(Kuwa xaqa rumeeyoow! addoomadiina iyo kuwa idinka midka
ah een qaan-gaarini saddex munaasabadood idan ha idin
weydiisteen
"qolalkad ku jirtaan intaanay soo gelin"; salaadda
Fajarka horteed, duhurkii markaad dharka dhiganaysaan iyo
salaadda Cishaha kaddib, waa saddex waqti oo idiin gaar
ah, saddexdaas waqti waxaan ka ahaynna adinka iyo iyagaba
dembi idinma saarna oo waad is dhex wareegi karaysaan,
sidaas buuna Eebbe Aayadihiisa idiinku caddaynayaa, Allena
waa kii wax walba ka warqaba oo maamul fiican. Carruurta
idinku jirtaa markay qaan-gaartana, idan ha u qaateen
sidii kuwii ka horreeyayba "qaan-gaarnimada uga
horreeyay" u qaadan jireen) (An-Nuur: 58-59).
Idan qaadashadu waxay leedahay asluub barbaariyaha looga
fadhiyo inuu ubadka baro, isagoo u hoggaansamaya Aayadaha
Alle ee kor ku xusan. Eebbe wuxu Aayadahaas Qur'aanka ah
ku amrayaa barbaariyuhu carruurta aan qaangaarin inuu ku
abaabiyo saddex xaaladood inay idan u qaataan markay
eheladooda u gelayaan.
1-Salaadda Fajarka (salaadda Subax) kahor, sababtoo ah
dadku waqtigaas kahor way hurdaan.
2-Waqtiga duhurka, maxaa yeelay dadku waqtigaas sida
caadiga ah way dhar beddeshaan waxana laga yaabaa inay
xaasaskooda la baashaalayaan.
3- Salaadda
Cishaha keddib, maxaa yeelay waa waqti hurdo iyo nasasho.
Waqtiyadaas saddexda ah sababta idan qaadashada loo
sharciyeeyay waxa weeye iyadoo laga yaabo in ninka iyo
xaaskiisu ay ku sugan yihiin xaalad aanay jeclayn inay
carruurtooda yaryari ku arkaan. Hase yeeshee kolka ay
carruurtu qaan-gaar gaarto, waxa waajib ku ah inay idan
qaataan saddexdaas waqti iyo waqti kale oo kasta, iyadoo
loo hoggaansamayo qowlka Alle ee oranaya:
{وَإِذَا
بَلَغَ الْأَطْفَالُ مِنكُمُ الْحُلُمَ فَلْيَسْتَأْذِنُوا
كَمَا اسْتَأْذَنَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ}
{سورة النور: 59}.
(Carruurta idinku jirtaa markay qaan-gaartana, idan ha u
qaateen sidii kuwii iyaga ka horreeyayba
"qaan-gaarnimada uga horreeyay" u qaadan jireen)
(An-Nuur: 59).
Asluubta idan qaadashada waxa kaloo kamid ah qodobbadan:
- Inuu
salaamo, keddibna idan qaato:
Rabci waxaa laga weriyay: Nin reer Banii Caamir ah ayaa
Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo
gurigiisa ku jira, idan weydiistay isagoo leh: (Dalaq
masoo iraahdaa?). Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) wuxuu markaas adeegihiisii ku yiri: (U
bax ninkaas oo idan qaadashada bar, kuna dheh: Dheh:
Assalaamu calaykum, masoo galaa?). Ninkii intuu
hadalkii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
maqlay ayuu yiri: Assalaamu calaykum, ma soo galaa?).
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu
markaas u idmay inuu soo galo).
- Magac
ama Naynaas lagu garto inuu sheego:
Waxa taas loo daliishaday Xadiithka caanka ah ee ku
saabsan dheelmintii Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam). Xadiithka oo uu Aanas ibnu Maalik (RC)
weriyay, Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
wuxu ku yiri: (Kaddib Jibriil wuxuu koray samada dhow,
in laga furo ayuuna weydiistay. Waxaa la yiri: Waa kuma?.
Wuxu yiri: Jibriil. Waxa la yiri: Yaa kula socda?. Wuxu
yiri: Maxamed. Kaddib wuxuu koray samada labaad iyo
saddexaad, sama kastana iridkeeda waxa lagu lahaa: Waa
kuma?. Wuxuna lahaa: Jibriil).
-
Saddex jeer inuu idan weydiisto:
Abuu-Muusa (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Qofkiin hadduu
saddex jeer idan weydiisto loona oggolaan waayo “soo
gal la dhihi waayo” ha iska laabto).
Saddexda jeer labadii kamid ahba waxa loo baahan yahay
inay muddo salaad afar rakcadood ah la tukan karaa u
dhaxayso, maxaa yeelay waxa laga yaabaa qofka gutiga ku
jiraa inuu tukanayo, ama xaaja gudanayo.
-
Albaabka in aanu si xooga u garaacin:
Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay inuu yiri:
(Albaabbada Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
faraha fooddooda ayaa lagu garaaci jiray).
Dadkii hore ee wanaagsanaa albaabada macallimiintooda iyo
mashaa'ikhdooda ciddiyaha ayay ku garaaci jireen, ixtiraam
ay u hayaan dartiis. Haddiise qofka albaabka loo
garaacayaa meel kafog uu joogo ama jeer xoog loo garaaco
aanu maqlayn, waxa la garaacayaa hadba intay dantu ku
jirto. Albaabbada gambaleelka leh, waa in si fudud oo
qofka akhlaaqdiisa iyo edebtiisa ka tarjumaysa loo garaaco
ee aan dadka guriga ku jira lagu argaggixin.
-
Markuu garaaco inu Albaabka dhan uga leexdo:
Maxaa yeelay waxa laga yaabaa haweenay aanay eegmadeedu u
bannaanayn kolka albaabka la furayo inay ishiisu qabato,
idan qaadashadana sideedaba waxa loo jideeyay eegmada
caynkaas ahi in aanay dhicin darteed.
Sahal ibnu Sacad Al-Saacidi (RC) wuxu Suubbanaha
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Idan
qaadashada waxa loo yeelay aragga dartiis).
Cabdullaahi ibnu Busur Al-Maazini (RC) waxa laga
weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)
hadduu dad gurigood yimaado iridka iskuma aanu beegi jirin
ee dhanka midig ama bidix buu ka istaagi jiray, wuxuna
dhihi jiray: (Assalaamu calykum, Assalaamu calykum).
Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay in Rasuulku
(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Qofkii
guri dad iyagoon u idmin fiiriya inay isha ka ridaan baa u
bannaan).
Werin kale: (Hadduu qof gurigaaga idan la’aan fiiriyo
ood dhagax ku tuurto, ishana uga riddo, dembi kaama saarna).
- Haduu
qofka guriga lihi "noqo" yiraahdo inuu noqdo:
Waxa taas daliil u ah Aayadda Qur'aanka ahe oranaysa:
{يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَدْخُلُوا بُيُوتًا غَيْرَ
بُيُوتِكُمْ حَتَّى تَسْتَأْنِسُوا وَتُسَلِّمُوا عَلَى
أَهْلِهَا ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
27 فَإِن لَّمْ تَجِدُوا فِيهَا أَحَدًا فَلَا تَدْخُلُوهَا
حَتَّى يُؤْذَنَ لَكُمْ وَإِن قِيلَ لَكُمُ ارْجِعُوا
فَارْجِعُوا هُوَ أَزْكَى لَكُمْ}
{سورة النور: 27-28}.
(Kuwa xaqa rumeeyoow! ha gelina guryo aan guryihiinna
ahayn, jeer aad idan weydiisataan ood dadka deggan
salaantaan, sidaas baana idiin wanaagsan, waxa laga yaabaa
inaad waano qaadataan eh. Haddaadse cid ka weysaan, ha
gelina jeer la idiin idmo, haddii
"noqda" la idin yiraahdana "adinkoon cuqdad isgelin"
iska noqda, sidaas baa idiin hufnaan badan eh) (An-Nuur:
27-28).
Qofka idanka weydiistay hadduu guriga cid u jawaabta ka
waayo waa in aanu gelin, haddii "noqo" la yiraahdana waa
aanu ka xumaan, waana inuu amarka Eebbe u hoggaansamo.
Teeda kale, waa inuu qofka guriga leh ee "noqo" yiri u
cudur daaraa maxaa yeelay waxa dhici karta duruuf aanu
sharxi karin oo arrintaas ku kalliftay inay jirto.
Bukhaari (6888, 6902), Muslim (2158/44).
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota – United States
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso
Halkaan
ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal
Barnaamijka
Tijaabi Codkaaga Dhageyso
Dhageyso
dabaal dega Gor Gor Media Group
Madaxweyne
Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso
Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new