HEADLINES:

Faalo:Dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira?

2
Sunday May 04, 2014 - 00:35:35 in Articles by Super Admin
  • Visits: 6523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:Dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira?

    Inkasta oo ay noqonayso arar qofkii arkaa uu isweydiinayo waxa ay yihiin ama aan kala jeedo dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira, hadana waxaa xaqiiqdu ay tahay in aan indhaha laga qarsan karin isbarbaryaaca iyo qaabdarada baahsan ee haraysay dhibaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo ay noqonayso arar qofkii arkaa uu isweydiinayo waxa ay yihiin ama aan kala jeedo dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira, hadana waxaa xaqiiqdu ay tahay in aan indhaha laga qarsan karin isbarbaryaaca iyo qaabdarada baahsan ee haraysay dhibaatada sii waqti dheereysanaysa ee ka jirta dalkeena Soomaalliya oo duniduna ay u taqaano xabaashii gar-gaarka dalalka isku tilmaama deeq bixiyayaasha caalamka.


Magac xumada intaa oo kaliya  nalooguma simine, hadana waxaa naloo sii raaciyaa sida naaneys aan baxsanay oo kale dal ka mid ah meelaha safka hore kaga jira musuq-maasuqa aduunka oo looga jeedo in ay gacan toglaamin amaba aan si kale u iraahdo xatooyo xoolo dadweyne ay ka jirto dalkeena, dakiisuna ay ka gaajeysan yihiin dadyowga kale ee dunida.


Yaaney waxba ila sii fogaanin gogol dhigga qormadeydan, laakiin muwaadin kasta shaki kagama jiro isbar-baryaaca ka dhex jira hogaanka dalka.


Dowladda Federaalka ama tan dhexe.


Maqaam ahaan waa tan haysata sharciyadda dowladeed ee dalka, duniduna ay nagu maaweeliso inay u aqoonsantahay sharciyaddaasi, laakiin hadana waxaa jira tilmaamo dhowr ah oo ka dhigaya ineysan sheekadu ahayn sida aan moodno, balse ay jirto daaha gadaashiisa maamullo kale lagu wato, kuwaasi oo tusaale ahaan mararka qaar ka awood badan dowladda saxda ah ee dalka loo dhisay ee uu Madaxweyne ka yahay Xassan Shiikh, wasiirkeeda Koowaadna yahay Abdi Weli, guddoomiyaha barlamaankana uu ka yahay Maxamed Shiikh Jawaari.


Tusaale maamulada kala ah Puntland, kan kumeelgaarka ee Juba, kuwa iska soo horjeeda ee Baydhaba, shabeelooyinka iskaba daa warkooda, kuna sii darso Hiiraan, wadaadada suufiyada ee Ahlu-sunna ee gobolada dhexe meela kamid ah ka xadreeya hubkana haysta, Ximan iyo Xeeb ilaa Galmudug, dhammaantood waxa mooddaa midba inuu saameyn gooni ah ku leeyahay habka ama hanaanka dowladeed ee dalka, iyada oo loola macaamilo, loona casuumo qaab dowladeed, heshiisyana lala galo, iyada oo xitaa dowladda dhexe aysan ka warhayn, lagulana shiro dalal Soomaaliya deris la ah oo qaarkood ciidamo nabad ilaalin ku tilmaaman ay ka joogaan dalka kana xuquuq iyo nolol sareeya kuwii dalka u dhashay ee ciidanka qalabka sida.


Maamuladan laftooda waa kala saameyn duwan yihiin, kuwa hadda calankooda uu babanayo ee tusaalaha u noqon kara Dowladaha siman ee ka jira Soomaaliya waxa safka hore kaga jira labada maamul ee Puntlandta Gaas oo mar Ra'iisul wasaare kasoo noqdey dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Shiikh Axmed, iyo Axmed Madoobaha Jubba oo mar ka tirsanaa kooxa diimeedyadii dagaalka ka galay soomaaliya, waxana ay muujiyeen labadaas maamul sida ay iskood cilaaqaad lamid ah kan dowladda dhexe ay ula yeelan karaan wadamada kale, si gaar ah dalalka deriska nala ah oo noqdey kuwa loo kala dhuunto oo lagulana gorgortomo dowladda dhexe ee dalka.


Puntland waxay madaxdooda aadeen safaro boos ahaan dowladda dhexe ay munaasab ku ahayd ka qayb galkeeda oo ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaal iyo Ra'iisul wasaarayaal, welibana aysan wax xog ah ka ahayn dowladda dhexe oo noo sheegtay inay xariif ku tahay oo ay hagaajisay siyaasaddeeda arrimaha dibadda guud ahaan, gaar ahaan tan dalalka gobolka oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo Ethiopia.


Jubba maamulka weli la isku haysto ee Axmed Madoobe si KMG ah loogu sharciyeeyey shir dowladda dhexe iyo iyaga lagu dhex-dhexaadinayey oo Addis oo Ethiopiada ah ka dhacay, iyagu waxayba muujiyeen arrin aad loola yaabay oo xitaa shaki galisay qarinimada soomaaliya in la aqoonsan yahay iyo inkale, taasi oo ah markii madaxdeedu ay soo dhaweeyeen nin ay soo dirsatay Dowladda Kenya oo ay ku sheegeyso inuu yahay qunsulka Kenya ee Maamulka Jubbaland.


Hogaamiyaha jubba oo aad mooddo inuu si gaar ah isku xejinayo Kenya iyo ciidankeeda Kismaayo ku ilaaliya waxa uu warfaafinta u sheegey in cilaaqaadka dowladda kenya iyo iyaga oo aad u wanaagsan yahay ayna soo dhaweynayaan qunsulka ay u soo magacaawdey dowladda deriska la ah ee Kenya oo ay la shaqeyn doonaan, isaga oo og weliba in dowladda dhexe qunsulkeedii kenya joogay la bahdilay oo xabsiga la baray, bedelkeedana ay si diiran iyaga waa Jubbada Axmed Madoobe ay usoo dhaweynayaan qunsulka Kenya ee dowlad goboleedkooda Jubba ama sida ay jecel yihiinba u dhig ee ay ku doodaan in loogu yeero oo ah Jubbaland.


Shakiga dowladaha siman inkasta oo uu muddaba soo jiitamayay welina aysan meel u dhicin arrintii Somaliland oo gabi ahaanba qabta inay ka go'day Soomaaliya 1991dii, hadana waxaa sheekada xiisa u yeeley ka warqab la'aanta Dowladda dhexe ee waxa ka socda dalka haba ugu horeysee fadhiidnimadooda ay ka gaabiyeen inay hantaan kalsoonida guud ahaan maamulada ka jira dalka, si gaar ah kuwa isku haysta inay la siman yihiin dowladda oo ay kula loolami karaan masraxyada caalamka iyaga oo leh nidaamkooda u gaarka ah.


Madaxweynaha dowladda Xasan Shiikh waxa laga so xigtay inaysan warba u hayn arrintan ugubka ah ee Kenya ay ku dhaqaaqdey ee ah in calaaqaad diblomaadsiyadeed ay la sameysatay Jubba, iyada oo horeyna loogu dhaliilsanaa Madaxweynaha iyo dowladdiisaba sida ay uga aamuseen gabood falka sida gaarka ah loogu hayo dadka ay matalaan ee Soomaaliyeed, iyo sida jilcan oo ay markasta uga hadlaan arrinta adag ee ka taagan dalkaasi oo soomaalida u ahaa mar meel ay ku baxsadeen ganacsi iyo dhaq-dhaqaayo kalena ka sameysteen.


Ha fogeysan oo yaaney wax lala yaabo kula noqon haddaad maqasho safiirka Kenya ee Puntland, Khaatumo, lixda gobol, amaba inta kale ee jirta, waxayna muujinaysaa in dowlado siman ay ka jiraan dalkii beri Soomaaliya ahaa, dowladda Madaxweyne Xassan Shiikhna loogu yeeri doono Dowladda Muqdisho, sida mararka qaarba aan maqalno, una eg qaabka ay hadda u shaqeeyaan oo noqdey mid amarkooda iyo taladooda ay ka bilaabatay Muqdisho, kuna soo idlaatay isla Muqdishadii lagu dhisay oo aysan jirin cid tdowladda dhexe ka tirsan oo tala ama tusaale iyo weliba wakaalad buuxda ku leh deeganada ay noo sheegeen inay ka yimaadeen oo ay matalaan, waana tan aan qabo inay sahashay in dowlada siman ay noo jiran, welibana ay noo sii dheertahay qunbulad duriyad Federal la yiraahdo oo ay beesha caalamka nagu soo dhex tuurtay oo anaa leh deegaankaasta socoto iminka ay usii xuubsiiban karto mid noo bedesha dagaal qabiileedkii hore aan u galnay.


W/Q

Mohamed Yusuf

Stockholm-Sweden.

Email: [email protected]


Share on Social Media

MUDANE MADAXWEYNE SOOMAALIYA XAGEE U SOCOTAA?! Maqaal uu qoray Xildhibaan caana

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas'uuliyada uhayeen. Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Doorashadii Madaxweynaha, Magacaabistii Ra'iisul Wasaaraha iyo Dhismihii Xukuumada. Kalsoonidaas oo hadii aan la'dabo qaban ay suurtogal tahay in ay noqoto LA MOOD NOQONSE WEYDAY! Full Article

 

[Daawo] Fanaanadda Sacdiyo Siman oo heestii ugu horeeysay looga duubay diyaaradda Drone-ka

Daawo Fanaanadda Sacdiyo Siman oo heestii ugu horeeysay looga duubay diyaaradda Drone-ka Full Article

 

[DAAWO] Feysal Cali Waraabe "Waa inan qaadanaa Midnimada Soomaaliya, Qabiil wax laguma noqdo"

Feysal Cali Waraabe oo ah nin horey looga bartay hadal kuleel iyo ilaalinta gooni isku taagga Somaliland ayaa badalay hadaladiisa isagoo lasoo baxay qaab aan horey looga arkin kadib markii uu gaaray Magaalada Laascaanood. Full Article

 

War deg deg ah: Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Musharax Xasan Sh Maxamuud ayaa haatan ku dhawaaqay inuu katanaasulay Musharaxnimadiisii, taas ayaana cadeneysa in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Full Article

 

[Daawo] Fanaanadda Sacdiyo Siman oo muuqaal qurux badan u sameeysay heesta Madadaalo

Daawo Fanaanadda Sacdiyo Siman oo muuqaal qurux badan u sameeysay heesta Madadaalo Full Article

 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Somalia Condemns Israeli Foreign Minister's Visit to Hargeisa as Violation of Sovereignty

The Federal Republic of Somalia has issued a strong diplomatic condemnation following an unauthorized visit by Israel's Minister of Foreign Affairs to Hargeisa, declaring the move a grave violation of Somalia's sovereignty, territorial integrity, and political unity.

President Donald Trump Revokes Deportation Protections for Somalis in Minnesota, Sparking Tension and Fear

Washington – U.S. President Donald Trump has announced the immediate cancellation of deportation protections for Somali nationals living in the state of Minnesota, sending shockwaves through one of the largest Somali diaspora communities in the world. In a strongly worded post shared online, President Trump stated: "Somali gangs are terrorizing the people of that great State, and BILLIONS of Dollars are missing. Send them back to where they came from. It's OVER!" The message has triggered widespread fear among Somali immigrants and families in Minnesota, many of whom have lived in the United States for decades and built stable communities.

Netherlands Secure World Cup 2026 Spot in Style – Koeman Warns: "Victory Is Only the Beginning"

By Dahir Abdulle Alasow – Investigative Sports Journalist Amsterdam – 18 November 2025 =The Dutch national football team is celebrating a historic achievement after officially qualifying for the FIFA World Cup 2026 with a dominant 4–0 victory over Lithuania in Amsterdam on Monday night.

Ethiopia Strengthens Gulf Ties: Somali-Region Diplomat Jamal Bakar Named Ambassador to UAE

Addis Ababa, Ethiopia – In a move highlighting Ethiopia's growing focus on Gulf partnerships, Prime Minister Abiy Ahmed has appointed Ambassador Jamal Bakar, a senior diplomat from the Somali Regional State, as the country's new Ambassador to the United Arab Emirates (UAE).

Union for National Dignity: Inside Somalia's New Political Power Bloc Ahead of 2026 Elections

By Dahir Alasow – Investigative Journalist, Waagacusub Media Mogadishu | Waagacusub.net | November 2025 A new political alliance is taking shape in Somalia as nine influential political figures — drawn from different parties, civic movements, and government backgrounds — have united under one banner known as the Union for National Dignity (Midowga Haybad Qaran). The coalition, announced through a joint press statement in Mogadishu, aims to create a unified political front capable of "restoring national cohesion, governance integrity, and public confidence in Somalia's democracy."

Somalia Condemns Israeli Foreign Minister's Visit to Hargeisa as Violation of Sovereignty

The Federal Republic of Somalia has issued a strong diplomatic condemnation following an unauthorized visit by Israel's Minister of Foreign Affairs to Hargeisa, declaring the move a grave violation of Somalia's sovereignty, territorial integrity, and political unity. Full Article

 

Libya's Army Chief and Senior Officers Die in Plane Crash After Departing Ankara, Turkey

ANKARA, Turkey — Libya's Chief of Staff, General Mohammed Ali Ahmed Al-Haddad, along with four senior military officials, was killed Tuesday night when the private jet carrying them crashed shortly after taking off from Ankara's Esenboğa Airport in Turkey, Libyan and Turkish authorities confirmed. Reuters +1 Full Article

 

Online Blackmail Escalates Within Somali Diaspora, Prompting Calls for Independent Digital Protection

Across Europe, North America, and other regions, Somali communities living in the diaspora are increasingly confronting a serious and troubling challenge: the widespread use of online blackmail and digital abuse targeting women and children on social media platforms. Full Article

 

Breda Suspects Face Court After Discovery of Massive Stockpile of Illegal and Dangerous Medicines

A routine investigation into the unexplained death of a woman in Voorburg has uncovered one of the largest stashes of illegal pharmaceuticals found in the Netherlands in recent years. The discovery has now led two suspects from Breda to face criminal charges for their alleged role in distributing the potentially lethal substances. Full Article

 

Journalism 2026: A Global Industry Fighting for Truth, Trust, and Survival

Waagacusub.net - As the world moves into 2026, journalism stands at one of the most critical turning points in its modern history. The rapid rise of artificial intelligence, collapsing business models, political intimidation, and shifting audience expectations are reshaping the profession faster than many newsrooms can adapt. While technological advances promise new possibilities, they also expose deep vulnerabilities within global media systems. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article