HEADLINES:

[Gurmad:] Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo

0
Saturday August 06, 2016 - 13:23:46 in Articles by Super Admin
  • Visits: 3376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Gurmad:] Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo

    Maquunsiga iyo isku koobka awoodda siyaasadeed iyo in laga baaqsaday dhismaha hay'adihii dastuurku xusay ayaa keenay in hay'adihii dowladda iyo hantidii shacabku ay noqdaan kuwo uu madaxweynaha xilka hayaa u adeegsado ololihiisa doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maquunsiga iyo isku koobka awoodda siyaasadeed iyo in laga baaqsaday dhismaha hay'adihii dastuurku xusay ayaa keenay in hay'adihii dowladda iyo hantidii shacabku ay noqdaan kuwo uu madaxweynaha xilka hayaa u adeegsado ololihiisa doorashada si uu u soo noqdo. Dadka haatan talada haya ayaa ku tiirsan qaraaba-kiilka madaxweynaha iyo cabburinta codka shacabka. Si looga hortago cid kale in ay xilka hawaysato, waxaa la abuuray dad badan oo ku naaxay sharci darrada iyo boobka awoodda dalka.

Gurmad: Soomaaliya waa in ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo

 

Hordhac:

 

Dalka Soomaaliya waxaa ku soo fool leh "doorashooyin” baarlamaan iyo madaxtinimo kuwaas oo ay hor yaallaan caqabado waaweyn oo keeni kara in natiijadu noqon weydo mid la wada aqbalo oo xalaal ah. Hay’adihii dowladda oo taag yar, xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa, iyo kala qaybsanaan siyaasadeed ayaa soo shaac baxay xilliga kala guurka; doorashaduna waa suuragal in ay uga sii darto. Sharciyadda dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa ku eg muddo ay toddobaadyo un naga xigaan oo ah bishan Agoosto iyo Sebteembar 2016 siday u kala horreeyaan ah, iyada oo ay Soomaaliya soo food-saarayaan qalalaase dastuuri ah iyo dowlad la’aan.

 

Waxaa ku jira mugdi aan la inkiri karin xilliga iyo habraaca ay doorashadu u dhacayso; waxaana jira caqabado tiro badan oo sharciga iyo dastuurka ah oo ku hareersan doorashada 2016. Doorashada madaxweynaha ayaa waxaa si gaar ah uga muuqda marooqsi iyo boob awoodeed taas oo danta shakhsiga ka hormarisay danta dalka. Sanadkii tagay, xiriirka xumaaday ee ka dhexeeya laamaha dowladda waxaa caddayn u ahaa in la iska indha tiray awoodda sharci iyo jiritaanka baarlamaanka iyada oo awooddaas si sharci darro ah ay ula wareegtay Madasha Hoggaanka Qaranka iyada oo aan la marin habraac sharci ah lagana talagelin dhinacyada siyaasadda. Maaddaama uusan jirin garsoor dastuuri ah waxaa soo if baxay jahwareer siyaasadeed oo baahsan.

 

Maquunsiga iyo isku koobka awoodda siyaasadeed iyo in laga baaqsaday dhismaha hay’adihii dastuurku xusay ayaa keenay in hay’adihii dowladda iyo hantidii shacabku ay noqdaan kuwo uu madaxweynaha xilka hayaa u adeegsado ololihiisa doorashada si uu u soo noqdo. Dadka haatan talada haya ayaa ku tiirsan qaraaba-kiilka madaxweynaha iyo cabburinta codka shacabka. Si looga hortago cid kale in ay xilka hawaysato, waxaa la abuuray dad badan oo ku naaxay sharci darrada iyo boobka awoodda dalka.

 

Maaddaama ay Soomaaliya caadi  ka noqotay in faragelin iyo cadaadis la isku sameeyo, waxaa waajib ah in xilliga doorashada laga feejignaado magacaabista xilalka dowladda iyo boobka hantida qaranka si olole doorasho loogu galo. Sidaas awgeed, si looga hortago marooqsiga hannaanka doorashada loona baajiyo in dadka xilalka haya ee fashilmay ay helaan muddo kororsi aan sharci iyo caqli midna ku dhisnayn, Gurmad iyo murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Maxamed waxay soo jeedinayaan talooyinkan ku saabsan doorashada 2016:

1.     Jadwalka Doorashada: Jadwal doorasho oo faahfaahsan waqti cadna leh waa in si degdeg ah loogu soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed. Haatan ma jiro waqti la isku hubo oo la qabanayo doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada. Waa in la helo go’aan la isku waafaqsan yahay oo qorshihiisa wata si looga baaqsado in kuwa xilka haya iyaga oo dano gurracan leh ay musuqmaasuqaan doorashada ama sida ay wararka qaar sheegayaan raadiyaan in ay si sharci darro ah dib ugu dhigaan xilliga doorashada.

2.     Hantida Dowladda: Hay’adaha dowladdu aanay qayb ku yeelan ololaha doorashada ee murashax gaar ah oo aanay cidna si gaar ah uga oggolaan in ay adeegsato hantida dadweynaha si ka duwan sida tartamayaasha kale loo oggol yahay. Sidoo kale, waa in aan qof murashax ah, siiba madaxweynaha xilka sii haya, loo oggolaan u adeegsiga hantida dowladda arrimaha doorashada si ka duwan sida loo oggol yahay tartamayaasha kale.

3.     Beesha Caalamka iyo AMISOM: Beesha caalamka iyo AMISOM waa in ay qaadaan tallaabo walba oo lagu abuurayo jawi ay u siman yihiin murashaxiinta iyo ururrada siyaasadda. Sidoo kale, waa in dedaal dheeri ah la geliyo xaqiijinta in aan lacag iyo hanti shisheeye iyo musuqmaasuq loo adeegsan doorashada si loogu daneeyo qof gaar ah.

4.     Korjoogto: Korjoogto doorasho oo caalami ah waa in ay joogaan dhammaan goobaha codbixinta si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada isla markaasna la diyaariyo hannaan lagu joojinayo kala iibsiga codka, cagajugleynta, horjoogsiga, iyo musuqmaasuqa doorashada nooc walba oo uu ahaado.

Gurmad iyo murashaxa madaxtinimo Dr. Cabdinaasir Maxamed waxay adkaynayaan in nidaamka doorashada uu ku tiirsanyahay jawiga doorashada lagu qabanayo iyo hay’adaha doorashada ee hannaanka dhowraya. Sidaas awgeed, waqti olole oo caddaalad ah, hab dhaqanka maalmaha doorashada, iyo tirinta iyo hubinta codbixinta ayaa laf dhabar u ah xalaalnimada doorashada soo socota. Gabagabadii, Gurmad waxay adkaynayaan in si loo kasbado kalsoonida shacabka Soomaaliyeed loo baahan yahay in doorashada 2016 loo qabto hab farsamo sare leh, caddaalad lagu maamulo, iyada oo ay la soconayaan oo kormeerayaan korjoogto dhexdhexaad ah.

 

Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir Gurmad: [email protected] ama booqo: www.gurmadforsomalia.com.

Share on Social Media

DEG DEG DHAGEYSO: XILDHIBAANO LAGU XIRAY BAYDHABO IYO XIISAD AAD U KACSAN OO LAGA DAREEMAYO?

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku Xayirey Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed kuwaasi oo ka Tagay Magaalada Muqdisho. Full Article

 

[Topnews:-] Magacyadda Maxaabiista Ethiopia ku wareejisay Kheyre oo si sharciya u dhameeystay Xabsiyadii lagu xukumay ?

Dawladda Itoobiya ayaa ku wareejinaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre Maxaabiis Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 120 Maxbuus, kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala Dalkeeda, loona haystay Dambiyo ay ka mid yihiin Aragixisanimo. Full Article

 

MUDANE MADAXWEYNE SOOMAALIYA XAGEE U SOCOTAA?! Maqaal uu qoray Xildhibaan caana

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas'uuliyada uhayeen. Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Doorashadii Madaxweynaha, Magacaabistii Ra'iisul Wasaaraha iyo Dhismihii Xukuumada. Kalsoonidaas oo hadii aan la'dabo qaban ay suurtogal tahay in ay noqoto LA MOOD NOQONSE WEYDAY! Full Article

 

Lacago lagu lunsaday Wasaarada Shaqada oo Musuq Maasuq hareeyay

Wasaaracda shaqada ee dowlada federaalka ayaa noqotay meel uu hareeyay musuq maasuq ba'an. Tan iyo markii uu yimid Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa soo wajahay wasaarada jahawareer dhaqaale iyo xatooyo lacageed. Full Article

 

Daawo SirCulus Jeneral Isaaqa oo lagu helay inuu Al-Shabaab yahay ?

Waagacusub.net - Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleeystay inuu toogasho ku dilo laba Sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsan xilli ay qorsheeynayeen iney hoobiyeyaal ku garaacaan Garoonka Muqdisho iyo Xarunta Xalane,sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha NISA. Full Article

 

[Daawo] isfaham waaga Somalida oo lagu cabiray sheeko filim qosol badan

Daawo isfaham waaga Somalida oo lagu cabiray sheeko filim qosol badan Full Article

 

[Daawo] heestii ugu shidneed Xamar lagu duubay

Daawo heestii ugu shidneed Xamar lagu duubay Full Article

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


EU Deepens Greenland Ties With €200 Million Strategic Investment

The European Union is dramatically expanding its economic and strategic engagement with Greenland, committing another €200 million as the Arctic island becomes an increasingly important arena of competition over security, critical minerals, infrastructure and geopolitical influence.

EXCLUSIVE: Sharma Boy Under Scrutiny Over U.S. Blackmail Allegations as Past Cases Resurface

MOGADISHU / MINNEAPOLIS — Somali rapper Sharmarke Abdinasir Mohamed, widely known as Sharma Boy, is facing renewed scrutiny following allegations that he used threats, blackmail and sustained pressure to obtain thousands of dollars from a Somali-American woman in the United States.

Somalia Faces Growing Fears of Militarization as Political Crisis Deepens

MOGADISHU — Concerns are growing among Somali intellectuals, civil society organizations, retired military officers, and democracy advocates that Somalia is entering a dangerous period of political instability marked by increasing militarization and shrinking space for democratic participation. The concerns come amid escalating confrontations in Mogadishu and reports of civilian casualties, displacement, and destruction resulting from recent clashes between government forces and opposition-aligned groups.

Somali Investigative Journalist Dahir Alasow Named Humanitarian of the Year 2026

Prominent Somali investigative journalist and philanthropist Dahir Abdulle Alasow has been honored with the prestigious Humanitarian of the Year 2026 Award, recognizing his growing humanitarian impact through the international charity organization Alasow Foundation.

Mass Evictions and Political Tensions Push Somalia Deeper Into Crisis

Somalia is facing a deepening humanitarian and political crisis following widespread forced evictions, deadly security operations, and escalating tensions between the federal government and opposition groups.

EU Deepens Greenland Ties With €200 Million Strategic Investment

The European Union is dramatically expanding its economic and strategic engagement with Greenland, committing another €200 million as the Arctic island becomes an increasingly important arena of competition over security, critical minerals, infrastructure and geopolitical influence. Full Article

 

Hungary Turns on Moscow, Expels 10 Russian Diplomats

Hungary has ordered 10 Russian diplomats to leave the country over activities Budapest says were incompatible with their diplomatic status, triggering an angry response from Moscow and marking one of the clearest signs yet of Hungary's dramatic foreign-policy realignment. Full Article

 

Historic AfD Victory Rocks Germany and Deepens Merz's Political Crisis

BERLIN — September 8, 2026 — Germany has entered a new period of political uncertainty after the far-right Alternative for Germany, AfD, scored a historic landslide victory in Saxony-Anhalt, dealing a severe blow to Chancellor Friedrich Merz and his governing coalition. Full Article

 

EXCLUSIVE: Sharma Boy Under Scrutiny Over U.S. Blackmail Allegations as Past Cases Resurface

MOGADISHU / MINNEAPOLIS — Somali rapper Sharmarke Abdinasir Mohamed, widely known as Sharma Boy, is facing renewed scrutiny following allegations that he used threats, blackmail and sustained pressure to obtain thousands of dollars from a Somali-American woman in the United States. Full Article

 

Somalia Faces Growing Fears of Militarization as Political Crisis Deepens

MOGADISHU — Concerns are growing among Somali intellectuals, civil society organizations, retired military officers, and democracy advocates that Somalia is entering a dangerous period of political instability marked by increasing militarization and shrinking space for democratic participation. The concerns come amid escalating confrontations in Mogadishu and reports of civilian casualties, displacement, and destruction resulting from recent clashes between government forces and opposition-aligned groups. Full Article

 

Hormuud telecom and Al-Shabaab's Strategy of Destroying Mobile Communication Masts

Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article

 

Former Intel official stripped from NISA membership

Former Intel official stripped from NISA membership Full Article

 

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS.

PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article

 

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights

Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article

 

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa

Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article