Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa u qorneyd sidatan :
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4161/082016 uu caawa magacaabid, isku bedel, iyo Xilka ka qaadis ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.
Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday :
1. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland.
2. In Mudane, Cumar Shucayb Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland.(Mudane Cusub)
3. In Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland. (Mudane Cusub)
4. In Mudane, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland. (Mudane Cusub)
5. In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland. (Bedel)
6. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland. (Bedel)
7. In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. (Bedel)
8. In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland. (Bedel)
9. In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. (Bedel)
10. In Mudane, Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland (Bedel)
11. In Mudane, Cismaan Xasan Aw Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (bedel)
12. In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland. (Bedel)
13. In Mudane, Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Mudane Cusub)
14. In Mudane, Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda ee Somaliland.(Mudane Cusub)
15. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Somaliland (Mudane Cusub)
AGAASIMEYAASHA GUUD QAAR KA MID AH
Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday:
1. In Mudane, Fuaad Cabdisalaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland.
2. In Mudane, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada ee Somaliland.
3. In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.
4. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.
5. In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Somaliland.
6. In Mudane, Xasan Nuur Abokor (Xasan Jebiye), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.
HEY’ADAHA DOWLADDA
Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday:
1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda manta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Somaliland.
2. In Mudane, Shariif Abokor X. Maxamed (Dhuux-yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada ee Somaliland.
3. In Mudane, Sharma’arke Muxumed Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Hey’adda Shaqaallaha ee Somaliland.
4. In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera.
5. In Mudane, Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera.
6. In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xog-hayaha Guud ee Guddiga La dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC) ee Somaliland.
TALIYEYAASHA CIIDAMADA KALA DUWAN QAAR KA MID AH
Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday;
1. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Somaliland.
2. In Sarreeye Guuto, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland.
3. In Sarreeye Guuto, Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland. (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hadda wixii ka dambeeya waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha)
4. In Sarreeye Guuto, Saleemaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abaanduulaha Labaad ee Ciidanka Somaliland.
Gudoomiyeyaasha Gobollada Qaar ka mid ah
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Dowladnimo;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolka Maroodijeex, Sool iyo Awdal;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex.
2. In Mudane, Maxamuud Cali Saleemaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool.
3. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
LATALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA QAAR KA MID AH
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1 In Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga. (Hore Afhayeenka Madaxtooyada)
2 In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali X. Jeeniyare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Lataliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga Somaliland. (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex)
3 In Mudane, Aadan Nugaal X. Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Lataliyaha Madaxweynaha ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.
MAGACAABIDDA WAKIILLO CUSUB
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland ee dalalka dibadda ;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Somaliland ee Australia;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland ee Ethiopia.
2. In Mudane, Maxamed Ismaaciil Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland ee Australia.
3 In Mudane Aadan Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika.
MAGACAABIDDA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA SOMALILAND
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Af-hayeenka Madaxtooyadu u leeyahay Madaxtooyada ;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la buuxiyo jagada Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.Hore Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga)
************************************************************************************************
Ujeeddo: Xil ka Qaadis
1. Ku: Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
2. Ku: Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
3. Ku: Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
4. Ku: Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera
Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
5. Ku: Mudane, Cumar Abokor Jaamac, Maareeye Ku xigeenkii Hore ee Dekedda Berbera
Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
6. Ku: Mudane, Maxamed Cabdi Bulaale, Agaasimihii Guud ee Hore ee Guddiga Qandaraasyada
Og: Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada
7. Ku: Mudane, Jaamac Maxamed Odowaa, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Mudaneyaal,
Waxaan aad idinka mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad Somaliland u hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad heyseen Masuuliyiinta aan xilalkaa u soo magacaabay, idinkoo mahadsan.
ALLAA MAHAD LEH
Warbaahinta Waagacusub ayaa heshay tiro Wasiiro ah oo seefta xilka qaadista haleeshay iyo kuwa cusub ee lagu bedelay xilalka laga qaaday ,waxeeyna kala yihiin sidaan inta la xaqiijiyay. Full Article
Waagacusub.net - Wasiirka Dastuurka Federalka Somalia Abuukaate Cabdi Xoosh ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho isagoo diiday inuu hortago baarlamaanka Somalia oo su'aalo rabay iney weeydiiyaan. Full Article
DAWLADDA FARMAAJO OO KAMID NOQOTAY MAAMUL GOBOLEEDYADA. SHAQADA XILDHIBAANADA IYO SENATORS -KANA MEEL UGA DHACDAY! Waagacusub.net - Shirkii Qeybsiga Kaluunka Tunada Badweynta Hindiya oo u dhaxeeyey wasiiradda Kaluumeysiga Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe oo Guuldarro ku soo dhamaaday! Full Article
DAWLADDA FARMAAJO OO KAMID NOQOTAY MAAMUL GOBOLEEDYADA. SHAQADA XILDHIBAANADA IYO SENATORS -KANA MEEL UGA DHACDAY! Full Article
Waagacusub.net - Admiral Maksimov oo ahaa taliyaha Ciidamadda Badda ee Ruushka qaybta Waqooyi oo warbixin sira ku kashifay in Ciidamada badda ee dunida ee ku qulqulayeey badda Somalia iyo gacanka carbeed iyagoo ku gabanayey la dagaalanka budhcad badeeda ,iyo argagixisada u arrinkaas ahaa Been abuur lagu daboolayey dilaac weeyn oo badda kala baray iyo God weyn oo albaab u eg oo ka furmay badda u dhaxaysa Somalia iyo Yemen . Full Article
Daawo Wasiirka Isaaq ugu gobsan oo Siilaanyo iyo kooxdiisa ceebaayay Full Article
Daawo degdeg Cod sira Fadeexadii aduunka iyo sir culus oo laga duubay Siilaanyo iyo wiilka uu soddogga u yahay Full Article
Daawo falkii ugu naxdinta badnaay ee Hargeysa ka dhacay kadib markii Nin laga dhigay gabadh Malxiisa Full Article
Daawo ceebta ku dhacday Farmaajo kadib Filimqaadayaal uu qabyaalad ku shaqaaleeysiiyay Full Article
Daawo Farmaajo oo magaca soddohdii aqoon waayay kadibna seddex magac ugu yeeray Full Article
President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.
Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.
Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.
I hereby inform the country that By virtue of the Authority given to the President of Uganda by Articles: 108(2), 108A(1), 113(1) and 114(1) of the 1995 Constitution of the Republic of Uganda, I hereby appoint H.E. the Vice President, Rt. Hon. Prime Minister, Honourable Cabinet Ministers and other Ministers as indicated below:
The Associated Somali Journalists is deeply concerned that journalists were today barred from covering the meeting of the leaders of the Federal Government of Somalia and Federal Member States (FMSs) as well as the Governor and Mayor of Mogadishu.
Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article
Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article
Waagacusub.net - Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi said his country will protect Somalia against any threat in what can be described as an indirect response to recent Ethiopia's move to access the seaport of Somaliland. Full Article
Egypt on Tuesday condemned a suicide bomber attack in Somalia that killed at least 20 soldiers. The attack took place at a training camp in the Somali capital, Mogadishu, on Monday. The al-Shabab terrorist group claimed responsibility. Full Article
President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
[Akhri] Siilaanyo oo xilal quureed ku tixay Dhulbahante kadib warbixintii Diiradda Dahir Alasow.
Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa ku dhaqaaqay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku shaandheyn ballaaran oo uu ku sameeyay Golihiisa Wasiirada .