| Waagacusub
English News Clickhere
Somalia:Local
media takes tough stand Clickhere
Wiil Hargeysa ku
dhashay 2008 oo salaada dukanaya,qur'aankana akhrinaya.
Hargaysa 26 March 2009 Waagacusub
Media
Waa arin mcjiso ah oo mudan in lagu cibro
qaato walaalayal meel walba oo aad joogtaan , Wiil Yar
Oo 4 Bilood Jiray, Lugihiisa Ku Sara-joogsanaya, Ku
Dhawaaqaya Suurad Qur’aan Ah, Saalada Xilligeeda
Ilaaliya.
C/risaaq
Keyse Xasan Yaasiin waa wiil yar oo jiray 4-bilood iyo
todoba habeen,dhashayna bishii November 20-keedii sanadkii
2008-dii kuna dhashay cusbitaalka Edna Maternity Hospital
ee Magaalada Hargeysa, waxaanu shanta salaadood u
ilaaliyaa sida dadka qaan gaarka ah oo kale, waxa kale oo
uu akhriyaa qur’aanka Kariimka ah isaga oo badanaa ay
afkiisa ka soo baxdo suuratul Qul Huwala.
Sida uu aabaha dhalay wiilkan yar ee Mucjisada ah Keyse
Xasan Yaasiin uu xaqiijiyay Weriyahaasha Shabakada Wararka
ee Magaalada Hargeysa iyo T.V yada ku yaal Hargeysa
arintaan mucjisada ah oo uu qarinaayay mudo badan ayuu
markii uu udul qaadan waayay waxyaabahan mucjisada ah oo
mar walba wiilkan yari la imaanayo wuxuu usoo bandhigay
jaarkiisii ama dariskiisii kadibna waxaa loo soo bandhigay
bahda saxaafada
Abaaha wiilkan dhalay oo faah-faahin ka bixinaya sifaha uu
ku arkay wiilkiisan yar ayaa Waxa uu yiri “Waxa aan
doonayaa in aan halkan bulshada reer Somaliland iyo
muslimiintaba uga gudbiyo ama aan uga soo tabiyo in wiil
yar oo bishii February 20-keedii sanadkii 2008-dii iigu
dhashay cusbitaalka Edna Maternety Hospital ee magaalada
Hargeysa, aan ku arkay arrimo badan oo la yaab iyo argagax
igu noqday, waxa aan la yaabay oo intii uu jirayba aan ku
arkay waxyaabo badan oo caqliga qofka aad uga yaabinaya,
waayo markii uu dhashay xitaa dhakhtarkii ka umulinayay
hooyadii ayaa ka yaabay, waxa uu soo dhashay isaga oo
labadiisa gacmoodba ay fidsan yihiin isla markaana
farihiisa mid waliba gaarkeeda u taagan tahay.”
“Mida kale saddex habeen kaliya markii uu jiray ayuu
afkiisa ka soo baxay erayga ah Ummah, ama Hooyo waana mid
aanu la yaabnay.17 Habeen ka dibna waxa uu ku dhawaaqay
erayga ah Abii ama Aabe .waxa kale oo aanu ku aragnay in
maalintii 25-aad uu isu taagay sidii qof yar oo gaaray
muddadii uu ku istaagayay ayuu sarakacay oo uu istaagay
taasina waa mid aanu la yaabnay”ayuu intaasi raaciyey
aabaha dhalay wiilkan mucjisada ah
Aabo Keyse Xasan Yaasiin oo sharaxaad ka bixinaya sida uu
salaadaha u tukado iyo bal in ay jiraan in uu wakhtiga
ilaaliyo waxa uu noo xaqiijiyay in uu wiilkan yari uu
salaad walba diyaar u yahay, xitaa buu yiri salaada Subax
oo marka aanu hurudno ka war helno uun isaga oo meel ka
qaylinaya isla markaana dhamaystay salaadiisii
“Salaad waliba marka ay taagan tahay, waxa aad arkaysaa
isaga oo taagan, oo inta uu gacmaha is dul saaro tukunaya,
hadii aad istiraahdo qabana wuu ooyayaa.Waxa wax lala
yaabo ah, salaada subax oo ah ta aanay cidi u kicin, qofka
caajiska ahina uu is yiraahdo hadhaw ayaad tukan doontaa,
waxa aanu ku war helnaa isaga oo salaada ku jira, isla
markaana gudanaya”ayuu yiri Keyse Xasan
Waxa kale oo uu intaa ku daray in wiilkan yari marka uu
saxaroodo aanu ogolayn in isku bi'iyo isla markaana ay wax
wasakh ahi gaarto , waxaanu xusay in uu labadiisa cagood
uu kor u taago ilaa inta laga bi'inayana ay lugihiisaasi
kor u taagnaadaan waxaana uu aabaha wiilkan yidhi “Marka
uu saxaroodo ama kaadsho waxa aad arkaysaa oo badanaa
caado u ah in uu labadiisa cagood kor u taago oo aanu
ogolayn in ay ku ba’do ilaa inta laga bi'inayana
cagihiisaasi kor ayay u taagnaanayaan, laakiin marka laga
bi'iyo wuu dejiyaa”.
Waxa yaab iyo amakaag badnayd markii dhagaha intii markaa
nasiib u heshay ay dhagaysteen wiilkan yar oo isku daraya
hadaaq, iyo aayad qur’aan ah, waxaanu ku luuqaynayaa oo
afkiisa laga maqlayaa suuratul Qul Huwale.
Aabo Keyse Xasan Yaasiin oo aanu wax ka waydiinay bal
goorta uu bilaabay qur’aan akhriskan waxa uu noo
xaqiijiyay in markii uu soo dhashay ee uu jiray muddo
kooban uu bilaabay qur’aan akhriska isla markaana ay ku
duubeen cajalad oo ay dhagaysteen bal waxa uu aqrinayo
walaalayaal waa arin mucjiso Rabaani ah kolay wax walba oo
dunidan ka dhaco
waad la socotaan Alle ayaan ugu talagalay in umadiisa oo
meel walba wax ka tusiyo
Afhayeen
u hadlay Gudoomiyaha la laalay Dr Cumar IImaan Dhageyso
Shir Jaraa'id
Afhayeenka cusub ee Xisbul Islaam Dhageyso ama
Download
Xildhibaan
Kismayo tegay Dhageyso ama Download
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new
|
|
|
|