puntland u shaqeeya ay kala
kulmaan ciidamada Madaxtooyada illaalada ka ah
arrintaasi oo aan illaa iyo hada sabab loo hayn, ayaa
la sheegayaa inuu ka danbeeyo Maxamed Faroole oo amar
qayaxan kusiiyey wiilasha illaaliya Madaxweynaha
inaysan soo siideyn suxufiyiin uusan asagu fasixin.
Dikereetooyinka kasoo baxa Madaxtooyada Puntland ayaa
ah hada mid ay suxufiyiinta Puntland u doontaan
xaafiiska Radio Garowe ee magaalada Garowe, kadib
markii Maxamed Faroole la wareegay in uu asagu qeybiyo
wixii qoraal ah oo Madaxtooyada kasoo baxa, halka
horey ay Madaxtooyada xogheynteeda si gaar ah ugu diri
jirtay dhamaan Warbaahinta ku sugan magaalada Garowe
ee caasimada Puntland.
Maxamed
Farole oo dhawaan ka qeyb galay kulan ka dhacay
magaalada Bosaso oo lagu dhex dhexaadinayey
Madaxweynaha iyo suxufiyiin caqabad kala kulmay
Madaxtooyada, ayaa asagoo kulankaasi la hadlaya
Suxufiyiinta ku sugnaa u sheegay inay Saxaafada
Puntland qaarkeed la xiri doono hadii aysan sharciga
raacin, waa suu hadalka u dhigayee, hadalkaasi oo ay
suxufiyiinta intooda badan u qaateen hanjabaad cad.
Maxamed Faroole ayaa hada wada qorshe ku kacaya
$100.000 oo dollarka Maraykanka oo laga saxiixi
doono Dowlada Puntland inay ku siiso qandaraas Maxamed
Faroole inuu hirgeliyo idaacad iyo telefishin ay
dowlada Puntland leedahay, kaasi oo hoos imaan doona
Radio Garowe.
Qorshahan ayaa ah mid aan weli lasoo hordhigin
Wasaarada Warfaafinta, balse si weyn ugu faanay
Maxamed Faroole mar uu magaalada Garowe kula hadlayey
suxufiyiin ku sugnaa Madaxtooyada.
Hadaba hadii uu mashruucan hirgalo ayaa noqon doonta
Shirkadii ugu horeysay oo Warbaahineed oo Puntland ka
jirta (Radio Garowe) oo si gaar ah loo leeyahay oo ay
dowlada lacagtii shacabka ka aruurisay ee canshuurta
ku maal geliso.
Maxamed Faroole ayey ku tilmaameen dadka u dhuun
daloola siyaasada Puntland shaqsi halis ku ah
Madaxtooyada Puntland iyo waliba Madaxweynaha Puntland,
ayagoo tusaale usoo qaateen talooyinka Maxamed Aabihii
siiyo inay kamid ahayd, dhaliiceyntii Madaxweynaha
Puntland uu dhawaan dusha uga tuuray Sawiraaga Caanka
ah ee Amiin Caamir, oo uu sheegay Madaxweynaha
Puntland inuu maxkamad la fuuli doono kadib markii uu
soo bandhigay, sawiro lagu muujinayo xiriirka ka
dhaxeeyey warshadaha lacagaha Falsada sameeya iyo
Maamuolka Faroole.
Taladaasi Maxamed Faroole ka timid isla markaana uu
meel mariyey Madaxweyne Faroole ayaa ka fajacisay dad
badan oo Soomaali ah kadib markii uu Faroole noqday
Madaxweynihii ugu horeeyey oo Shir jaraa’iid u qabta
dhaliiceynta Amiin Caamir oo ku nool dalka Canada.
Marka laga yimaado dhanka saxaafada Maxamed Faroole
wuxuu sidoo kale ka dhex muuqdaa dhaq dhaqaaq lagu
doonayo in lagu hubeeyo beesha uu kasoo jeedo
Dr.Faroole, ayadoo si gaar ah uu la taliye aan la
magacaabin ugu yahay Taliyaha cusub ee Daraawiishta
Puntland oo ay isku jifo yihiin.
Maxamed Faroole ayaan ciidamada kaliya xiriir la
lahayn wuxuu sidoo kale kamid yahay xubnaha
maalgashtay ganacsiga Aargoosiga ee xeebta Eyl
halkaasi oo saldhig u ah burcad badeeda Puntland oo
dhinacooda la sheego in xiriir weyn ka dhaxeeyo
Maxamed Faroole.
Shacabka Garowe ayaa ayagu ku xanta Dr.Faroole xiligii
uu doorashada galay inuu ka helay deeq dhan $200.000
oo dollarka Maraykanka burcad badeeda fadhigeedu uu
yahay degmada Eyl ee gobalka Nugaal.
Arintan ayaa waxaa si weyn shaki usii gelisay shacabka
kadib markii uu Madaxweynaha Faroole uu diiday in
ciidamo uu udiro degmada Eyl si ay ulla dagaalamaan
Burcad badeeda halkaasi xarunta ka dhigatay. Balse
Faroole ayaa asagu weerar ku qaaday deegaanka Mareero
ee Bosaaso oo laga dhoofiyo Tahriibta, halkaasi oo uu
dhawaan sheegay inuu kusoo arkay burcad badeed.
Waxayna shacabka weli is weydiinayaa degmadii uu kasoo
jeeday ee Eyl xiliga uu u diri doono ciidamo wax ka
qabta burcad badeeda malaayiinta dollar ku heysata?
Maxamed Faroole ayaa asbuuc lasoo dhaafay markale ay
shacabka Garowe si weyn u hadal hayeen kadib markii uu
Madaxtooyada u diiday inay galaan Wafdi ka yimid dalka
Australia oo ka socday shirkada Range Resourse oo
ayadu horey maamulkii cade heshiis kula gashay
baaritaanka macdanta iyo Batroolka.
Maxamed Faroole ayaa markii wafdigan oo ka koobnaa 7
xubnood ayna ku jireen sadex nin oo suxufi ah ay
gaareen irida hore ee Madaxtooyada u sheegay si toos
ah inaysan geli karin xafiiska Madaxweynaha.
Maxamed Faroole oo xiligaasi ku sugnaa irida hore ee
xarunta Madaxtoooyada ee Garowe ayaa u sheegay
askartii halkaasi taagnaa inay dib u ceshaan, Cadaanka
Dalka dhacay, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Aritan ayey ka caroodeen wafdigii Australia ka yimid
oo dib ugu noqday magaalada Bosaso oo ay horey uga soo
degeen. Maxamed Faroole ayaa asagu heysta dhalasho ah
dalka Australia, waxaana si weyn loo hadal hayaaa
heshiisyo cusub uu wado asaga shaqsiyan oo uu doonayo
in shirkado cusub uu ku keeno gobalada Puntland,
Maxamed ayaa la hadal hayaa inuu ka shaqeenayo in la
burburiyo heshiisyadii hore ee uu maamulka Cade la
galay shirkadaha shisheeye..
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata Maxamed Faroole
inuu noqday shaqsiga ugu muhiimsan ee aan xilka ka
hayn dowlada Puntland, hadana ugu awood badan
Madaxtooyada Puntland arintaasi oo ay walaac weyn ka
muujiyeen shacabkii isbedal doonka ahaa ee reer
Puntland.
Adan Cilmi Cabdiraxmaan
cilmi87@gmail.com
Gaalkacyo
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new