Bartilmaameedka xulka Wareeysiyadda
Radio Waagacusub 29.03.09
Dhageyso
ama
Download
Sii
deynta saraakiishan ayaa timid kagadaal wadahadalo xasaasi
oo soconayay maalmihii ugu dambeeyay iyo dadaalo ay
wadeen maamulada gobalada W/Barri Kenya iyo Gedo ee
soomaaliya, ayadoo maantana ay wadahadalka kusoo biireen
Xildhibaan C/raxmaan Cali Xasan Coloow oo laga soo doorto
Koonfurta Wajeer, kuxigeenka gudoomiyaha gobolka W/Bari
Mr Dan Mesis iyo saraakiisha ugu sareyso amaanka gobolka
ayadoo dhanka b/xaawana ay matalayeen Gudoomiyaha degmada
B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus, Ugaas Sheekh Maxamed
Axmed Xaadle iyo waxgarad kale oo tira badan.
Saraakiishan ayaa ka talaabay xariiq xuduudeedka ay
wadaagaan magaalooyinka Mandera iyo B/xaawo ayagoo u
doontay dhanka b/xaawo dukaameysi balse ay hakiyeen
saraakiisha amaanka maamulka ka arrimiya degmadaasi.
Ayadoo lagu eedeeyay inay si sharci dara ah ay xadka
uga soo talaabeen.
Kulanka maanta oo soconayay mudo ka badan 6 saacadood
ayaa ugu dambeyntii la soo wareejiyay saraakiishii mudaba
wadankooda ka maqnaa xaalkuna waxa uu ahaa mid aad u
kacsan oo dadku waxay dareemayaan farxad iyo reynreyn.
Albaabka hore ee custom-ka magaalada mandera halkaas
oo ay kasoo galeen saraakiishan ayeey ii suurta gashay
inaan la hadlo /qaadir Maxamed Muudeey oo ah mid kamid
ah shantii sarkaal ee mudaba lagu hayay magaalada b/xaawo
“waxaa nalagu hayay guri si wanaagsan ayaa naloola dhaqmay,
waana ku faraxsannahay inaan dib ugu soo laabano dhulkeena.
Ayuu yiri C/qaadir Muudeey.
Gudoomiyaha degmada B/xaawo ayaa isna ka hadlay heshiiska
maanta ay laga galeen maamulka gobolka w/bari asagoo
ka cawday in dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi
karin loo gaysto shacabkiisa oo xarig, dil iyo dhac
joogta ah lagu hayo shacabka reer b/xaawo ayna codsanayaan
in wax badan laga qabto, wuxuuna sheegay inay isla meel
dhigeen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanayd in sida
ugu dhaqsaha badan loo soo daayo maxaabiista soomaalida,
inay wadashaqeyn rasmi ah yeeshaan labada maamul iyo
qodobo kale.
Xildhibaan C/raxmaan Cali Xassan Coloow oo qeyb lixaadleh
ka qaatay soo celinta saraakiisha wasaaradda waxbarashada
ayaa ku dheeraaday daris wanaaga labada dhinac, wuxuuna
qiray dhibaatada lagu hayo dadka reer B/xaawo wuxuuna
balan ku qaaday inuu u gudbin doono dowlada sidoo kalana
la hagaajin doono xiriirka labada degmo asagoo ku booriyay
maamulada mandera iyo b/xaawo inay usoo jeestaan sidii
ay uga shaqeyn lahaayeen danaha dadka shacabka, wuxuuna
amaan iyo bogaadin u jeediyay sida sharafta leh ee maamulka
B/xaawo ee uu hogaamiyo Burkuus ay ku soo wareejiyeen
saraakiisha wasaaradda waxbarashada dalka Kenya.
Siideynta howl wadeenadan ayaa waxaa si diiran usoo
dhaweeyay dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada ku
nool gobolada Gedo iyo W/Barri Kenya waxaana la aaminsan
yahay in soo wareejinta saraakiisha ayagoo bad qaba
ay wax badan ka badali doonto xiriirka labada maamul
ee B/xaawo iyo Mandera.
Mr. Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (C/f Cagayare)
+2525 0 986554
+254 (0) 722474596
Cagayare17@hotmail.com
Sheekh
Cali Nur" Shabaab ma Mujaahidiinbaa mise waa Mufsidiin"
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaan Mohamed Abdi Mohamed Dhageyso
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaanada Seynab laba dhagax Dhageyso
Tijaabi
Codkaaga iyo Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso
Muxaadaro
Korneyl Sheekh Ahmed Mantaan Dhageyso
Xildhibaan
Kismayo tegay Dhageyso ama Download
Halkaan ka dhageyso
Wareysi Madaxa ASOJ
Waagacusub
Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new