HEADLINES:

SIRCULUS: Qeybta 1-aad Jaajuusnimada iyo qiyaanadii uu xilka ku helay Taabit Cabdi iyo sida loo qiyaanay Farmaajo

1
Friday May 26, 2017 - 01:00:05 in Somali News by Super Admin
  • Visits: 36115
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 8
  • 4 5
  • Share via Social Media

    SIRCULUS: Qeybta 1-aad Jaajuusnimada iyo qiyaanadii uu xilka ku helay Taabit Cabdi iyo sida loo qiyaanay Farmaajo

    Waagacusub.net - Waxaa mudo laga joogo afar asbuuc la magacaabay Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqadishu, Mudane Thabid Cabdi Maxamed, dad badan ayey ku noqotay yaab iyo fajac sababta keentay in will dhalinyaro ah oo aan khibrad u lahayn howlaha m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Tabit iyo Naagtii uu Sweden ku qabay
Waagacusub.net - Waxaa mudo laga joogo afar asbuuc la magacaabay Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqadishu, Mudane Thabid Cabdi Maxamed, dad badan ayey ku noqotay yaab iyo fajac sababta keentay in will dhalinyaro ah oo aan khibrad u lahayn howlaha maamulka gobolka aqoontiisa tacliimeedna ay aad u gaaban tahay in mas'uuliyad balaaran oo ka wayn loo magacaabo. Sababo badan ayaa ka danbeeyo magacaabista Thabid Cabdi waxeyna salka ku haysaa arrimo siyaasadeed iyo mid qabiil.


Qormadaan kooban waxaa laga soo jaray qoraal dheer oo ku qoran luuqadda Ingiriiska  oo dhawaan soo bixi doona. Ujeedada qormadaan waxa ay tahay in shacabka Soomaaliyeed loo iftiimiyo sababaha ay salka ku hayso magacaabista Mudane Thabid. Ujeedada qormadaani ma aha in sharafka mas’uulka meel looga dhaco ama laga been abuuro balse dulucdeedu waxa ay salka ku haysaa in umadda Soomaaliyeed loo soo bandhigo taariikhda mas’uulka maamulayo danahooda iyo dareenka ku wajahan mustaqbalka deegaanka gobolka Banaadir iyo culayska ka imaan kara.


Thabid Abdi Maxamed waxaa  uu xiriir qoys hoose kala dhaxeeyaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud isaga oo qabo gabadh uu abti u yahay Madaxweyne Xassan. Thabid   oo qaxooti ku ahaa dalka Sweden ayaa si sharci darro ah ku misana isaga dhiibay dalka Ingiriiska.


Sanadkii 2013 waxaa madaxweyne Xassan Sheikh u magacaabay ku xigeenka agaasimaha madaxtooyada. Inkastoo dad badan ku eedeyeen madaxweyne Xassan in uu xubin qoyskiisa ka mid ah u dhiibo mas’uuliyad Qaran, haddana Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa cadaadis  kaga yimid qooyskiisa waxa  uu siiyay mudane Thabid fursad uu uga shaqeeyo mdaxatooyada  waxna ku barto. Waa nasiib xumo ku dhacday umadda Soomaaliyeed in danaha Soomaaliyeed la qabiileeyo, qaranimadiina lagu badasho tol-jecleesi.


Mudo sanad gudahooda ah ayaa Thabid Cabdi shaqadii laga ceyriyay,  ka dib markii uu gudan wayay mas’uuliyadii uu u hayay dowladda.  Colaad uu ka qaaday luminta shaqadiisa ayaa waxaa  Thabid Cabdi go’aansaday in uu dagaal ku qaado Madaxweynaha iyo la taliyeyaashiisa gaarka ah. Waxaa uu koobi (copy) ku sameeyay ama uu daabacday dhamaan qoraaladii yiilay Madaxtooyadda ee isaga lagu aaminay, kuwaas oo ka koobnaa Copy electronic ah iyo  qaar daabacan.  Lap-top kii uu ku shaqaynayay waa uu qaatay isaga oo adeegsanaya xiriirka qooyska Madaxweyne Xassan Sheikh. Hantida uu ka xaday madaxtooyada waa hanti Soomaaliyeed.


Thabid waxa uu xirir dhaw la sameeyay dhowr hay’adood iyo qaar ka mid wadamada daneeyo arrimaha Soomaaliya iyo hay’ado sirdoon ah. Waa qof dhalinyaro ah faham buuxana ka haysan dhibka ka Imaan karo ficilkiisa iyo dhaawaca ay gaarsiinayso danaha dowladda iyo umadda Soomaaliyeed.


Hay’adaha uu la xiriiray waxaa ka mid ah Hay’adda kormeerka iyo cunaqabateynta UN-ta ee loo yaqaano UN Monitoring Group. Waxaa la dajiyay hotel ku yaalo Nairobi oo loo yaqaano Windsor  Hotel. Saraakiil ka mid ah UNMG oo aanan doonaynin in magacooda  la sheegin ayaa noo sheegay in  Thabid Cabdi uusan hadal kaliya keenin laakiin waxa uu la wadaagay dhamaan dokumiintigii madaxtooyadda iyo  qormooyin la xiriira safarkii madaxweyha iyo guud ahaan dowlada Soomaaliya. Sida ku qoran qoraaladda qaar waa kuwo mustaqbalka Maxkamad caalami ah loo adeegsan karo.


Tusaale waa loo soo qaadan karaa qormadii UNMG, report 2014/2015 soo baxay inteeda badan waxaa uu salka ku hayay xogta uu keenay Thabid.  Waxaa  ka mid ahaa  fariimaha uu keenay cod laga soo duubay mas’uuliyiinta ugu sareeysa dalka. Wadamada qaar waxa ay go’aansadeen in aan la faafin codadkaas madaama qarinimadda Soomaaliya dhib wayn ka soo gaari karto. Dowlad ka mida dowladaha waa wayn waxa ay ka digeen in  lagu fogaado in la  faa’fiyo codadka laga soo duubay mas’uuliyiinta qaranka. Waxaa si toos ah uga biyo diiday  Dowladda Ingiriiska  oo iyada horay u taqiinay Thabid kuna  baratay markii uu ahaa ku xigeenka agaasimaha Madaxtooyada. 


Xiligii uu ahaa ku xigeenka agaasamaha madaxtooyadda  ayaa safaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ka balan qaaday madaxtooyadda Soomaaliya in ay qarash ku bixinayso sidii madaxtooyada looga dhigi lahaa meel aan xabad karin ama bullet proof area, gaar ahaan albaabada iyo dariishadaha madaxtooyadda, talaabadni waxa ay ka danbeeysay ka dib  markii  dhowr mar la soo weeraray madaxtooyada dhawacna uu ka soo garay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ku dhaawacmay  bur-burkii muraayadaha. Nasiib xumo Thabid Waxa uu jeebka ku shubtay lacagtii isaga oo dhowr dariishad si been abuur ah  ah u sameeyay. Arintaas waxa ay safaarada  UK u saartay   audit, safiirkii hore ee UK, mudane Neil Wigan ayaa si toos ah ula socodsiiyay Madaxadaynaha gafka uu galay Thabid. Sababataan awgeed iyo kuwa kalaba  oo dowlada UK u gaar ah waa ay diiday iney dhagaysato Thabid ama qiimeeysana warbixintiisa codka iyo tan qoraalka ahba. 


Sidoo kale Thabid waxa uu la wareegay computers iyo hanti kale oo ay hay’adda IOM ugu deeqday madaxtooyadda.  Qaar ka mid hantidaas waxaa lagu wareejiyay hotel uu Thabid ka dhistay  magaalada Muqadishu oo lagu magacaabo Panafrique Hotel. Hadii aad hotelkaa jiifatay ama aad wax ka cuntay waxaad ku arkaysaa qalabkii laga soo wareejiyaya  IOM. Waxa aan la xiriirnay USAID oo bixisay qarashka lagu maal galiyay hantidaas. Qarashkaas  waxaa la  soo marsiisay  hay’adda IOM.  USAID waxa ay inoo sheegtay in uu socoto baaritaan la xiriirta arintaan. 

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Ra’isal Wasaaraha dalka oo ka war helay sirta uu ka bixiyay Thabid Cabdi, gaar ahaan Ra’isal Wasaaraha dalka  ayaa  u yeeray  Thabid kana codsaday in uusan u dhaqmin sidii qof caruur ah isla markaana sharafka dalka ilaaliyo. Xogta uu gudbiyana ay tahay sir Qaran. Walow uu Xasan Sheekh amar ku bixiyay in la soo xiro Thabit, ayaa waxaa arrintan hor istaagay Nuurto Sheekh oo ah madaxweynaha walaashii oo uu Thabit qabo gabadheeda Jihaan.


Hadii Soomaaliya ahaan lahayd dowalad ku dhaqanta sharciga, dowladnimo buuxdana  ka jirto dalka, waxaan shaki ku jirin in Thabid Cabdi  xabsiga loo taxaabi lahaa amaba dil lagu xakumi lahaa. Waxaa nasiib xumo ah intii Xabsi la dhigi lahaa ama sharci la horkeeni lahaa, in loo magacabay jago xasaasi u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.  Tani waxaa ay qayb ka tahay talo xumidda iyo dhibaatada hoogaan la’aaneed ee   ka jirto dalka Soomaaliya.


Sida ay noo xaqiijeen qaar ka mid ah qoyska madaxweynaha, Cadaadis kaga yihimd qoyska madaxweynaha ayaa mudo laga joogo labo sano waxaa Thabid Cabdi Maxamed loo magacaabay Qunsulka (Deputy Mission) ee safaaradda Soomaaliya ee  Washington DC.  Arintaan waxaa durbadiiba ka soo horjeestay dhamaan lataliyayaasha madaxweyaha iyo qaar ka mid golaha wasiiradda, nasiib xumo   madxweynuhu wuu ku adkeysay magacaabista Thabid.


Sida aan qiyaasayno, marka laga soo tago cadaadiska qooyskiisa, u soo dirida  Washington DC waxa ay ugu muuqatay mudane Xassan Sheikh  in Thabid joojin doono bixinta sirta Qaranka iyo la dagaalanka Madaxweynaha ama lagu maslaxo si uu u joojiyo dagaalka uu ku hayo madaxweynaha, madaamaa uu sir badan uu ka hayo madaxweynaha. Waxaa nasiib xumo ah in uu ka sii daray. Marka uu yimid Washington DC  waxa uu durbadiiba bilaabay in uu la xirto mucaraadka doowlada una isticmaalo xafiiska safaaradda Soomaaliya goob loogu shaqeeyo dano ka soo horjeedo danta dalka iyo dadka. La soco qeybta 2-aad

By Mohamed Hassan 

[email protected]

Share on Social Media

Regional Leaders Set Conditions For Meeting Farmaajo

Regional Leaders Set Conditions For Meeting Farmaajo Full Article

 

Xildhibaan Cabdiweli Qanyare oo ka digay Fadwooyinka Beenta ee wadaadada Qaar?

Xildhibaan Cabdi weli Maxamed Qanyare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Wadaadada ku fadwoonaya Xildhibaanada iyo Siyaasinta mucaaradka, isagoo oo tilmaamay in hadaan Siyaasada laga heshiin oo madaxda aqligooda soo noqon aay imaan karto Hurumar la,aan Amni xumo,laalush iyo is qabqabsi joogta taaso lagu maareyn karin siduu hadalka u dhigay wadaadada la soo kireestay ee beenta fadwooda. Full Article

 

Topnews:- Dowladda Farmaajo oo shaqaaleysiineysa Laba kun qof oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubaland.

Waagacusub.net - Dowladda Federaalka Somalia ayaa qorsheysay in 2,000 (Laba kun) qofood oo u dhashay beelo cayiman lagu kordhiyo shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Full Article

 

[Daawo Video CCTV] Fadeexadii doorashadii Gudoonka Wakiiladda Somaliland oo la helay

Daawo Video CCTV Fadeexadii doorashadii Gudoonka Wakiiladda Somaliland oo la helay Full Article

 

Topnews:- Daawo Dowladda Farmaajo oo sharuudaha shaqo bixinta ku dartay qofka qabiilkiisa ?

Waagacusub.net Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda Farmaajo ayaa boggeeda Internet-ka ku soo xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka iyo sharuudaha qofka shaqa doonka ee soo codsanaya jagooyinkaas ku dartay qabiilkiisa iyo jufadiisa hoose . Full Article

 

Topnews:- Farmaajo oo Ciidanka Uganda fasaxay Amnigana ku wareejiyay Ethiopia .

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Dowladda Uganda iney Ciidankooda jooga Somalia iska bixi karaan xilli kasta kadib markii uu Dowladda Ethiopia ka helay 50.000 oo ka tirsan Ciidanka Melleteriga dalkaas kuwaas oo caawa gaaray degaanka Leego ee gobolka Shabeeladda hoose ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom iyo maamulka Shabeeladda hoose. Full Article

 

Topnews:- Xildhibaan Dhuxulow iyo Gudoomiye Taabit oo rajo ka qabo kursiga Ra'isulwasaaraha "Socdaalkiisa Emirate-ka"

Waagacusub.net - Xildhibaan Mustafe Dhuxuloow oo ka mida seddexda qof ee daaha gadaashiisa ka maamula Xafiiska Ra'isulwasaare Xasan Kheyre ayaa safar degdega ugu baxay dalka Emirate-ka Carabta kadib markii sida la xaqiijiyay uu ku guuleeystay fashilinta Xukumadda Ra'isulwasaare Kheyre. Full Article

 

Topnews:- Fadeexadii 4aad oo hareeysay Gudoomiyaha Dowladda Fudeed Farmaajo ?

Waagacusub.net - Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi oo Muqdisho looga bixiyay Taabit Gorgoro ayaa fadeexadii afaarad wajahay kadib markii uu ku hungoobay ,oo shaqeeyn waayey amar uu ku mamnuucay in shacabka lacag ku galaan Beerta loo dalxiis tago ee Beerta Nabadda Muqdisho. Full Article

 

Cadaalada Madaxweyne Farmaajo? Dilkii Siraaji iyo Xukunka toogashadda Askari Caydiid

Ugu horeyn Alle ha u naxariisto Siraaji. Waxanan halkan ku cadeynayaa in aan ka xumaaday dhacdadaa lagu waayey wiilka da'da yaraa ee mustaqbalka fiican lahaa. Full Article

 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.

Somalia:$17 million external support has not been channeled through the country's single treasury account

Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.

Al-qaida Share ,IBS bank Somalia launches Visa Card Payment

Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.

UGANDA: New Cabinet Members and Ministers of State

I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:

Journalists barred from covering Somali leaders' meeting

The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.

Somalia's leader mourns death of Namibia president

Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article

 

Somalia's ex-president warns of risk of 'political crisis' over plans to overhaul constitution

Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article

 

Egyptian President says will protect Somalia against anz threat

Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article

 

Egypt Condemns Suicide Bomber Attack in Somalia

Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article

 

Somalia:War to Defeat Al Shabab Militarily

President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article