Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Sir Sunni Iyo Kulamadii Xalay Aduunka Laga Ciyaaray Ee 2010 World Cup.

Boga Cayaaraha  29 March 2009 Waagacusub Media


KAUNAS, Lithuania (AP)—Xulka heysta horyaalanimada World Cup ee Italy ayaa natiijo uu ku adkeynayo u soo bixitaanka koobka aduunka ee 2010 qaarada afrika lagu qabanayo xalay qaaday markii uu guul soo hooyay, sidaasi si la mid ah waxaa guulo waaweyn gaaray xulalka ugu awooda badan yurub ee loo yaqaan European powers sida Germany, Spain, France iyo the Netherlands.

Bartilmaameedka xulka Wareeysiyadda Radio Waagacusub 29.03.09 Dhageyso ama Download
 

Andrea Pirlo o goal rigoore ah dhaliyay 11th minute iyo Giampaolo Pazzini oo goalkisii ugu horeeyay oo caalami ah xalay dhaliyay markii uu u saftay kulankiisii ugu horeyay Italy ayeey waxey 2-0 kaga tilaabsatay Montenegro.


Germany ayaa dardartay Liechtenstein oo 4-0 u dhiibtay, Spain waxey Turkey kaga taqalustay 1-0, France natiijo taasi la mid ah 1-0 waxey kaga gudubtay Lithuania, the Netherlands waxey Scotland u dhiibtay 3-0. halka England ay ciyaar sxbtinimo Slovakia 4-0 u dhiibtay.

qaarada South America, ciyaarihii xalay dhacay waxaa ka mid ahaa Argentina oo Venezuela 4-0 ku quusisay, Diego Maradona’ayaa kulankaani wuxuu u ahaa kiisii ugu horeeyay oo caalami ah oo uu xulka dalkiisa hogaamiyo, Uruguay ayaa Paraguay kaga taqalusatay 2-0 halka Colombia ay Bolivia 2-0 ku dhaaftay.

North and Central America and the Caribbean, ayaa ciyaarihii xalay ka dhacay dalka United States wxuu 2-2 la dhaafi waayay El Salvador, Mexico ayaa Costa Rica 2-0 ku hadaafisay, Trinidad and Tobago ayaa 1-1 waxey ku kala qaateen fdhibcihii Honduras.

Italy waxey Group Eight ku hogaamineysaa 13 points, 2 dhibcood waxey ka sareysaa Ireland , taasoo 1-1 la ag fariisatay Bulgaria. The Azzurri waxey arbacada la ciyaari doontaa Ireland magaalada Bari ayeeyan ciyaartaasi ka dhici doontaa.

Germany ayaa Group Four waxey ku sidaa hogaankiisa 13 points, 4 waxey ka sareysaa xulka kaalinta 2-aad ee Russia, kaasoo Azerbaijan 2-0 ku diray goalasha waxey ka kala heshay Roman Pavlyuchenko and Konstantin Zyryanov.

European champion Spain ayaa waxey kordhisay record-keeda aan waliga laga adkaan taasoo haatan gaareysa 30 kulan oo aan dhulka la dhigin laga soo bilaabo November 2006.


Spain ayaa 6 dhibcood waxey ku hogaamineysa Group Five oo ay ka sareyso Bosnia-Herzegovina, taasoo Belgium 4-2 ku dhifatay. Turkey oo ay ugu danbeysay 55-sano ka hore in ay ka adkaato Spain, ayaa u dhaadhacday kaalinta 3-aad . waxeyna haatan wada balansan yihiin Spain oo ay arbacada ku ciyaari doonaan Istanbul.


France ayaa ayaa Group Seven waxey kaga jirtaa kaalinta3-aad , iyadoo 7 dhibcood ka sareysa, kooxda hogaamineysa group-kaasi ee Serbia 3-2 ku daartay Romania.

Klaas-Jan Huntelaar, Robin van Persie and Dirk Kuyt ayaa goalasha u kala dhaliyay Netherlands taasoo ay ku xoojisay u soo bixitankeeda koobka aduunka.


The Netherlands ayaa Group Nine waxey ku hogaamineysaa 12 points, waxaana soo raaca Scotland and Iceland . The Dutch waxey arbacada marti galin doontaa Macedonia , halka Scots ay la ciyaarayaan Iceland.

Portugal ayaa 0-0 la dhaafi waayay Sweden. halka Denmark ,ay 3-0 ku dhufatay Malta, Hungary ayaa 1-0 kaga gudubtay Albania, hogaanka Group One waxaa min 10 dhibcood ku hogaaminaya xulalkasi , halka Portugal , Sweden iyo Albania ay wada leeyihiin min 6 dhibcood.

Switzerland ayaa ku soo biirtay hogaanka hogaanka Group Two markii ay 2-0 ku dishay Moldova. Greece ayaa 1-1 la gashay Israel.

At Buenos Aires, Lionel Messi , Carlos Tevez, Maxi Rodriguez (52nd) iyo Sergio Aguero (73rd), ayaa ku durduriyay Venezuela.

Argentina ayaa group-keeda South American qualifying waxey kaga jirtaa kaalinta 2-aad , iyadoo 19 dhibcood leh, 4 dhibcood waxey k danbeysaa Paraguay taasoo 2-0 xalay looga badiyay Uruguay ayaana ka badisay. Venezuela kaalinta 8-daad ayeey ku jirtaa iyadoo leh 10 points. Argentina waxey arbacada la ciyaari doontaa Bolivia.

David Beckham ayaa jabiyay record xaga safashada markii uu saftay kulankii 109th ciyaartii sxbtinimo ee xalay ay England's 4-0 kaga adkaatay Slovakia.

Beckham oo ciyaarta badal ku soo galay qeybtii danbe ayaa dhaafay record xaga safashada ee Bobby Moore.

waxaa hada record safashada heysta goalkeeper Peter Shilton, oo ku heysta 125 kulan, waxaana ciyaaryahanka 2-aad ee ugu safashada badan ah haatan Beckham in England's all-time appearance list.

In Africa, Togo ayaa Cameroon 1-0 kaga qaadatay dhibcihii .Togo waxey kulankii ugu danbeeyay ee u soo bixitaanka African ciyaarihiisa ay heshay guul, waxaana goalka u dhaliyay Emmanuel Adebayor.

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalists
P.O BOX-15352-00100 Nairobi
Phone-+254-721-424242


Sheekh Cali Nur" Shabaab ma Mujaahidiinbaa mise waa Mufsidiin"

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaan Mohamed Abdi Mohamed Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanada Seynab laba dhagax Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso

Muxaadaro Korneyl Sheekh Ahmed Mantaan Dhageyso

Xildhibaan Kismayo tegay Dhageyso ama Download

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new