Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Somalia:Local media takes tough stand Clickhere

Xukumadda Somaliland oo xarig shan bil ku xukuntay Weriye caana.

Hargeyso 18 March 2009 Waagacusub Media


Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa maanta ku xukuntay 5-bilood oo xadhig ah Tifaftiraha Wargayska Yool ee ka soo baxa Magaalada Hargaysa Maxamed Cabdi Curad, kadib markii uu muddo dhan 20 maalmood uu ku xidhnaa xarunta ciidanka danbi baadhista ee [CID] ee Magaalada Hargaysa.
 

Xadhiga Suxufigan Maxamed Cabdi Guuleed [Curad] ayaa ka danbeeyey kadib markii ay xeer ilaalinta guud ee qaranku ku eedeysay inuu qoray warar been abuur ah, isla markaana uu soo saaray wargeys aan ka diwaangashanayn xeer ilaalinta qaran, basle ruqsad kaliya ka haysta Wasaarada Warfaafinta.

Hasayeeshee. Qareenka Suxufigan oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa ku gacan saydhay eedeymahaas loo soo jeediyey. Waxaanu ku dooday qareenku in ogolaanshaha ama ruqsada xarun warbaahineed ay bixiso wasaarada warfaafinta oo kaliya,sidaa darteedna uu wargeyska ‘Yool’ uu Sharci yahay, isaga oo ku sababeeyey in xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ka diiday diwaangelintiisa wargeyskan.

Sidoo kale waxa uu qareenkani suxufigan ka difaacay eeda warka oo uu ku tilmaamay mid uu ka soo xigtay wakaalad warbaahineed, isla markaana uu cadeeyey xigashadeeda.

Garsoore Cabdiraxmaan Madar Caraale oo kiiskan qaadayey ayaa sheegay inay suxufigan ay maxkamada horteeda kaga cadaatay inuu baahiyey warar aan sal iyo raad toona lahayn oo aanu dhab ahaan shahooda xaqiijin Karin, sidaa awgeedna ay maxkamadu ku xukuntay muddo shan bilood ah.

Xeer ilaalinta Gobolka Hargaysa ayaa la sheegay in ay hor-joogsatay in ehelada Suxufigani ay bixiyaan qiimaha xadhigiisa lagu xukumay,taas oo ay maxkamadu ogolaatay waxanay sheegeen in ay ambiil ka qaadanayaan xukunka lagu riday Maxamed Cabdi Curad.


Khadar Hussein Ibrahim

Editor Golisnews Desk

Hargeysa/Somaliland.

Email: Khadarhussein@gmail.com

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new