Haweenka Aduunka ayaa Xaalado
Kala Duwan ku Sugan,Waxaa Munaasabadan oo kale Haboon in
La Xuso Xaaladda Haweenka Qaaradda Afrika,gaar ahaana
haweenka Somaliland ,
Ugu horayn waxaan salaam, hambalyo iyo bogaadin u soo
jeedinayaa guud ahaan Haween waynaha aduunka gaar ahaan
Haweenka Reer Somaliland dal iyo dibadba,
waxaynu
wada ogsoonahay in haweenku ay lafdhabar u yihiin guud
ahaan bulshooyinka caalamka maanta.
Haweenka Somaaliland Waxeey
mudan yihiin murmo iyo qadarin iyo sharaf badan,waana loo
ogyahay doorkooda Wacan,oo kaalinta koowaad ee jiritaanka
qoyska,runtii way jirri jireen dhibaatooyin loo geeysan
jirri beryiohii horre,laakiin hadda korodhka aqoonta
awgeed waxeey nolosho isu bedeshay dheeli tir,iyo is
qiimeeyn,
Waxaynu
ogsoonahay in
haweenka s/land yihiin kuwa
ku leh qayb muhiim dhidibada u taagida dhismaha qaran iyo
midnimada Somaliland isla markaana qayb muhiim ku leh,
marka la doonayo in lahelo umad wanaagsan waa in marka
hore la helaa xurmada hooyada wanaagsan si loo helo qoys
wanaagsan, marka qoysku fiicnaadoba waxa la helayaa qaran
dhisan iyo bulsho ku dhisan is qaderin iyo midnimo waxaa
loo baahanyahy in laga taageero haweenka Somaliland
dhinacayda,
Aqoonta,Caafimaadka,Dhaqaalaha,Iyo weliba ka qaybgalka
Siyaasada dalka isla markaana waa in laga dhawro oo
dagaal adag loo gelo sidii looga hortegi lahaa in loo
gaysto Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdooda iyo bani
aadanimadoodaba waana ayaan Darro Weyn in maanta oo
murugo leh,in laga sheego Somaliland maanata ku
xadgudubka xuquuqda habeenka Waxaa
Mudan in La Xuso Xaaladda Gaarka ah eey ku Sugan Yihiin
Haweenka Somaliland ,maanta runtii haween waynaha
Somaliland waxay ku noolaanayaan maanta noloshoodii ugu
wanaagsanayd waayo
waxayn nasiib u yeesheen maanta inay ka dhex muuqdaan
dumar ahaan wasiirada xukuumada Somaliland goloyaasha
wakiilada iyo guurtida Somaliland taas ah oo runtii
talaabo muhiim ah oo hore loo qaaday
Waayo hadaad maanta xaalada ay
ku sugan yihiin haween waynaha
Somaaliya Falalka Xun Xun ee
Haweenka Sidda Joogtadda ah Loo Geeysto Ayaa ah kuwo Si
Weyn Looga Naxo,Looga gil gilsho ,kuwaas oo Intooda Badani
Ka Dhacaan caasimadda Muqdisho iyo goboladda Koonfurta ka
Sii Xigga.
Run ahaantiina Waxaa Haweenka
Soomaaliyeed Mudan Yihiin Xurmo,Qadarin iyo Naxariis,Waa
Hooyo,Marwo,Mid La Dhalay,Dumaashi,Ayeeyo,Eedo,Ina
Adeer,Habar-yar iyo Walaal,Waana Kuwa ku Jirra Kaalinta
Koowaa ee Dhuinaca Daryeelka Qoyska,waa Kuwa Barbaariya
Ubadka,ee xanaaneeya,haweenku waa kuwo markasta iyo goor
kastaba u taagan udub dhexaadka bulsho kasta,qarankasta
iyo qoys kastaba.
Haweenka maxaa
looga baahan yaahay
.
Hawaanka Somaliyeed meelkasta
oo ay joogaa waxaa looga baahan yahay in ay u dhaqmaan oo
ay ku taagnaadaan raadkii hooyooyinkeen idin soo bareen
Hooyada somaliyeed waxa looga
baahan yahay inay ku dheganaadaan dhaqankooda iyo
diintooda waa inay iska ilaaliyaan wax kasta oo ka hor
imanaya dhaqankeena iyo diinteena waa in aad iska jirtaan
isku dayga iyo isku taageerida xumaanta iyo dhaqamada aan
haboonayn waayo hooyo burburka,Dayaca Ubadka,Kala
Maqnaanshaha,iyo Dhibaatooyinka Qoysaska ku Dhacaday waxaa
Masuul ka ah in ta badan Marwo Xun oo Kaalinteedda
Dayacday,Waana Dhibaatadda Si Weyn u Haysata Qoysas Badan
oo Somaaliyeed,Gaar ahaan Qurba Joogta,iyada oo la odhan
karo nin kuna Waa la Wadaagaa Dhibkaas,hase ahaatee waxaa
dhibta loo badinayaa haweenka maanta jooga oo intooda
badan ay ilaaween kaalintoodii hooyo nimo.
Ragga
Somaliyeed waxaan odhan lahaa hala Laga Joojiyo
Dhibaatooyinka Haweenka Somaaliyeed Lagu Hayo,Hala Ogaadoo
Xurmadda iyo Sharafta ay inaga Mudan Yihiin,Hana La
Illaaliyo Xuquuqdooda ,iyo Doorkooda Bulshadda
Dhexdoodda,Waxbarashadda,Shaqadda iyo Helitaanka
Daryeel Caafimaad oo Buuxa.
Soo Shaac Baxay Doorka Sharfen ee Haweenka
Somaaliyeed,Waxaa Jirra Qorshayaal aan haboonayn oo ay
wadaan kuwo loogu yeedho dunida reer galbeedka ku waas oo
imika qofkasta oo Somaliyeed dareemayo soo shaac baxooda
muuqada kuwaas oo loo adeegsanaayo habka xoraynta
haweenka iyo xuquuq u raadintooda,haweenka somaliyeed ha
ogadaan hana iska jiraan I u jeedadooda ka dambaysaa tahay
tahay Guryo Duwin,Dhaqan Xumayn,sharaf dilis iyo qiimo
tirka xurmadda haweenku leeyihiin,waana hab dhaqameedka ka
soo horjeedda shareecadda Islaamka.
Waxaan Qormadaydan Kaga Baxayaa
sadaro kooban oo kamid ah maansadii
Abwaan Hadraawri Ee Hooyo :-
Hooyey
la'aanta Aduunyadu hubaashiyo
Habeen kama baxdeenoo iftiin lama haleenoo
Dadku uma hayameen xidig hawada lulutoo
Sida haad ma fuuleen dayax heego joogo
Hubka laguma tuureen hawo laguma gaadheen
Cirka hirarka muuqdoo hooyay addoomuhu
Halka maanta joogaan adiga u horseedoo
Intaad hanad xanbaartee haaneedka siisee
Habtay baan xisaabiyo tiro lagu helaaynoo

Mohamed Abdi Jama
E-mail:
Mabdi1@hotmail.com
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new