HEADLINES:

Sir Culus - Qaraxii Daallo oo Somaliland galay-cadeeyn ?

1
Thursday February 25, 2016 - 04:43:09 in Somali News by Super Admin
  • Visits: 8536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sir Culus - Qaraxii Daallo oo Somaliland galay-cadeeyn ?

    Baaris madaxbanaan oo Warbaahinta Waagacusub iyo Khubaro Mareykan ah ku sameeyeen qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ayaa shaaca ka qaaday ninka qaraxa geeystay halkii laga soo diray,halkii uu baasaboorka uu watay ka goostay,halka looga soo jaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaris madaxbanaan oo Warbaahinta Waagacusub iyo Khubaro Mareykan ah ku sameeyeen qaraxii lala beegsaday Daallo Airlines ayaa shaaca ka qaaday ninka qaraxa geeystay halkii laga soo diray,halkii uu baasaboorka uu watay ka goostay,halka looga soo jaray Ticket-ka uu watay,dalalkii ugu qornaa inuu booqdo,cidda u keentay Laptop-kii qaraxa ku rakibnaa,kursiga uu diyaaradda qasab ku fariistay iyo sida garoonka lagu soo geliyay. Xogtaan waxeey kugu ridi doontaa la yaab iyo fajac haddii aad si degan u akhrisatid.

Ninka diyaaradda Daallo isku qarxiyay ee Abdullahi Abdulsalam Boreh wuxuu baasaboorka uu watay ka soo goostay Magaaladda Hargeysa ,wuxuuna ku goostay Online sida uu Waagacusub u sheegay Sarkaal ka tirsan khubaradda Mareykanka ee baarista  weerarkii Daallo waday maalmahii la soo dhaafay.

Sarkaalkaan ka tirsan khubaradaas lagu magacaabo JIT wuxuu dhinaca kale sheegay in Ticket-kiisa laga soo gooyay Dalka Angola gaar ahaan Magaaladda Luanda.

Ticket-ka waxaa Mr Abdullahi Borleh ugu qornaay inuu Transite ku yahay Turkey kadibna uga gudbi doono India gaar ahaan Magaaladda Mumbai ,isagoo ugu dambeyn ku laaban doono Angola.

Waxaan daawaday Kaamirooyinka ku xiran garoonka Muqdisho ,maxaanse arkay ?

Laba maalin oo kala duwan ayaa Laptop-ka qaraxa ku xiran gudaha Garoonka la soo geliyay.

Muuqaalka koowaad waxaa ka soo dhex muuqda Xasan Caato iyo Cabdiweli oo ka soo galay garoonka dhinaca Jaadka laga dejiyo kadibna waxeey fariisteen Maqaayad ku taal marka la soo dhaafo meesha Jaadka,waxaa xilligaas siday Lapto-ka ninkii la qarxiyay ee Xasan Caato oo u dhashay beesha Sheekhaal.

Xasan Caato iyo Cabdiweli waxeey u soo gudbeen maqaayad ku taal gudaha garoonka gaar ahaan dhinaca laga dhoofo ,waxaa halkaas fadhiyay ninka isku qarxiyay diyaaradda ee Abdullahi Boreh oo qabay koofi kadibna Xasan Caato ayaa miiska u saaray Laptop-kii qaraxa ku jiray isagana wuxuu ku ritay boorso uu watay.

Markii ay cabaar shaaheen kadib ayaa lagu wargeliyay iney baaqatay diyaaraddii ay sugayeen ee qaraxa loo diyaarshay taas oo aheyd Turkish Airlines. 

Maalintaas markii ay xaqiiqsadeen iney diyaaradda baaqatay Waa kala tegeen maalintii labaad ayaa leeysku soo laabtay,

Muuqaalka Kaamiradda ku xiran garoonka ee CCTV waxaan ka dhex arkay Xasan Caato oo Laptop-kii siday kadibna wuxuu marsiiyay Scan-ka lagu baaraayay.

Nin Boliis ah oo Ciro leh ayaa taagnaa meesha baarista ka socotay,sidoo kale Askariga Amisom wuxuu ku ciyaaraayay Game telefoonkiisa gacanta. ,wuxuuna ka mid ahaay Saraakiishii amaanka u xilsaarneed.

Xasan Caato wuxuu si dhib yar ku qaatay Laptop-kii qaraxa ku rakibnaa maxaa yeelay ninka Turkiga ee  fadhiyay Scan-ka maba aqoon Scan-ka umana laheyn tababar sida lagu ogaado haddii Laptop-ka wax ku rakiban yihiin.

Computer-ka,telefoonka,saacadda iyo wax walba oo digital ah haddii ay wax ku xiran yihiin ama wax ka qaldan yihiin wuxuu Scan-ka soo saarayaa Calaamad Yellow ah {Jaalle} ,markii Laptop-kaan la gelshayna waa sheegyay oo wuxuu shiday Calaamad Jaalle ah laakiin ninka Turkiga maba qabin wax tababara oo ma fahmin.

Xasan Caato Maqaayadda VIP ayuu fariistay,waxaa ag fadhiyay Xildhibaano aan ka aqoonsaday haweeneey lagu magacaabo Fadumo oo beesha Isaaq u dhalatay iyo Xildhibaan la yiraa Dahir loo Beesha Xawaadle u dhashay .

Xasan Caato {Nice Shirt} Ninkii shaatiga qurxoon watay wuxuu noqday kaligiis markii dadkii dhoofayay baxeen laakiin laba daqiiqo qiyaastii kadib  waxaa u yimid Cabdiweli. kadibna waa la  kaxeeyay oo Abdullahi Borleh  oo qeybta kale fadhiya ayaa loo geeyay .

Mr Abdullahi Borleh waxaa waday Cabdiweli,wuxuuna geeyay albaabka diyaaradda Daallo Airlines .

Mr Abdullahi Abdulsalam Boreh  wiuxuu fariistay kursiga 16 F kadibna waxaa dul istaagay ninkii kursigaas sharciyan lahaay ee Ticket-ka ugu qornaay,,wuxuuna ku dhahay  "kursigaan anigaa ku qoran ee iiga kac”

Abdullahi Boreh waa diiday inuu ka kaco kursiga kadibna ninkii ma ag fariisan ,waana iskaga tagyay iyadoo labada kursi ee ku dhegan ay banaan yihiin.

 Mr Abdullahi Borleh wuxuu kursigaas u doortay inuu isku aadiyo dariishadda maxaa yeelay sanadkii 1986 diyaaradda la yiraa TWA ee Mareykanka laga leeyahay ,isla kursigaas 16 F qof fariistay ayaa  qarxiyay laakiin xilligaas seddex qof ayaa ka baxday,

Daallo Airlines markii uu qarxiyay seddex qof kama faniinin maxaa yeelay kaligiis ayuu meesha fadhiyay oo labada kursi ee kale qofna ma fadhin,waxaana daaqadda ka baxay isaga oo kaliya. 

Mr Abdullahi Boreh waa degdegay ,wuxuuna qaraxa fuliyay markii diyaaradda hawadda gashay toban kun oo fiid { 10.000 feet} laakiin wuxuu qorshahu ahaay inuu qaraxa taabto marka diyaaradda hawadda gasho soddon kun oo fiid {30,000 Feet}

Haddii Abdullahi Boreh qaraxiisa taaban lahaay markeey diyaaradda gasho hawadda 30.000 feet ,waxaa hubaal aheyd inuusan qofna diyaaradda ka badbaadi laheyn maxaa yeelay waxeey gashay hawo sare oo aysan suurtagal noqon karin iney si sahlan u soo degto.

Baarista socotay waxaa lagu xaqiijiyay qofka uu yahay Mr Abdullahi Boreh iyo in laga soo diray Hargeysa ,si uu Turkish Airlines u qarxiyo.

Markii ay soo shaac baxday in weerarkii Daallo fashilmay waxaa gorgortan iyo wada hadal u furmay  Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland iyo Al-Shabaab waxaana leeysku mari waayay qorshe la rabay iney Al-Shabaab ku sheegato iney laheyd masuuliyadda qaraxa lala beegsaday Daallo Airlines.

Saraakiisha AL-Shabaab waxeey iska diideen iney qaraxaas sheegtaan laakiin ugu dambeyn waxaa arrinta fara geliyay ganacsato ku xiran Argagixisadda Al-Shabaab iyo Maamulka Somaliland iyadoo ugu dambeeyntii lagu qanciyay iney sheegtaan ,iyadoo maamulka Somaliland ay bixiyeen lacag dhan hal Milyan oo dollarka Mareykanka ah.sida ay xaqiijiyeen ila wareedyo kala duwan oo ka tirsan Somaliland iyo Al-Shabaab.

Laptop-ka qaraxa yaa keenay ? Yaase u dhiibay Xasan Caato.

Laptop-ka qaraxa waxaa farsameeyntiisa gacan weyn ka geeystay Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray Al-Shabaab kaas oo mudo ku xirnaay Xabsiga Muqdisho balse lagu sii daayay Cafis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bixiyay kadib markii uu damiintay ganacsade lagu magacaabo Joorje Colow oo la sheegay inuu hadda xiran yahay.

Laptop-ka waxaa lagu farsameeyay guri uu leeyahay Ganacsade u dhashay beesha Sheekhaal oo lagu magacaabo Cabdikariim Seenyo kaas oo mudo dheer lala xiriirin jiray inuu hoowlaha qaraxyadda iyo dilalka u fuliyo Maamulka Somaliland isagoo dhinaca kalena lagu eedeeyay inuu Somalia ka dhisay argagixisadda Daacish.

Wiil dekadda Muqdisho jooga inta badan oo lagu magacaabo Mustaf Harqaanle uuna adeer u yahay Cabdikariim Seenyo ayaa Laptop-ka soo qaaday,wuxuuna gacanta u geliyay Xasan Caato oo horey u fulin jiray qaraxyadda,weeraradda iyo hoowlgalo horey loo fuliyay.

Xasan Caato oo hadda tilmaamtiisu tahay Mr Nice Shirt wuxuu ka soo shaqeeyay shan Hotel oo la qarxiyay kuwaas oo afar ka mida ay kala yihiin:

1- Sahafi Hotel

2-Jazeera Hotel

3-SYL Hotel

4- Central Hotel

Sidoo kale Xasan Caato waxeey ila wareedyo sheegayaan  inuu ka shaqeeyay maqaayaddii la weeraray ee Beach Sea food laakiin weli ma helin cadeeyn ama xaqiijin aan ku kalsoonaan karo.

Xasan Caato waxeey israaceen Cabdiweli oo ahaay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ,waxaa laga codsaday Mr Caato inuu darawal ka noqdo gaarigii Korneyl Cabdiweli oo miino lagu rakibay kadibna waxeey tageen Degmadda Wadajir ee gobolka Banadir.

Korneyl Cabdiweli ayaa baabuurkiisii isaga degay,sidoo kale wuxuu ka dejiyay wiil uu dhalay oo la socday,wuxuu saaxiibkiis Xasan Caato ku yiri " Dukaanka ayaan wax ka soo iibsanayaa,wiilkana xaafadda ayaan u dirayaa ee gaarigga ku sii dhex jir,kadibna Remote ayuu u taabtay oo Xasan Caato gaarigii ayaa lagu qarxiyay,wuxuuna ku dhintay halkaas.

Korneyl Cabdiweli oo u dhashay beesha Abgaal Cismaan gaar ahaan Wacbuudhan Celi Cumar wuxuu ku dhashay Magaaladda Garowe,wuxuuna ku koray Magaaladda Hargeysa.waxeey hooyadii ka soo jeedaa qabiilka Majeerteen .

Ninka la qarxiyay ee Xasan Caato wuxuu u dhashay Sheekhaal,wuxuu ku dhashay Hargeysa,waxeeyna hooyadii ka soo jeedaa qabiilka Isaaq.

Warbixintaan waa xog Sirdoon mana lahan inta badan xigashooyin tilmaaman laakiin dhawaan waxeey soo shaac bixi doontaa iyadoo heer Caalamiya.

Fiiro gaara: Waxaan faafin doonaa muuqaalkii garoonka,Baasaboorka iyo Ticket-ka ninkii isku qarxiyay Daallo ,marka Khubaradda JIT baarista soo gaba gabeeyaan maalmo gudahood.

By Dahir Alasow.

Editor-in-Chief

Waagacusub Media

Share on Social Media

Somaliland:Government Blocks Entry of Alternative Fibre Optic Cable

Waagacusub.com - The government of Somaliland denied that it had any advance information of a submarine fibre optic internet cable entering the country from Berbera. Full Article

 

Brussels Forum Does Not Concern Us, Somaliland President Says

Brussels Forum Does Not Concern Us, Somaliland President Says Full Article

 

[Daawo Video CCTV] Fadeexadii doorashadii Gudoonka Wakiiladda Somaliland oo la helay

Daawo Video CCTV Fadeexadii doorashadii Gudoonka Wakiiladda Somaliland oo la helay Full Article

 

Somaliland releases the arrested journalist in Hargeisa on bail.

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of Journalist Omar Hassan Ali Known as Omar Serbia who has been arrested in Hargeisa, Somaliland since on Saturday 7, July 2017. Full Article

 

Sirculus:Xubnaha Urur Diimeedyadda ee ku milmay Dawladda Somalia?

Waagacusub.net - Dawladda Somalia oo uu hogaanka u hayo Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo aan ka mid ahayn Urur Diimeedyadda ka jira Somalia ayaa markii ugu horaysay waxaa la dareemayaa in Xafiisyadda Maamulka ay awood ku yeelanayaan Xubno ka socda Urur Diimeedyadda Somalia. Full Article

 

Sirculus qorshahii Farmaajo +Kheyre+Fahad Yaasiin u degeen Habargidir iyo Abgaal +fashilka ?

23-kii April 2017,Saacadu markeey aheyd 10:30-kii fiidnimo ayey kulan albaabadda u xiran yeesheen guddi ay magacaawdeen Farmaajo iyo Kheyre ,iyadoo kullanka uu ka qeybgalay Fahad Yaasiin Xaaji Dahir. Kulanka ayaa lagu dejiyay qorshe nuxurkiisu yahay sidii lagu wiiqi lahaay awoodda Habargidir iyo Abgaal si gacantooda looga bixiyo gobolka Banaadir . Full Article

 

SIRCULUS: Qeybta 2-aad Jaajuusnimada iyo qiyaanadii uu xilka ku helay Taabit Cabdi iyo sida loo qiyaanay Farmaajo

Thabid Cabdi oo isticmaalayo tasiilaadka safaaradda waxa uu hoos ka bilaabay in uu xiriir toos ah la sameeyo hay'ado iyo shaqsiyaad Maraykan ah oo uu ku qancinayo in mudane Xassan Shiikh uu yahay qof aan lagu sii aamini karin mas'uuliyadda qaranka. Isaga oo isticmaalayo magaca safaaradda Soomaaliya ayuu bilaabay burburinta dowlada Soomaaliya. Full Article

 

SIRCULUS: Qeybta 1-aad Jaajuusnimada iyo qiyaanadii uu xilka ku helay Taabit Cabdi iyo sida loo qiyaanay Farmaajo

Waagacusub.net - Waxaa mudo laga joogo afar asbuuc la magacaabay Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqadishu, Mudane Thabid Cabdi Maxamed, dad badan ayey ku noqotay yaab iyo fajac sababta keentay in will dhalinyaro ah oo aan khibrad u lahayn howlaha maamulka gobolka aqoontiisa tacliimeedna ay aad u gaaban tahay in mas'uuliyad balaaran oo ka wayn loo magacaabo. Sababo badan ayaa ka danbeeyo magacaabista Thabid Cabdi waxeyna salka ku haysaa arrimo siyaasadeed iyo mid qabiil. Full Article

 

Daawo SirCulus Jeneral Isaaqa oo lagu helay inuu Al-Shabaab yahay ?

Waagacusub.net - Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleeystay inuu toogasho ku dilo laba Sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsan xilli ay qorsheeynayeen iney hoobiyeyaal ku garaacaan Garoonka Muqdisho iyo Xarunta Xalane,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha NISA. Full Article

 

AFEX Denounces Two-Year Jail Sentence of Independent Journalist in Somaliland

April 11, 2017: The African Freedom of Expression Exchange (AFEX) joins its member, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) to strongly condemn the sentencing of independent journalist, Abdimalik Muse Oldon to two years in prison by the Marodi Jeeh Regional Court in Somaliland's capital Hargeisa. Full Article

 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.

Somalia:$17 million external support has not been channeled through the country's single treasury account

Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.

Al-qaida Share ,IBS bank Somalia launches Visa Card Payment

Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.

UGANDA: New Cabinet Members and Ministers of State

I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:

Journalists barred from covering Somali leaders' meeting

The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.

Somalia's leader mourns death of Namibia president

Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article

 

Somalia's ex-president warns of risk of 'political crisis' over plans to overhaul constitution

Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article

 

Egyptian President says will protect Somalia against anz threat

Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article

 

Egypt Condemns Suicide Bomber Attack in Somalia

Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article

 

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article