Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Magan Dahir oo Guul ka soo hooyey Ciyaaraha Miiska ee lagu qabtay Dalka Hungaria.+Sawiro

Hungaria 29 March 2009 Waagacusub Media



Todobaadkii aanu kasoo gudubnay ayaa waxaa Dalka Hungaria waxaa lagu qabtay Ciyaarihii Kubada Miiska taasi oo ay kasoo qeyb galeyn Wadama Dhowr ah kuwaasi oo soo bandhigayey Wadanka Awoodiisa Ciyaareed ee ku aadan Ciyaarta Kubada Miiska,iyaddoo halkaasi ay ka dhaceyn Ciyaaro xiiso gaar ah geliyey Dhamaan kasoo qeyb galayaashii ciyaarahaasi ee ka kala yimid Dunida Daafaheeda.
 

Bartilmaameedka xulka Wareeysiyadda Radio Waagacusub 29.03.09 Dhageyso ama Download
 


Ciyaartii ugu horeysay waxaa dhexmartay Ciyaaryahanka asal ahaan kasoo jeeda Dalka Somalia laakiin iminka tartankaasi uga qeyb galay Magaca Wadanka Holland Magan Dahir iyo Sebateir perhard oo ka socday Wadanka France kuwaasi oo halkaasi kusoo bandhigay Ciyaar heerkeeda uu sareeyo,Taasi oo soo jiidatay Dareenka ka qeyb galayaashii.

Magan Dahir oo ayaa ciyaartaasi kusoo bandhigay awood dheeri ah,taasi oo markii danbe ku qaaday Ciyaaryahankii kasocday Wadanka France inuu gacan ka taago farsamooyinka ciyaareed ee ku duugan Ciyaaryahan Magan Daahir,iyaddoo halkaasi guusha ay ku raacday ciyaar yahan Magan Dahir guuleed,kadib markii ay sidaasi ku dhawaaqeyn Garsoorayaashoo heerka Caalami ahaa ee ciyaartaasi kala waday.


Ciyaartii labaad ee isla halkaasi ka dhacday waxay dhexmartay Ciyaaryahanada kala ah Noh Jamgmin oo ka socday Wadanka Korea iyo ifrosa betru oo ka socday Wadanka Romenia,Laakiin ciyaartan oo aan aheyn mid sida Tii hore u xiisa badan waxay guusha durba halkaasi ku raacday Ciyaaryahankii ka socday Wadanka Korea Noh Jamgmin kaasi oo ay ka muuqatay sida Farxad ay ugu tahay inuu hantay Guushaasi,dhinaca kale Gabdhaha reer Holland ee uu Magan Dahir taageero ayaa iyagana galay Kaalinta koowaad ee Ciyaarahaasi.


Laakiin markii aysoo dhamaatay Ciyaarahaasi Ayaa Ciyaaryahan Magan Dahir waxaa laga wareystay Radiyaha Caanka ah ee lagu Magacaabo Libert oo ku hadla Afafka Jarmalka iyo Hungarian,Waxaana Su'aasha ugu horeysa aheyd ee la weydiyey Kadib markii Wariyihii wareysanayey Magan uu la yaabay Farsamada ciyaareed ee ku jirta iyo Sida uu asal ahaan uga soo jeedo Dalka Dagaaladu la hareen ee SOmalia,Waxaana lagu yiri Magan sidee ayaa Dalka aad u dhalatay looga heli karaa Ciyaaryahan sidaada oo kale ah oo Farsama ciyaareedka Miiska ku jirto,Taasi oo uu uga jawaabay Ciyaar yahan Magan Dahir.


"Haa waan leenahay waana heli karnaa weliba kuwa aqoon ciyaareed oo miiska ay ku duugan tahay,Laakiin hal cilad ayaa hortaagan,waxayna tahay Maamulka Sare oo aad moodo inaysan daacad u aheyn garabsiinta dhalinyarada usoo baxeysa Cayaraha Somalia,Kuwaasi oo inta badan Qarashkii dhalinyarada geliya odayaashii hore oo aan aniga ii muuqan wax ay kusoo kordhin karaan cayaaraha Somalia,Hadalkeyga waxaan kusoo afjari lahaa in ay jiraan dhalinyaro badan oo Somaliyeed kuwaasi oo leh Awood ciyaareedka Kubada Miiska" ayuu hadalkiisa kusoo xeeriyey Ciyaaryahan Magacan Daahir.


Sidoo kale Waxaa la weydiiyey Ciyaaryahan Magan Dahir Bal sida ay ula muuqato Dhinaca ciyaaraha Wadanka Hungaria,Waxaana uu sheegay in Wadank Hungaria u uyahay wadan ku horumarey dhinaca ciyaaraha isla markaana ay Somalida u baahan tahay in lagu daydo si loo gaaro horumar dhinaca ciyaaraha qeybaheeda kala duwan,taasi oo uu sheegay in laga tusaale qaadan karo sida ay u marti geliyeen Ciyaarahan iminka lagu qabtay Wadanka Hungaria.


Ciyaaryahan Magan Daahir ayaa Magaca Somalia waxa uu geeyey Wadamo badan oo uu uga qeyb galay Ciyaaraha Miiska,laakiin su'aasha uu jawaabta u waayey ayaa noqotay marka la weydiiyo Wadanka uu asal ahaan kasoo jeedo sida uu aduunka uga harey,waxaana uu Somalida ugu baaqay in magac xumadaasi laga sariigto oo maanta laga shaqeeyo sidii Magacii Somalia loo soo celin lahaa.


Ugu danbeyntii Ciyaarahan oo ay goobjoog ka ahaayeen Mr,Zsolt Gomora oo ah President of Hungarian Paralympic Committee iyo Mr,Jozsef Juhos Director Of Hungarain Teble Tannis Association ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey sidii loogu talagalay,waxaana halkaasi koobab lagu siyey ciyaaryahanadii guusha ay raacday,iyaddoo kooxkasta ay dib ugu soo laabatay Wadankii ay markii hore ka tagtay,Ciyaaryahan Magan Dahir ayaa isaga dib ugu soo laabtay Wadanka Holland.

Cali Dahir Ciid
Email:- caliciid55@hotmail.com
elingslaan 63
9251 mn bergum
leuwarden netherland


Sheekh Cali Nur" Shabaab ma Mujaahidiinbaa mise waa Mufsidiin"

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaan Mohamed Abdi Mohamed Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanada Seynab laba dhagax Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso

Muxaadaro Korneyl Sheekh Ahmed Mantaan Dhageyso

Xildhibaan Kismayo tegay Dhageyso ama Download

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new