HEADLINES:

Waagacusub Radio

Dhageyso VOASomali Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyay Xarumaha Hormuud Telecom ee Jubooyinka iyo Gedo

Hits: 1034 | Sunday March 01, 2020 - 15:14:33
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyay Xarumaha Hormuud Telecom ee Jubooyinka iyo Gedo sida ay shaacisay VOASomali.

Click here to listen »

Dhageyso beenta Ku xigeenka dagaal ooge Qoor Qoor oo Xaaf ka been sheegay

Hits: 2688 | Sunday March 01, 2020 - 14:59:19
Dhageyso beenta Ku xigeenka dagaal ooge Qoor Qoor oo Xaaf ka been sheegay

Click here to listen »

DHAGEYSO VOA SOMALI OO SHAACISAY IN ALSHABAAB MAGACAABEEN GUDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA GOBOLKA BANAADIR OO KA MIDA HORMUUD TELECOM GROUP

Hits: 2543 | Saturday January 18, 2020 - 21:30:50
DHAGEYSO VOA SOMALI OO SHAACISAY IN ALSHABAAB MAGACAABEEN GUDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA GOBOLKA BANAADIR OO KA MIDA HORMUUD TELECOM GROUP

Click here to listen »

Baarlamaanka Ciraaq ayaa amray in Ciidamadda shisheeye ka baxaan dalkooda kadib dilkii Jeneralka Iiraan

Hits: 646 | Monday January 06, 2020 - 04:18:02
Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanku todobaadkii hore gudaha Ciraaq ugu geystay taliyihii ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran Jeneraal Qaasim Suleymaani. Mudanayaasha Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale isku raacay in barriga, badda iyo hawada Ciraaq laga mamnuuco dhammaan xoogagga ajnabiga ah. Qaraarkan baarlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Ra'isulwasaare Caadil Cabdul-Mahdi iney xaqiijiso soo gaba gabeynta joogista dhamaan ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Ciraq. "Baarlamaanku waxa uu u codeeyey in ay xukuumaddu Ciraaq ay ballan qaaddo iney ka laabato codsigeedii ay ku dalbatay in ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ay ka caawiyaan la dagaalanka Daacish," ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Maxammed Xalbusi.

Click here to listen »

Daawo Al-Shabaab oo weeraray Taliska Melleteriga Mareykanka iyo Kenya ee LAMU iyo sideey u gubeen- gudaha Kenya

Hits: 4524 | Monday January 06, 2020 - 02:47:12
"Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qirayaa in uu jiro weerar lagu qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Cirka ee Kenya, waxaanna la socon doonnaa xaaladda," ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay AFRICOM. Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in warar hordhac ah oo weerarka ku saabsan ay sheegayaan in uu jiro waxyeello soo gaartay qalabkii ciidamada ee xeradaasi, "waxaana wali socda baaritaanka lagu xaqijinayo xaqiiqda waxa dhacay, waanna soo gudbin doonnaa marka ay faahfaahinnadu soo baxaan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Click here to listen »

Dhageyso Odayaasha Raxanweynta oo diiday in doorasho qof iyo Coda lagu qabto Somalia - Ma tira yari beey la baqeen mise amarkii Shabaab ayey qaateen ?

Hits: 1746 | Tuesday September 17, 2019 - 05:34:28
Waxaa soo baxaya kala-aragti duwanaansho gobollada dalka qaarkood ah oo ku saabsan nooca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya marka ay dhammaato muddo-xileedka dawladda xilligan ka jirta waddanka. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay shir jaraa'id oo ay kaga hadlaan nooca doorashada dhici doonta. Odayaashan ayaa sheegay in xilligan ay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, ayna doonayaan in lasii wado hanaanka 4.5 ee qabaa'ilka, inta tiro koob laga sameynayo.

Click here to listen »

Dhageyso VOA Somali oo baaris ku sameeysay gabadhii isku qarxisay Xarunta Dowladda hoose ee Xamar iyo gabadhii la socotay oo fakatay

Hits: 3745 | Saturday August 10, 2019 - 07:58:50
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale. Dawladda ayaa sheegtay in gabadha Isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey. Dawladda waxay Sidoo kale sheegtay In labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah. Haddaba dawladda Soomaali ma shaacin magacyada labada dumarka ah, laakiin baadhitaan ay samaysay VOA gaar ahaan barnaamijka Galka Baarista ayaan ku ogaanay In labada gabdhood ay magacyo qalad ah siiyeen dawladda markii la shaqaalaynayey. Gabadha is aarxisay siday ay hay'adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waa "Maryan" sida uu ogaaday Galka Baarista. Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca "Deggan", hase yeeshee magaceeda dhabta ah waa "Hodan". Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey. Hodan Waxa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan. Galka Baarista waxa kaloo ogaaday In markii ay fasaxa qaateen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan, ayna soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii xorriyadda. Maryan ayaa ku dadaashay inay ka qaybgasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato. Warar dhinaca amniga ah waxay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay. Saraakiishu waxay Sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10 kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen. Galka Baarista ayaa ogaaday in maalinta qaraxa aan labada gabdhood midkoodna lagu samaynin baaritaan, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay inuu mashquulsan yahay. Saraakiisha amnigu waxay aaminsan yihiin in qaraxu ku xirnaa Maryan. Labada gabdhood ayaa soo galay dhismaha Ilaa saddex saac ka hor xilliga qaraxu dhacay. Warbixintan waxaa diyaariyey Haaruun Macruuf.

Click here to listen »

Dhageyso Galmudug oo xiriirka u jartay Dowladda Farmaajo

Hits: 1695 | Friday May 31, 2019 - 12:22:35
Dhageyso Galmudug oo xiriirka u jartay Dowladda Farmaajo

Click here to listen »

Dhageyso Sirculus Odayaashii Abgaal ee Farmaajo la kulmay Oday ka mida ayaa kashifay Wabar Socdaal Raage Wabar Cilfaaf "Farmaajo hal kelmad dhibka reer Xamar heysta laguma soo qaadin"

Hits: 7712 | Sunday April 14, 2019 - 01:10:17
Dhageyso Sirculus Odayaashii Abgaal ee Farmaajo la kulmay Oday ka mida ayaa kashifay Wabar Socdaal Raage Wabar Cilfaaf "Farmaajo hal kelmad dhibka reer Xamar heysta laguma soo qaadin"

Click here to listen »

Dhageyso Warbixinta Heritage ee qiimeeynta Farmaajo 2 sano kadib oo noqotay fadeexad qabsatay baraha bulshadda

Hits: 3500 | Friday March 22, 2019 - 02:02:03
Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Federalka ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa lagu eegay guud ahaan labadii sanadood ee uu xukunka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8-dii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, isagoo ololihiisii iyo khudbadiisii doorashadiisa ka dibna balan qaaday inuu isbedel weyn sameyn doono. Heritage ayaa sheegtay inay warbixinteeda ku jaan goosay, wixii ay dowladdu sheegtay inay qabaneyso iyo waxa ilaa iyo hadda ka hirgalay. Warbixinta Heritage oo kooban iyo wareysi uu la yeeshay agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif, waxaa inoo haya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Click here to listen »

Dhageyso Wariyaha VOA Falastiin Axmed Iimaan oo kashiftay Madaxda Dowladda ee laaluusha Warbaahinta - Baaris fadeexad weyn?

Hits: 11261 | Friday January 18, 2019 - 06:52:42
Barnaamijka Bandhiga VOA waxa uu todobaadkan ku saabsan yahay marxaladaha ay ku shaqeeyaan warbaahinta Soomaaliya iyo caqabadaha ku horgudban ee musuqmaasuqa iyo laaluushku ka mid yahay. Mxuuu noqon doonaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya? Maxayse tahay danaha laga leeyahay in warbaahinta la musuq maasuqo.

Click here to listen »

Dhageyso wiilkii isku qarxiyay Wariye Cawil Dahir oo afkiisa ku sheegaya inuu u dhashay Murusade Habarceyno Uurgaale - Mustafe Dhuxulow wiil uu adeer u yahay ?

Hits: 9261 | Monday December 31, 2018 - 12:41:02
Dhageyso wiilkii isku qarxiyay Wariye Cawil Dahir oo afkiisa ku sheegaya inuu u dhashay Murusade Habarceyno Uurgaale - Mustafe Dhuxulow wiil uu adeer u yahay ?

Click here to listen »

Dhageyso Puntland oo si xun u gashay Madaxda Dowladda Somalia iyo awoodooda heerkeey gaartay

Hits: 3684 | Sunday December 30, 2018 - 08:03:00
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda Federalka, sida, wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya Maamulka Puntland ayaa soo saaray amarro uu uga mamnuucayo Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya inay Puntland tagaan inta lagu guda jiro xilliga doorashada Madaxtinimada Puntland oo sideedda Bisha January ka dhaceysa Garowe. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland aysan soo gali karin madaxda dowladda Federalka: sida, wasiirada, agaasimayaasha, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya. Amarakan ay soo saartay Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in garoomada diyaaradaha ee Puntland aan laga soo dajin karin lacago cadaan ah (cash). Haddii la qabtana lala wareegi doono. Amarkan ayaa sidoo kale Shirkadaha Dayuuradaha faraya inay hey'adaha amniga u soo gudbiyaan liiska rakaabka saaran diyaaradahooda ka hor inta aysan soo gaarin garoomada diyaaradaha Puntland. Sidoo kale wasaarada Amniga ee Puntland ayaa qoraalkan ay soo saartay ku mamnuucday in shirar siyaasadeedka looga hadlayo doorashada aan lagu qaban karin Growe , iyo in cid aan ruqsad u heysan aysan hub la dhex mari karin Jidadka Garowe. Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan Garoowe ka soo direy.

Click here to listen »

Dhageyso Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku hanjabay tilaabo ciqaaba

Hits: 6946 | Thursday December 13, 2018 - 19:34:22
Dhageyso Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku hanjabay tilaabo ciqaaba . Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa idaacadda VOA siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, xilli uu gacanta ku hayo mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay baarlamanka horgeeyaan mooshin, isaga oo intaas ku daray inay doonayaan inay wax saxaan. Mursal ayaa sidoo kale wareysigan uga hadlay rabshado maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ka dhashay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow. Weriyaha VOA, Maxamed Colaad Xasan ayaa wareystay guddoomiyaha.

Click here to listen »

Dhageyso Xadgudubyada iyo galmadda Ciidanka Amisom ee Somalia jooga

Hits: 1669 | Wednesday December 05, 2018 - 02:41:31
Bishii Ogosto ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay xafiiskeeda UNSOS ee taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay eedo aan la xaqiijin oo ku saabsan xadgudubyo iyo ka faa'iidaysi dhinaca galmada ah oo la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane. Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah. Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor. Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go'an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

Click here to listen »

Dhageyso colaadda Ethiopia ka aloosan iyo halista ay wajaheen ee burburkooda

Hits: 4749 | Wednesday November 21, 2018 - 07:28:13
Xisbiga TPLF oo hogaamin jiray taxaafulka EPRDF oo dalka Ethiopia soo maamulayey muddo labaatan sano ka badan ayaa eed kulul u jeediyey xukuumadda cusub ee hormoodka ka yahay RWe Abiy Ahmed. Ugu yaraan, 79 isugu jira saraakiil dhinaca amniga ah iyo ganacsato oo badidoodu qowmiyadda Tigreyga ah ayaa toddobaadkii hore lagu eedeeyey inay dambiyo galeen. Hay'adda Amneysty International iyo kuwa kale uu xuquuqda aadamaha u dooda ayaa talaabada dawladda soo dhaweeyey, hase yeeshee, madaxweynaha gobolka Tigreyga Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in dadka qowmiyaddiisa la beegsanayo, iyada oo musumaasuq lagu soo gabanayo. Dhinaca kale, dawladda dhexe ee Ethiopia iyo dawlad goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ay wali u taag la'yihiin xakameynta falalka gacanka hadalka wata oo dad ay ku dhimanayaan. Warbixin arrimhaas ka hadlaysa waxaa noo haya Maxamed Cabdi Sandhere.

Click here to listen »

Dhageyso Wasiir beyle oo ka hadlay fadeexadii lacagtii uu xaday ee 20-ka Milyan dollar

Hits: 2596 | Wednesday November 21, 2018 - 03:24:08
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka Jawaabay Warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka ayaa sheegay in Hay'adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay xaq u leedahay inay Warbixin soo saaraan oo ay ku kor joogteynayaan Wasaaradda Maaliyadda laakiin wuxuu soo jeediyay inay ku wanaagsaneyd in Labada dhinac marka hore ay isla hubiyaan waxa Bulshada loo gudbinayo. "Hay'adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay'adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira".ayuu yiri Wasiirka.

Click here to listen »

Dhageyso kooxdii isku qarxisay Hotel Sahafi oo si toosa ugu hadlaa telefoonada iyo qabiiladooda

Hits: 12128 | Thursday November 15, 2018 - 04:17:53
Dhageyso kooxdii isku qarxisay Hotel Sahafi oo si toosa ugu hadlaa telefoonada iyo qabiiladooda

Click here to listen »

Dhageyso guddigii doorashadda Koofur Galbeed oo is wada casilay iyo Shariif Sakiin oo kaarto cajiiba dejiyay si loo fashiliyo Musharaxiinta Dowladda soo maalgelisay

Hits: 2154 | Tuesday November 06, 2018 - 00:44:42
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin.

Click here to listen »

Dhageyso Gudoomiyaha aqalka sare oo eedeeyay Madaxda dowladda dhexe lana saftay maamul goboleeydadda

Hits: 2250 | Sunday October 21, 2018 - 10:09:49
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka hadlay dadaallada ay ku doonayeen inay ku soo afjaraan khilaafaadka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar. Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya iyo reysal wasaaruba inay aqbalaan inay miiska wada hadalka yimaaddaan, isagoo sheegey in maamul goboleedyada ay wada xaajoodka diyaar u yihiin, balse sida muuqata, ay dowladda dhexe ka caga jiideyso wada hadalkaasi. Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xariirtey guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillahi, waxayna ugu horeyn wax ka waydiisay war-saxaafadeedka ay soo saareen.

Click here to listen »

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.

Somalia:$17 million external support has not been channeled through the country's single treasury account

Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.

Al-qaida Share ,IBS bank Somalia launches Visa Card Payment

Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.

UGANDA: New Cabinet Members and Ministers of State

I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:

Journalists barred from covering Somali leaders' meeting

The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.

Somalia's leader mourns death of Namibia president

Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article

 

Somalia's ex-president warns of risk of 'political crisis' over plans to overhaul constitution

Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article

 

Egyptian President says will protect Somalia against anz threat

Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article

 

Egypt Condemns Suicide Bomber Attack in Somalia

Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article

 

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article