
WAR-SAXAAFADEED
Mowqifka NUSOJ ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Saxaafada
25 February 2016
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu cadeynayaa mowqifkiisa ku aadan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Saxaafada ee la sameeyay 13 February 2016.
Ayadoo su’aalo aan looga jawaabin uu ka qabyo shaqada, dhismaha iyo awooda guddiga, NUSOJ oo muujinayso niyad wanaag waxay soo dhaweysay dhismaha guddiga, waxayna u cadeysay in ay kala shaqeyneyso meel marinta go’aanada ay gaaraan waa haddii aysan ka hor imaaneynin dastuurka NUSOJ, madax-banaanida & xornimada ururka iyo go’aanka maxkamada sare ee dalka ee soo baxay 4 February 2016.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ururka soo gaarayay warbixinno aan wanaagsaneen. Waxaa luntay madax-banaanida guddiga, waxaa bilaabatay in la marin habaabiyo shaqadii guddiga, waxaa la isku dayayaa in loo maro guddiga in lagu jabiyo go’aanka maxkamada sare ee dalka, dastuurka dalka iyo dastuurka ururka. Intaa waxaa sii dheer in qaab dhismeedka guddiga lagu xadgudbay, ayadoo lagu darsaday xubno aan la isla ogeyn oo dheeraad ah, ayadoo lagu saleeyay hab beeleed oo la leeyahay beel ayaa ka maqan guddiga oo cabanayso ee halagu soo daro.
Hogaanka NUSOJ ee sharciga ah waxaa u cadaatay in ay jirto khiyaano iyo hoosaasin. Waxaa nasiib daro weyn ah in lagu hanjabo in sharciga saxaafadda dalka, gaar ahaan qodobadiisa wax caburiya, loo adeegsanayo suxufiyiinta diida in ay u hogaan samaan qoor qabadka hadda socda.
NUSOJ waxay cadeyneysaa in Wasaarada Warfaafinta dowladda federaalka ay qeyb ka tahay khilaafka la sheegay in uu ka jiro saxaafada. Ururku waxaa uu maxkamada sare la koray Wasaarada Warfaafinta oo uu Xukun ka dhacay. NUSOJ waxay Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Shaqada ka geysay dacwad guddiga xukuma ILO ee qaada dacwadaha ku aadan xadgudubyada loo geysto ururada shaqaalaha sida NUSOJ, uuna guddigan caalamiga ahi go’aan lid ku ah labada wasaaradood kasoo saaray November 2015.
Marka Wasaarada Warfaafinta oo intaas oo xukun ah laga helay, ayna ka dambeysay adeegsiga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka si loo hor istaago qabsoomida shirka guud ee NUSOJ ee dhici lahaa 13-14 February 2016, in hadana ururka NUSOJ uu soo dhaweeyo guddi ay sameysay isla Wasaarada oo xalin khilaafaad ah waxaa uu ururku muujiyay niyad wanaag aan hagrasho ku jirin.
Haddaba markii uu ururku arkay in guddigii laga weeciyay wadadii iyo howshii marka hore loo sameeyay, si bareer ahna loogu adeegsaday ku xadgudbida dastuurkii ururka & go’aankii maxkamada, NUSOJ waxay cadeyneysaa:
1. In kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ay kala laabatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Saxaafadda.
2. In aysan jirin cid ku matasha ama afka, fikir ama mowqifka ururka NUSOJ ku hadli karta guddigan dhexdiisa.
3. In go’aan kasta oo uu soo saaro guddiga uunan wax saameyn ah ku laheyn ururka NUSOJ, xubnahiisa iyo hogaankiisaba.
4. In aan ku wargelineyno dhamaan xubnaha ururka iyo dhamaan saxaafadda Soomaaliyeed in markii Wasaarada Warfaafinta looga adkaaday sharciga caalamiga ah iyo sharcigii dalka, ayna si sharci daro ah u adeegsatay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka, ay markaan qaab kale usoo marayso si ay ula wareegto ururka taasoo aan ku dhisneen sifo sharci Soomaaliyeed iyo mid caalami oo ay Soomaaliya saxiixday.
5. In ay ku wargelin doonto bulshada caalamka in ay ka foojignaato khiyaanada cusub ee loosoo hagoogay guddiga oo ay tahay xadgudub aan meel cad loosoo marin oo la doonayo in suxufiyiinta Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah NUSOJ loogu diido in ay ururkooda si xor ah oo ka madax-banaan Wasaarada Warfaafinta ay u maamushaan.
6. In aan 10 March 2016 ay NUSOJ horgeyn doonto ILO dhamaan gabood falada aan kor kusoo xusnay oo ay ku jirto guddigan, hor istaaga sharciga dalka, ku xadgudbida dastuurka dalka iyo adeegsiga aan sharciga ku dhisneen ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee Wasaarada Warfaafinta si suxufiyiinta looga hor istaago xuquuqdooda dastuuriga ah.
7. In Ururka oo kaashanaya Ururka Suxufiyiinta Adduunka iyo Ururada Kale ee Caalamiga sida ILO, ITUC iyo IFEX uu codsan doono 10 March in dowladda Soomaaliya loo gudbiyo Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (International Court of Justice) maadaama xadugubku noqday sharci caalami iyo mid Soomaaliyeed, Wasaaradihiina diideen in ay sharciga dhowraan.
8. In aan u cadeyneyno madaxda sare ee dalka in Wasaaradaha ay masuul ka yihiin dhamaan wixii magac xumo iyo bahdilaad ah ee dowladda Soomaaliyeed guud ahaan ku dhaco maadaama ay ayagu diideen in ay dhowraan xuquuqda saxafiyiinta; xornimada & madax-banaanida NUSOJ iyo sharciga Soomaaliyeed iyo midka caalamka u dagsan.
9. In ay tahay ayaan daro weyn in halkii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqoodo difaaci lahaayeen in Wasaaradihii dalka nooqdeen aalad loo adeegsado jabinta iyo ku tumashada shuruucda dalka u degsan iyo kuwa caalamiga ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed loo dulmiyo.
NUSOJ waa XOR, Sareynta Sharciga Ha Shaqeyso!!!
Cumar Faaruuq Cusmaan
XOGHAYAHA GUUD
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) today expressed grave concerns over hastily prepared revised media law as it is creating a chilling effect and undermining media freedom and journalists' rights. Full Article
Muqdisho, 2017-05-31.....Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda. Full Article
6 May 2017: The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) strongly condemns the fresh efforts by the Ministry of Information of Somalia to control and undercut independent media through ministry-owned strategy. Full Article
Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in la diyaarinayo qoraalkii is-casilaada ee Guddoomiye- xigeenki Guddiga Doorashada Soomaaliya, jeneraal C/laahi Sheikh Ismaacil "Fartaag", kadib markii uu si cad u taageeray Musharax Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Full Article
hordhac Full Article
Iyadoo Maanta lagu waday in Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada loo qabto Dood Furan oo toos uga bixi laheyd SNTV iyo Dhamaan warbaahinta Madaxa banaan ayaa baaqatay kadib markii ay Musharraxiin 12 gaaray ay ogaadeen in dooda aysan u socon sidii ay u filayeen oo ahedy in Toos loo daawado. Full Article
Deadly attacks on reporters and their news outlets as well as a government campaign of repression under a new media law marked 2016 in Somalia, reinforcing a dangerous climate of impunity toward the news media, says the National Union of Somali Journalists (NUSOJ). Full Article
Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya cadaado nimankan ayaa waxay doonayan inay xoog kula soo baxaan docomenti ay ku qoran yihiin ergada mid ka mid ah jufada beesha Murusade ee beesha Habar-ceayn,si ay iga bedelaan ergo iyaga soo qortay. Markii laga diiday dalabkooda ayay rasaas ku fureen xarunta guddiga balse waxay iska caabin kala kulmeen ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta oo isugu jiray militari iyo nabad sugid. Full Article
Washington – U.S. President Donald Trump has announced the immediate cancellation of deportation protections for Somali nationals living in the state of Minnesota, sending shockwaves through one of the largest Somali diaspora communities in the world. In a strongly worded post shared online, President Trump stated: "Somali gangs are terrorizing the people of that great State, and BILLIONS of Dollars are missing. Send them back to where they came from. It's OVER!" The message has triggered widespread fear among Somali immigrants and families in Minnesota, many of whom have lived in the United States for decades and built stable communities.
By Dahir Abdulle Alasow – Investigative Sports Journalist Amsterdam – 18 November 2025 =The Dutch national football team is celebrating a historic achievement after officially qualifying for the FIFA World Cup 2026 with a dominant 4–0 victory over Lithuania in Amsterdam on Monday night.
Addis Ababa, Ethiopia – In a move highlighting Ethiopia's growing focus on Gulf partnerships, Prime Minister Abiy Ahmed has appointed Ambassador Jamal Bakar, a senior diplomat from the Somali Regional State, as the country's new Ambassador to the United Arab Emirates (UAE).
By Dahir Alasow – Investigative Journalist, Waagacusub Media Mogadishu | Waagacusub.net | November 2025 A new political alliance is taking shape in Somalia as nine influential political figures — drawn from different parties, civic movements, and government backgrounds — have united under one banner known as the Union for National Dignity (Midowga Haybad Qaran). The coalition, announced through a joint press statement in Mogadishu, aims to create a unified political front capable of "restoring national cohesion, governance integrity, and public confidence in Somalia's democracy."
Tensions, celebrations, and disappointment have swept across Somali social media circles following the fiercely contested Minneapolis mayoral election, where the race took on deep clan and community undertones among the city's large Somali diaspora.
A community report circulating among Somali residents in Minnesota has raised allegations suggesting that former Somali Finance Minister Abdirahman Duale Beileh may have indirect links to individuals involved in the "Feeding Our Future" fraud case, one of the largest federal financial investigations in the state's history. The allegations have not been confirmed by U.S. authorities, and no official charges have been filed against Beileh. Full Article
Waagacusub.net - Turkey has openly indicated that 2026 could become the historic year in which Somalia officially begins oil drilling and exploitation of its natural resources—a move that, if implemented, could fundamentally reshape the country's economic future. Full Article
Waagacusub.net – An Israeli military officer identified as Thomas Adzegaouskas, who reportedly took his own life last week, left behind a disturbing suicide note describing severe psychological trauma he claims began after the events of October 7th, 2023, according to Israel's Haaretz newspaper. Full Article
Somalia's Foreign Minister Abdisalam Omer Dhaay has quickly become one of the most promising and effective young diplomats to emerge in recent years. In a political landscape too often dominated by internal disputes and inconsistent foreign policy, Dhaay stands out for his professionalism, clarity, and modern diplomatic approach. Full Article
Waagacusub.net - Somali-British boxing champion Ramla Ali has revealed that the United States government denied her entry into the country, preventing her from participating in a major match scheduled for 19 December. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
[Topnews]:Mowqifka NUSOJ ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Saxaafada - "guddi beenaad"
Hogaanka NUSOJ ee sharciga ah waxaa u cadaatay in ay jirto khiyaano iyo hoosaasin. Waxaa nasiib daro weyn ah in lagu hanjabo in sharciga saxaafadda dalka, gaar ahaan qodobadiisa wax caburiya, loo adeegsanayo suxufiyiinta diida in ay u hogaan samaan