Waagacusub
English News Clickhere
SAL
MA LEEDAHAY SIYAASADDA HOGAANKA SOOMAALIDA!!!?By Cibaar
Mogadishu
26 March 2009 Waagacusub Media
Qormadan waxaan ugu tala galay inaan ku falanqeeyo,
isla markaana ku qaadaa dhigo, fahamka waxa ay siyaasadu
tahay iyo sida ay Somalidu u fahmeen.
Proff
Qudubi iyo Taariikhda Sheekh Aweys Allaha u naxariistee
Dhageyso
Oraah Soomaliyeed ayaa waxa ay leedahay {Hashu maankeygi
Gadayee ma
misaar bay laqday}, maahmaahdaan dadku waxay u isticmaalaan
marka ay
arkaan wax jahwareeriya oo xalkoodu adkaado, waxaana
uga gol leeyahay
siyasadda somalida meel loo raaco ma leedahay?
dhageyso
Bartilmaameedka Xulka Radio Waagacusub. ama Download
Haddii aan ku hor maro maxay Soomaalidu siyaasad u
taqaanaa? jawaabta
imaan kartaa waxay tahay waa been,waa boob, waa beec
iyo xoog, waa
siyaasadda Soomaalida iyo qaabka ay u fahamsan yihiin,
iyadoo su'aasha
kale ee la iswedydiin karo ay tahay maxaa keenay in
sidaa uu
fahamkoodu noqdo? waxaa
lagu micneyn karaa hoggaamiyeyaashi dalka soo maray
oo iyagu lagu soo
doortay afarta qodob ee aan kor kusoo xusay, waxaana
meesha ka baxay
waxa ay tahay siyaasadda saxda ah ee hoggaan dal ama
shacab, oo ah
waxa ku yimaada inta badan aqoon la barto, iyo waayo
aragnimo
hoggaanimo oo
ku shaqeeyo kasbashada shacabiga. Siyaasada saxda ah
waa cilmi la
barto oo horseedo dowlad wanaagsan iyo horumar dhaqaale
oo dalka lagu
soo dabbaalo.
Sida ku cad saxaafadda somalida waxaad moodaa in shacabka
somaliyeed
loo diray Sanbuuse Afar geys ah oo ay raadinayaan waxa
ismaan dhaafay
xagga siyaasadda dalka oo aanan toona ka soo rayneynin
in ay kasii
darto mooyaane oo siyaasigii hadlaaba uu hadalkiisa
kusoo koobmayo
afarta erey ee ah Been, Boob, Beec, iyo xoog oo aad
moodo in
shaqadiisu tahay in dadka uu baro waxa ay tahay Qabyaalad
iyo
difaacidda dano qabiil gaar u leeyahay, Siyaasad Xumida
Siyaasiyiinta
Soomalida waa ka mid ah in aysan afkiisa ama niyadiisuba
aysan ku
jirin yaa dalkaan burburay iyo dadkaan daalay u maqan?.
Soomaalidu waxay tiraahdaa runsheeg waa ceebsheeg,
laakin waxaan
cidina caad ka saarneyn in burburka dalka uu gaaray
meeshii ugu xumeyd
ee ebid uu dal gaaro, kuna qaangaaray dagaallo sokeeye
iyo qabyaalad
jecleysi, tiiyoo aan shacabkeena lagu dhiiri gelinin
waxa uu qabiil
yahay iyo sida dunidu ay qabyaalad ula tacaasho.
Qofkaad maanta weydiiso waa maxay dhibaatada Soomaaliya
ka taagan
wuxuu kuugu jawaabayaa waa Qabyaalad, qabyaaladduna
waa cudur aan dawo
laheyn, cudurku hadduusan dawo laheyna waxaa lagula
tacaalaa in la
karantiilo oo meel la isaga leexiyo, taas ayaana kow
ka ah in la isla
fahmo oo shaqsi kasta ogaado waxa ay wadaniyaddu tahay.
Billowgii gobonimodoonka Soomaaliya ayaa waddaniyiin
Soomaaliyeed
waxay isku qanciyeen sidii loo xoojin lahaa waddaniyadda,
loona tuuri
lahaa qabyaaladda markaasey waxa ay qabyaaladda ka dhigeen
wax la isku
ceebeyo, isla markaana waddaniyadda ammaan laga dhigto,
waxaana
qolooyinka loogu yeero afmaalka laga adeejiyey sideey
borobagando uga
sameyn lahaayeen waxa qabyaalad la yiraahdo, si ay dadka
u nacsiiyaan
ku dhaqanka qabyaladda, wanaagga ay waddaniyaddu leedahayna
sare u
qaadaan.
Xizbigii soo hindisay fikirkaa wuxuu ahaa {SYL} sanaddii
1943, balse
mashruucii la dagaalanka qabyaaladda ma noqonin mid
sidii loogu
baahnaa u hirgalay ee maxaa diiday ayeey su'aashu tahay?
Waa Maxay Muwaadin?
Fikirkasaliimka ah ee wadanigu wuxuu ku saleysan yahay
bilowgiisa hore
in dadka Somaliyeed yihiin muwaadiniin usiman xuquuqda
iyo
waajibaadka, loona kala fuquuqin qabaa'illo, nin jecleysi
IWM. waxaa
muhiim ah in qofkasta ogaado in dalku yahay shirko oo
uusan qofna
gooni u laheyn oo ay meeshu ka baxdo shaqsiyaadka dalka
isjecleysiinaayo oo aad moodo in iyagu uun ay leeyihiin,
wuxuu
dastuurka dowladda federal ah iyo xeer hoosaadkiisu
ay qorayaan (in
xuquuqda dalku ay shacabku u siman yihiin muwaadinka
somaliyeedna laga
doonayo in uu dhawro diinta islaamka, lana hormariyo.).
Dowladnimo;
Bal aan dib u jaleecno waxa ay dowladi tahay, inagoo
halkaas ka
fiirineyno siyaasadda dowladda halka ay ku saleysn tahay.
Waxaa dhacay
dil qorshaysan oo lala beegsaday madaxweynihii 2aad
ee dalka
Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma'arke, magaalada
Laascaanood,
sanaddu markay ahayd 1969/10/16, waxaa lagu xantaa dowladdi
kacaanka
in ay dilkaas ka danbeysay, balse waxaa geeridii Sharma'arke
dabadeed
gaashaanka u qabtay dalka Soomaaliya dowlad kacaan loogu
magac daray
oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Siyaad barre, dowladii
kacaanka marka
laga reebo dhisme iyo hantiwadaag ay dalka ka sameysay
waxa ay hanan
waysay kalsoonidii shacabka dalka u dhashay, kaddib
markii
siyaasaddeedu ay dabada la gashay diin aysan iyagu markaas
waxba ka
garaneynin, taasoo
sababtay in dalka ay ka dhacaan dagaallo ahli ah oo
19 sano jirsaday,
hayeeshe shir lagu qabtay dalka Jabuti ayaa waxaa lagu
soo caleemo
saaray dowlad uu Cali Mahdi Maxamed madaxweyne kasoo
noqday sanaddu
markey aheyd 21-07-1991, waxayna dowladaas kusoo fashilantay
siyaasad
loogu magacdaray {Calina gar leh Ceydiidna garleh} oo
caqli
siyaasadeed oo kala saara loo wayey.
Hayeeshee 10 sano oo dowlad la'aan uu ahaa dalka Soomaaliya
ayaa
hadana dib waxaa loogu soo lagu soo dhisay isla dalkii
Jabuuti
magaladda Carta Dowlad iyana logu
magac daray TNG oo uu madaxweyne ka soo noqday Cabdiqaasim
Salaad
Xassan 27-08-2000, dowladii TNG waxa lagu tilmaama dowladdi
ay
shacabka ugu kalsooni badnaayeen in ay aheyd balse ay
hanan waysay
dalkii, kaddib isku dhac u badnaa dhexdooda oo sababay
in cabdiqaasim
uu soo magacaabay 5sano gudahood saddex Ra'isul wasaare
iyo labo
guddoomiye baarlamaan, kuna fashilantay meel xaalkeeda
la ogyahay.
Sidoo kale waxaa dhacday in haddana urur goboleedka
IGAD uu dalka
kenya kusoo dhisay dowlad ay hogaamiyeyaashi dagaalka
dalka ay u dhan
yihiin
13-Oct-2004, waxaana madaxweyne ay u doorteen in uu
noqdo Cabdulaahi
Yuusf Axmed, dowladdaas oo loogu magac daray {TFG} Transitional
Federal
Government, waxay noqotay dowladdi ebid ugu siyaasad
xumeyd ee dalka
Soomaaliya soo martay, iyadoo sidii tii ka horeysay
uu madaxweynihii
magacaabay saddex Ra'iisul wasaare iyo labo gudoomiye
Baarlamaan,
waxaase intaas u sii dheereed in dalkii Soomaaliyeed
ay kusoo
hogaamisay cadawga
kowaad ee somaliya oo ah Ethiopia, gumaad farabadana
ka geystay, kuna
fashilantay dowladasi siyaasadii ay la soo banaan baxday,
meelna
marsiin waysay hadafkeedii loo soo doortay.
Hadda waxaa loo doortay in uu madaxweyne dalka ka noqdo
wadaad diimeed
lagu magacaabo Sheikh Shariif Sh Axmed, wuxuuna madaxweyne
ka yahay
dowlad midnimo qaran loogu magacdaray oo ka kooban 550
xildhibaano,
waxa looga fadhiyana waa in ay marto waddadii dowladihii
hore mareen
ama wado ka duwan oo ay la timaado siyaasad meel ku
saleysan oo ka
baxsan kana duwan siyaasdihii Soomaaliya godka galiyey
ee ku dhisnaa
hab qabiil, qabqable, boob, xoog, been, IWM.
Waxaan ku soo afmeeraa qormadeydan, waxay umdadda Soomaaliyeed
u
baahan yihiin madax cadaalad ku shaqeysa, sharcigana
dhowrta,
horumarna keenta, taas ayaana ah waxa guusha lagu gaari
karo, dalkasta
oo wax noqdana dadkiisa ayaa gaarsiiyaa, dowlad kasta
oo hanata
shacabkeedana aqoonteeda ayay leedahay iyo waayo aragnimadeed,
waxaana
muhiim ah in ahmiyad gaar ah la siiyo in qabyaaladu
tahay siyaasad tan
ugu xun ee ay noqotaa mid meel la iska dhigo, dowladduna
ay noqotaa
mid kobcisa dhaqaalaha dalka, oo aysan iyadu mushaaraadka
ka sugin
hay'ado banaanka ah, lana timaadaa horumar barri lagu
dooran karo
hogaan wanaagsan, runtuna waxa ay tahay in magaca Soomaaliyeed
maanta
uu yahay mid laysku caayo oo fuxshi iyo fadeexo dhexda
ka yaalo ee loo
istaago in uu noqdo mid laysku ammaano oo xabadka loo
garaacdo, si
kastaba Gacmo wadajir ayay wax ku qabtaan ee Qaranka
haloo istaago.
Raaligalin, waxaan raali galinayaa cidkasta oo uu qoraalkaan
taabanayo
waxaana mahad gaar ah siinayaa aqoonyahanada aan qoraalkooda
xigashada ku sameyey iyo intii gacanta igala geysatay.

By: Cibaar Sh Cali Cibaar.
cibaar5@gmail.com
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaan Mohamed Abdi Mohamed Dhageyso
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaanada Seynab laba dhagax Dhageyso
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso
Muxaadaro
Korneyl Sheekh Ahmed Mantaan Dhageyso
Xildhibaan
Kismayo tegay Dhageyso ama Download
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new