Sida ku cad xeerka dublamaasiyadda , shaqada ugu weyn ee uu qabto ku Xigeenka Safiirka waa aruurinta arrimaha Sirdoonka ama waxa loo yaqaano "intelligence gathering”. Hogaaminta hoowshaas ayaa waxey u sahashay in uu si toos ah ula xiriiro hay’adaha sirdoonka. Tani waxa ay siisay fursad iyo awood siyaasadeed oo lagu aamino warbixntiisa.
Baaritaan dheer ka dib waxaan ogaanay in Mudane Thabid Cabdi Maxamed, isaga oo isticmaalayo tasiilaadka safaaradda uu isku xir u sameeyay Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo dhowr shirkadood, qaarkoodna qarash bixiyeen. Inta uu ku sugnaa Washington DC waxa uu si toos ah uu ula xiriiray shirkadda ACADEMI a Constellis company, fadhigeeda iyo xafiiskuna ku yaalo degmadda Reston oo ka tirsan gobolka Virginia. Waxaaa ayna ku leedahay saldhigyo waa wayn goboladda Oregon, North Carolina, Florida iyo deegaano badan. Waxa ayna ka wadaan qaybo ka mid ah Africa howlgal Ciidan. Waxaa sidoo kale uu fududeeyay kulamo gooni gooni ah uu la qaatay shirkadda MAGNI international Operations oo dhowr mar timid magaalada Muqadishu, xirirna uu horay ula sameeyay inta uu ka shaqaynayay xarunta Madaxtooyadda.
Kulamadaaan iyo qorshooyinkaan waxaa gadaal ka hogaaminyay safiirka Soomaaliya u fadhiyay magalaada Nairobi Jamal Maxamed Hassan, hadana ka mid noqday golaha wasiirada ee dowladda Farmaajo. Safiir Jamaal ayaa isku xirka kala shaqeeyay Thabid suura galna ka dhigay in kulamadda qaarkood qabsoomaan.
Shirkadda ACADEMI ayaa waxaa laga ballanqaaday in lagu wareejiyo hoteladda waaweyn ee ku yaalo magaalada Muqdishu uuna ugu horeeyo hotelka AL Curaba Hotel, isaga oo lala mataanaynayo hotel ku yaalo magaalada Kabul. Hotelkaan ayaa noqon doono mid laga dhigo doono green zone hotel oo ah meel dadka shisheeyaha ama ajnabiga ah soo dagaan. Waxaa sidoo kale ku kulmay magaalada Nairobi saraakiisha shirkadda Magni international operation iyo Farmaajo. Kulankan oo uu qayb ka ahaa Xassan Cali Kheyre oo hadda ah Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya. Go’aanada ka soo baxay kulamadaas waxaa ka mid ahaa in garoonka Dayniile lagu wareejiyo shirkada iyo xaruntii hore ee lidka diyaaradaha, iyada oo goobtaas laga dhigayo xarunta la dagaalanka argagaxisada.
Waxaa kaloo la ballanqaaday in ciidan gaar ah loo dhisi doono magaalada Muqadishu kaasoo ay tababari donaan shirkadaha kor ku xusan. (Dhawaan ayey ahayd markii Ra’isal Wasaare Kheyre ku dhawaqaay dhismaha ciidan logu xasilinaayo magaalada Muqdisho).
Ciidankaas waxaa qarashkiisa bixinaaya shirkada MAGNI ee kor ku xusan waxaana la isticmaalayaa model kii horay loogu sameeyay Magaladda Kabul ee Afghanistaan. Qodobada kale waxa ka mid ah ahaa in la soo afjari doono qandaraaskii horay shirkaddo Soomali ah loogu siiyay ilaalinta badda Soomaaliya. Qandaraas cusubna la siin doono ACADEMI iyo MAGNI.
Si loo xaqiijiyo in uusan Hassan Sheikh iyo dowladiisa soo noqon qorshaha kor ku xusana u suura galo, waxaa Ambassador Jamal, Fahad Yasin iyo Thabid isku bahaysteen in dagaal lagu qaado Hassan Sheikh iyo dowladiisa laguna eedeeyo in ay tahay mid ka soo horjeedo danaha dowladaha qaarkood, haddii Hassan Sheikh soo noqdana dagaal sokeeye Soomaliya ka dhaci doono. Thabid iyo Ambassador Jamal waxaa ay isku dayeen in ay Fahad Yasin & nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdikarin M. Hiraabe Gaambe Visa – dal ku galka Maraykan ah looga qaado safaaradda Maraykanka si uu kulamadda uga qayb-gallo. Qoraallo ay is dhaafsadeen Jamal iyo Safaaradda USA ayaa Fahad Yasin loogu diiday visaha dal ku galka USA, isagoo la sheegay in uu ku jiro liiska NO FLIGHT LIST. Waxaase loo ogolaaday Gaambe iyadoo VISAHA Gaambe laga dhigay inuu ka qeyb galaayo shirka ganacsiga Africa (US AFRICA BUSINESS FORUM) ee lagu qabtay magaalada New York bishii September 21, 2016.
Dardar galinta burburinta dowladii hore, waxaa Thabid bilaabay in uu sameeyo isku xir shirkado Mareykan ah iyo raggii waday ololaha doorashada Farmaajo. Waxaa uu Thabit isku xiray Shirkad ah lobbiest oo lagu magacaabo Park Strategist uuna hoggaamiyo nin ka mid ahaan jiray aqalka wakiiladda ee Maraykanka mudane Alfonse Marcello "Al" D'Amato, iyo Cabdikariim Gaambe oo ka mid ah milkiilayaasha Hotel Jazeera, inta uu joogay shirkii Africa Business forum.
Fulinta barnaamijkaan waxaa qayb ka ahaa Safiir Jamal Maxamed, Fahad Yasin iyo Thabid Abdi, Xasan Cali Kheyre oo isagu la shaqeeynayay markaas Madaweyne Xassan Sheekh, si qarsoonna ula shaqeeynayay raga kor ku xusan, Mudane Xassan Khayre ayaa bixiyay lacag gaaraysa $200,000 labo boqol oo kun bilowgii ololaha doorashada ee Farmaajo.
Shir sadax geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah sirdoonka Kenya iyo kuwo Norway ayaa waxaa ka wada qayb galay, Gaambe, Fahad Yasin, Xassan Kheyre Safiir Jamal iyo Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire. Shirkaan wada jirka ah waxa uu ka dhacay Hotel-ka lagu magacaabo Hemingway’s oo ku yaalo duleedka magaalada Nairobi.
Waxaa nasiib xumo ah in madaxweyne Farmaajo uu adeegsado Thabid Cabdi Maxamed iyada oo lagu bur-burinayo dowladdnimada Soomaaliyeed. Magacaabista Thabid waxa ay u muuqata in loogu talagay in lagu fuliyo dano gaar ah laguna xaqiijiyo in dib loo soo celiyo lacagihii ku baxay doorashada. Deeq bixiyayaasha Soomaaliya (hay’ado iyo wadamaba) oo kulamo qaar ah la yeeshay madaxweyne Farmaajo ayaa uga digay magacaabista Thabid iyo dhibaatada ka imaan karto. Xiligaan ? La soco xogo xasaasiya oo la xiriira sirtaan ,qeybaha ugu xiisaha badan uga boggo qeybta 3-aad.
By Mohamed Hassan
Regional Leaders Set Conditions For Meeting Farmaajo Full Article
Xildhibaan Cabdi weli Maxamed Qanyare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Wadaadada ku fadwoonaya Xildhibaanada iyo Siyaasinta mucaaradka, isagoo oo tilmaamay in hadaan Siyaasada laga heshiin oo madaxda aqligooda soo noqon aay imaan karto Hurumar la,aan Amni xumo,laalush iyo is qabqabsi joogta taaso lagu maareyn karin siduu hadalka u dhigay wadaadada la soo kireestay ee beenta fadwooda. Full Article
horde Full Article
Waagacusub.net - Dowladda Federaalka Somalia ayaa qorsheysay in 2,000 (Laba kun) qofood oo u dhashay beelo cayiman lagu kordhiyo shaqaalaha Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Full Article
Daawo Video CCTV Fadeexadii doorashadii Gudoonka Wakiiladda Somaliland oo la helay Full Article
Waagacusub.net Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda Farmaajo ayaa boggeeda Internet-ka ku soo xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka iyo sharuudaha qofka shaqa doonka ee soo codsanaya jagooyinkaas ku dartay qabiilkiisa iyo jufadiisa hoose . Full Article
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Dowladda Uganda iney Ciidankooda jooga Somalia iska bixi karaan xilli kasta kadib markii uu Dowladda Ethiopia ka helay 50.000 oo ka tirsan Ciidanka Melleteriga dalkaas kuwaas oo caawa gaaray degaanka Leego ee gobolka Shabeeladda hoose ,sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom iyo maamulka Shabeeladda hoose. Full Article
Waagacusub.net - Xildhibaan Mustafe Dhuxuloow oo ka mida seddexda qof ee daaha gadaashiisa ka maamula Xafiiska Ra'isulwasaare Xasan Kheyre ayaa safar degdega ugu baxay dalka Emirate-ka Carabta kadib markii sida la xaqiijiyay uu ku guuleeystay fashilinta Xukumadda Ra'isulwasaare Kheyre. Full Article
Waagacusub.net - Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi oo Muqdisho looga bixiyay Taabit Gorgoro ayaa fadeexadii afaarad wajahay kadib markii uu ku hungoobay ,oo shaqeeyn waayey amar uu ku mamnuucay in shacabka lacag ku galaan Beerta loo dalxiis tago ee Beerta Nabadda Muqdisho. Full Article
Ugu horeyn Alle ha u naxariisto Siraaji. Waxanan halkan ku cadeynayaa in aan ka xumaaday dhacdadaa lagu waayey wiilka da'da yaraa ee mustaqbalka fiican lahaa. Full Article
Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud and Jubaland leader Ahmed Madobe, previously allies in the nation's political landscape, now find themselves on the brink of war after a divisive National Consultative Council meeting revealed profound rifts, prompting both sides to mobilize for a possible showdown.
In July 2009, Mahad Ibrahim Hamarow kidnapped French officers Denis Allex and another officer who escaped from the Sahafi Hotel in Mogadishu and then joined Al Shabaab. In the same year, he fled to Kenya, this was confirmed by Hizbul Islam Spokesman Mr Aydarus. - In 2010, Mahad Hamarow went to South Africa for migration, that's how we found out in the investigation, we were also told by Mohamed Isse and his brother Somaney who lives in Johannesburg South Africa.
President HSM's Proclamation to Defeat Al-Shabab by Force in Somalia To overcome the complex problems of civil war, state fragility, and underdevelopment, the Somali people supported risky political changes for a government that promotes freedom, justice, peace, and prosperity in Somalia. For example, the Islamic movements enjoyed popular support to end the brutal reigns of warlords and the military occupation of Ethiopia and establish new government.
Waagacusub.net -Auditor General Mohamed Ali alias Afgoi has exposed missing millions of dollars from key departments within the Federal Government of Somalia [FGS], in what could raise questions about government expenditures. In his report, Afgoi said 25 entities and three embassies have been audited. Unsupported expenditure amounts to $9M; contracts worth $31M not registered with auditor general's office, the existence of unauthorized bank accounts outside the Treasury Single Account.
Waagacusub.net - IBS Bank Somalia, which is believed to have the largest amount of money, Al-Qaeda Finance Secretary Fazul Abdallah from Comoros has started issuing Visa Card Payments for the first time. Al-Shabaab's finance secretary confirmed that Mohamed Ali Warsame had $ 157 million in cash, according to Khalif Ereg, who was later bribed with $ 2 million.
Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud and Jubaland leader Ahmed Madobe, previously allies in the nation's political landscape, now find themselves on the brink of war after a divisive National Consultative Council meeting revealed profound rifts, prompting both sides to mobilize for a possible showdown. Full Article
In July 2009, Mahad Ibrahim Hamarow kidnapped French officers Denis Allex and another officer who escaped from the Sahafi Hotel in Mogadishu and then joined Al Shabaab. In the same year, he fled to Kenya, this was confirmed by Hizbul Islam Spokesman Mr Aydarus. - In 2010, Mahad Hamarow went to South Africa for migration, that's how we found out in the investigation, we were also told by Mohamed Isse and his brother Somaney who lives in Johannesburg South Africa. Full Article
Galmudug State is not just the geographic heart of Somalia but the quintessential soul of the Somali nation. Within Galmudug, all the major Somali clan lineages- the Hawiye, Dir, Darood and Madhibaan are represented. No other Somali region or state is home to such diverse and influential clans with such extensive historical significance in Somalia as found in the Galmudug territory. Economically, Galmudug in 2024 is set to be the first location for the offshore oil and gas that the Somali Federal Government in partnership with the Houston-based American company, Coastline Exploration have commenced work on off the Hobyo coast since 2021. Full Article
Waagacusub.net - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday mourned the death of Namibia President Hage G. Geingob and sent condolences to the government of the African country. Full Article
Waagacusub.net - Somalia's former President Mohamed Abdullahi Farmajo on Monday warned of the risk of political crisis over plans by the incumbent President Hassan Sheikh Mohamud to overhaul the constitution. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
SIRCULUS: Qeybta 2-aad Jaajuusnimada iyo qiyaanadii uu xilka ku helay Taabit Cabdi iyo sida loo qiyaanay Farmaajo
Thabid Cabdi oo isticmaalayo tasiilaadka safaaradda waxa uu hoos ka bilaabay in uu xiriir toos ah la sameeyo hay'ado iyo shaqsiyaad Maraykan ah oo uu ku qancinayo in mudane Xassan Shiikh uu yahay qof aan lagu sii aamini karin mas'uuliyadda