HEADLINES:

[Topnews:-] Fashilka Farmaajo? Al-Shabaab oo faafiyay Magacyadda dadkeey dileen intii Farmaajo Madaxweyne ka noqday Somalia

0
Sunday March 12, 2017 - 04:43:17 in Somali News by Super Admin
  • Visits: 22947
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Fashilka Farmaajo? Al-Shabaab oo faafiyay Magacyadda dadkeey dileen intii Farmaajo Madaxweyne ka noqday Somalia

    Waagacusub.net - Warbixin lagu faafiyey baraha Al shabaab ku leeyihiin Internetka ayaa lagu sheegay magacyada la dilay iyo goobaha kale ee la weeraryay inkastoo aysan si rasmi ah u sheegan dilalka qaar in ay masuuliyada iyaga leeyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.net - Warbixin lagu faafiyey baraha Al shabaab ku leeyihiin Internetka ayaa lagu sheegay magacyada la dilay iyo goobaha kale ee la weeraryay inkastoo aysan si rasmi ah u sheegan dilalka qaar in ay masuuliyada iyaga leeyihiin

Warbixintaan ayaa u qoreyd sidaan:-

Tan iyo markii 08-02-2017 xilka Madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan 20 weerar oo lagu dilay Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Askar ka tirsan DF.

February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood un kadib Madaxweyne Farmaajo doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee ka soo galay Galmudug laguna soo doortay magaalada Cadaado.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.

February15, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne.

Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahaa oo la hadlay war-baahinta Maxalliga ah.

February18, 2017  waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF.

Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada  Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

February18, 2017  waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere.

Rasaas la huwiyay  Gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada  Al-Shabaab, halka DF ay sheegtay in ay cambaareeneyso.

February 21, 2017   waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay Oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

February 22, 2017  waxaa Madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee Ciidankii Cirka Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.

February 24, 2017  waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.

February 25, 2017    waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay Oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyrre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug.

Rag hubeysan ayaa kheyre ku beegsaday isgoyska Cali kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdihso, waxaana marka Oday la dilo Caasimadda caan ka noqotay in ay dadku is weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ma xildhibaanada ayuu wax ka soo xulay?.

February 26, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan u soo noqday.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Mursal ayaa lagu dilay xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley, kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaari uu watay, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada  Al-Shabaab.

February 27, 2017  waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, waxaana dhacday inuu isagu ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa, balse waxaa ku geeriyooday darawalkiisii, sidoo kale isla maalintaas waxaa askari ka tirsanaa DF lagu dilay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid.

February 27, 2017  waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah Askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay.

Askarta iyo saraakiishooda oo mooday in gaariga looga tagay, ayaa si ay u boola xoofteeyaan saxaafadda isugu yeeray, laakin waxaa halkaasi ka raacay dhibaato ku keentay dhimashada in ka badan 4, dhaawac iyo waji gabax, kadib markii lagu qarxiyay gaariga xilli ay ku xoonsanaayeen.

February 28, 2017  waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo ay dhib weyn ku qabeen shacabka degmada Dharkeenley.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad ayaa lagu dilay xaafadda Macallim Nuur ee degmadaasi, iyadoo daqiiqado kadib dilkiisa ay goobta soo gaareen saaxiibadiis Nabad sugidda.

February 28, 2017  waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigaan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.

February 28, 2017  waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe.

Af-leeshe ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax, kaasoo lala beegsaday xilli uu gaarigiisa saarnaa islamarkaana uu marayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada  Al-Shabaab.

March 06, 2017 waxaa howlgal abaabulan lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.

March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray Rasaas.

Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) islamarkaana ahaa gudoomiyaha Laanta Sahan ee waaxda Heegan ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

March 08, 2017  weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Galmudug.

March 09, 2017  waxaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Minishiibiyada DF, waxaana lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamuud Maxamed. Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka sarkaalkaan ay geysteen Rag hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Haddaba weerarada ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay in ka badan 20 qof oo DF ka tirsanaa, ayaa waxaa wehliya weeraro kale oo ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo meelo kale.

March 02, 2017  waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Ammaanka ee magaalada Baydhabo.

March 04, 2017  waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday Maxkamadda Darajada kowaad ee Magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu ka soo gaaray xubno ka tirsan Maamulka Gaas ee Puntland.

March 08, 2017  waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo Gaarigiisa wata lala beegsaday Qarax xooggan.

Weerarka lagu dhaawacay xildhibaanka ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dhaawiciisa oo halis ah loo qaaday  dalka dibaddiisa March 09, 2017.

Xildhibaankan ayaa qeyb ka ahaa Guddiga Ammaanka isagoo ku lug lahaa dagaaladii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Suuj iyo Garacad.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu dhaawacay xildhibaankaasi, iyadoo maamulka Puntland uu aad uga Murugooday dhacdadaan.

March 08, 2017  weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.

Haddaba Intaa waxa dheer weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada shisheeye, kuwa dowladda iyo weerarada dhabba gallada ah oo sida joogta u dhaca, kuwaasoo iyagu aad u fara badan.

Iskusoo wada duuboo dhacdooyinkan silsiladaha ah ee khasaaraha dhaliyay ayaa dhacay 30 maalmood gudahood ama laga soo billaabo tan iyo markii Farmaajo la doortay, tanina waxay muujineysaa fashilka amni ee durbadiiba ku billowday dowladdiisa ayaa ugu dambeyn lagu yiray Qoraalka ay faafiyeen Xarakada Al Shabaab.

Share on Social Media

Somalia's leader mourns death of Namibia president

Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article

 

Somalia's ex-president warns of risk of 'political crisis' over plans to overhaul constitution

Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article

 

Egyptian President says will protect Somalia against anz threat

Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article

 

Egypt Condemns Suicide Bomber Attack in Somalia

Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article

 

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article

 

Somalia:$17 million external support has not been channeled through the country's single treasury account

Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account. Full Article

 

Al-qaida Share ,IBS bank Somalia launches Visa Card Payment

Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million. Full Article

 

Oman hold off plucky Somalia to make main draw

Waagacusub.net - Somalia displayed a lot of pluck but were left ruing their luck as Oman advanced to the main draw of the FIFA Arab Cup with a 2-1 win Sunday evening. The Omanis scored twice in the first half of the lively game at the Sheikh Jassim Bin Hamad Stadium before Somalia pulled one pack nine minutes after the break. Full Article

 

Kenya resumes its diplomatic mission in Somalia

Waagacusub.net - Kenyan ambassador to Somalia Lucas Tumbo has today arrived in Somali capital, Mogadishu barely a week the two countries agreed restore their diplomatic ties. Full Article

 

Several Killed in Mortar Shells Near Somalia President's Residence

Waagacusub.net - Several people were killed and a number of others wounded in mortar shells that struck targets near Somalia president's residence in the capital Mogadishu on Wednesday, local officials have confirmed. Full Article

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.

Somalia:$17 million external support has not been channeled through the country's single treasury account

Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.

Al-qaida Share ,IBS bank Somalia launches Visa Card Payment

Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.

UGANDA: New Cabinet Members and Ministers of State

I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:

Journalists barred from covering Somali leaders' meeting

The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.

Somalia's leader mourns death of Namibia president

Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article

 

Somalia's ex-president warns of risk of 'political crisis' over plans to overhaul constitution

Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article

 

Egyptian President says will protect Somalia against anz threat

Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article

 

Egypt Condemns Suicide Bomber Attack in Somalia

Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article

 

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article