
Waxa igu abuuray inaan maqaalkaan soo qoro, kadib markii aan arkay guuxa baaxadda leh ee ay qabaan Dadka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii ay filayeen iyo si-u-dhow midna inaysan wax u soconin. Kadib markii aan yaqiinsaday in Madaxweynaha iyo qoloda ku xeeran aysan dareensaneyn in ay jiraanba wax qaldan. Anigoo ka duulaya qaladaad dhowr ah oo horay usoo dhacay ayna suuragal tahay hadii laga aamuso in ay Soomaaliya ku dhacdo mar labaad godkii mugdiga ahaa ee ay ku dhacday 27 sano kahor.
Sidaas daraadeed, aniga oo ka duulaya arimaha aan soo sheegay ayaa waxaan go'aansaday inaan idinla wadaago qoraalkaan aan ku cabirayo dareenkeyga iyo midka malaayiin Soomaali ah ee aaminsan in Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo uusan ka dhabeynin balanqaadyadii uu kahor jeediyay Shacabka Soomaaliyeed. Aniga oo aaminsan in aysan jirin niyad xumi Madaxweynaha dhankiisa ah ayaa hadana waxaan aaminsanahay qaladaadka jira in ay sabab u yihiin dhowr arimood oo isbiirsaday, sida:
1. Madaxweynaha oo shaqadu ku culustahay, walina aad moodo inuu ku gudo jiro ololihii doorashada ee soo dhamaaday 8 Feebaraayo 2017, walina uusan usoo jeesan meel marinta balan qaadyadii lagu doortay. Madaxweynaha oo aan wali helin dad ehel u ah oo warbixin ka siiya waxa dalka kajira, talooyin wax ku'ool ahna siiya. Taasoo sida muuqata iskaba daay waxa Dalka kajiree xitaa ay kari waayeen saaxiibadiis in ay warbixino waafi ah ka siiyaan waxa xaafiiskiisa ka-dhex-jira. Tusaale hadaan usoo qaato:
- Wareysi uu la yeeshay horaantii asbuucii tagay Madaxweynaha wargeyska Sharq-Alawsat ee London ka soo baxa ee afka Carabiga lagu qoro, ayaa waxaa la su'aalay Madaxweynaha: Markii aad Mareykanka joogtay mushaarkaaga waxa uu ahaa $84,000 sanadkii, hadda oo aad tahay madaxweynaha Soomaaliya mushaarkaaga muxuu la egyahay? Madaxweynuhu waxa uu ku jawaabay: Ilaa markii la i doortay ilaa hadda, wax mushaar ah ma qaadan oo malihi, dowladda ayaa go’aansan doonto in ay ii qoondeyso mushaar madaxeed laakiin, intuu la ekaan doono ma garanayo.
- Hadaba si aad u ogaatid aqristow jawaabta saxda ah. Miisaaniyada Xaafiiska Madaxweynaha waa 4milyan iyo dhowr boqol kun oo dollar. Mushaarkiisuna waa $96,000 dollar sanadkii. Afartii sano ee la soo dhaafayna isla sidaas uyuu u qornaa. Barlamaanka hada jirana si KMG ah ayuu u ansixiyay bishii April ee isla sanadkaan inta Miisaaniyad cusub laga sameynayo. Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha Qaranka uusan ogeyn miisaaniyada Xaafiiskiisa iyo mushaarkiisa inta uu yahay oo ku qorneed miisaaniyada Dowlada afartii sano ee lasoo dhaafay! Waa suurtogal Madaxweynuhu inuusan baahi u qabin mushaar! Laakiin danta Dalka iyo Dadka ayaa kujirta inuu ogaado qof waliba waxa uu Qaranka ku leeyahay ee xuquuq ah oo isagu ugu horeeyo si waajibaadka saarana lagula xisaabtamo!
2. Dabci ka sameysan degdeg oo ku badan hab dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha, taasoo ah wax ku cusub masraxa siyaasada Soomaaliya. Degdegaas oo mararka qaar u horseedaya inuu qaato go'aamo aan laga fiirsan. Kuwaas oo keeni kara xasilooni daro Amni iyo mid Siyaasadeed oo Dalka u horseeda burbur horleh meeshii laga sugayay deganaansho Siyaasadeed iyo horumar lagu diirsado. Tusaale hadaan usoo qaato:
- Madaxweynuhu waxa uu baalmaray Qaraarkii Golaha Shacabka soo saaray 30 April 2017 ee ku saabsanaa dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Isagoo qaatay go'aamadii kasoo baxay shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweyne yaasha Dowlad Goboleedyada ee Muqdisho lagu qabtay 16 April 2017. Shirkaas oo Golaha Shacabka dhaliil aad u xoogan ugu soo jeediyeen Madaxdii go'aankaas gaartay. Kuna sheegeen go'aamadaas kuwa ay soo gaareen Dowlado Shisheeye laguna xalaaleysanayo gacmo Soomaaliyeed. Kadibna Madaxweynuhu waxa uu geeyay go'aamadaas Shirkii London si Beesha Caalamka oo markii hore lahayd soo jeedinta go'aamadaas markale looga meelmariyo. Bilaabayna dhaqan gelinta go'aamadaas isagoo og in uu jiro Qaraar Baarlamaani ah oo arintaas kahor imaanaya. Taasoo meesha ka saareysa doorkii Barlamaanka ee kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay'adaha Dowlada. Si cadna waxa uu ugu tumanayaa Madaxweynuhu Qaraar Dastuuri ah oo kasoo baxay Hay'adii Dalka ugu sareysay ee kalsoonideeda uu kursiga Madaxweyne nimo kula fadhiyo.
- Sida Madaxweynuhu dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay Dalka Sacuudiga inuu u balan qaaday Soomaaliya taageero maaliyadeed oo gaaraysa 4bilyan dollar, ayna Dalka ka fulin doonaan mashaariic dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin: dib u dhiska ciidanka, la dagaallanka argagixisada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabka miisaaniyadda Dowlada oo loo balan qaaday 50 milyan oo deg deg ah in qasnada Dowlada lagu soo shubi doono. Waxaa intaas dheer oo Madaxweyne Farmaajo ku sheegay wareysigii wargeyska Sharq-Alawsat uu siiyay in markii uu la hadlayay Boqorka Sacuudiga, uu dareemay inuu yahay walaalka weyn Soomaaliya oo diyaar u ah inuu caawiyo. Waxa uuna sheegay in ammaanka boqortooyada uu ku xiran yahay ammaanka Soomaaliya oo aanan aqbaleynin in la xumeeyo. Hadaba aqristow maxaa dhacay?
- Maalin dhaweyd waxaa magaalada Muqdisho yimid La'taliyaha Boqorka Sacuudiga si Soomaaliya ay u taageerto mowqifka Sacuudigu ka qaadatey dalka Qadar. Kadibna Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay Soomaali dhex-dhexaad ka noqonayso khilaafka Sacuudiga kala dhaxeeya Qadar. Mowqifkaas oo la mid ah midkii Iran ay ka qaadatay go'doominta dalka Qadar. Marka la fiiriyo go'aanka Dowlad Soomaaliya qaatay waxa ay martay dhanka xulafada Qadar. Waxaase intaas ka daran wafdigii loo deyriyay ee Sacuudiga ka socday diyaaradii ay wateen inay horay usii raacaan 6 Wasiir oo Xukuumada Soomaaliya katirsan oo doonaya lacagtii la balan qaaday iyo mashaariic kale ee Sacuudigu balan qaaday inay Soomaaliya ka hirgelinayso. Markii wafdigii Soomaalida tageena waxaa loo soo diray agaasimeyaal. Waxaana lagu wargeliyay hadii ay lacag rabaan inay mowqifkooda badalaan, taageeraana xulafada Sacuudigu hugaaminayo! Sacuudigu waa Dal dhaqaale ahaan ay Soomaaliya ku xirantahay, sanadkii 2015 waxaa Soomaaliya Dalka Sacuudiga u iib geysay 5million neef oo xoolo ah. Mana jiro Dal Carbeed oo xiriir ganacsi oo intaas la'eg Soomaaliga kala dhaxeeyo. Carqalad ku timaada xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudigana waxay taabaneysaa nolosha muwaadinka Soomaaliga ah ee reer guuraaga ah.
- Waxaa xusid mudan afartii sano ee la soo dhaafay Dowlada Qadar Safiir uma soo magacaabin dalka Soomaliya ilaa hadana waxaa u jooga wakiil (Charge de affair). Dowladda Soomaaliya waxay siisay DHUL muhiim ah oo ku yaal Faras magaalaha Muqdisho si ay uga dhisato Safaarad ilaa hadana dhagax lama dhigin! Inkasta oo Dowladihii isxigxigay ee Soomaaliya ay Qadar weydiisteen kaalmo dib u dhis, madax badanina ay booqdeen, haddane mashruuc lataaban karo oo ay Qadar ka fulisay Dalka ma jiro. Halka Dowlada Imaaraadka oo dal ahaan ay isku dhigmaan Qadar, Safaarad ku leedahay Soomaaliya, Safiir rasmi ahna u joogo, Dalkana ay ka fulisay mashaariic waaweyn oo la taaban karo sida Isbitaalka Shiikh Zaayid, Xarunta Tababarka Ciidamada, Xarummo Waxbarasho iyo kuwa Maamul oo ay ka dhiseen Gobollo kala duwan ee Dalka.
- Go'aamada nuucaan oo kale ah waxay u baahnaayeen qiimayn iyo aragti fog ee uma baahneed go'aan aan laga fiirsan oo Dal iyo Dad midina aysan dani ugu jirin. SIYAASADDU WAA KA SHAQEYNTA DANAHA DALKA IYO DADKA EE MA AHAN DANAHA DALAL KALE AMA DANAHA SHAQSIYAAD GAAR AH!
3. Siyaasiinta ku xeeran Madaxweynaha oo aan ogeyn amaba aan dan ka laheyn caqabadaha baaxada leh ee Soomaaliya ku horgudban iyo shaqada laga sugayo, una arka fursada kaliya ee ay xukunka kusii joogi karaan kasoo muuqashada Warbaahinta, abuurista propaganda iyo iidhehyo wax micno ah oo ay sameynayaan aysan jirin oo aan ka ahayn hantidii Umadda inlagu dhumiyo. Tusaale ahaan:
- Wasiiro, Agaasime yaal, Gudoomiye yaal Degmo inta loo yeero Warbaahinta inla yiraahdo igu sawira! Farshaxano inta la kireysto cartoons nalugu amaanayo dad siyaasiin ahna lagu ceynayo noo soo sameeya la yiraahdo!
- Intaas waxaa sii dheer oo Dalka horay aan uga dhicin ayaa ah: in dadka qabiil qabiil iyo jufo jufo la isku diro. Ajaanibtana inta loo dhuunto lala xanto mas'uuliyiin dalkaan xil kasoo qabtay ama kuwa hada haya. Laguna dacweeyo oo la yiraahdo u yeera ee handada si aysan noogu mashquulin!
Ugu danbeyntii Mudane Madaxweyne xiligii ololaha doorashada waa dhamaaday, waxqabad dhab ah ayaana lagaa sugayaa. Umadda Soomaaliyeedna khilaaf cusub iyo dib udhac waa kasoo daashay, waxa aan soo sheegay oo dhan waxaan uga gol leeyahay inaan ku dareensiino inay jiraan wax qaldan sixidna ubaahan. Gacmo na wadajir ayay wax ku qabtaan. Sidii shalay aan kuu taageernay ayaan kuu taageersanahay maanta ee hala saxo waxa qaldan. Mahadsanid.
Xildhibaan: Mahad Salad
Xildhibaan Cabdi weli Maxamed Qanyare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Wadaadada ku fadwoonaya Xildhibaanada iyo Siyaasinta mucaaradka, isagoo oo tilmaamay in hadaan Siyaasada laga heshiin oo madaxda aqligooda soo noqon aay imaan karto Hurumar la,aan Amni xumo,laalush iyo is qabqabsi joogta taaso lagu maareyn karin siduu hadalka u dhigay wadaadada la soo kireestay ee beenta fadwooda. Full Article
Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku Xayirey Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed kuwaasi oo ka Tagay Magaalada Muqdisho. Full Article
Mudaneyaal ka kala tirsan Baarlamanka Fedaraalka Somalia Iyo Maamulka Galmudug Kuna heyb ah ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Olole logu mucaaradayo Xukumadiisa. Full Article
Waagacusub.net - Xildhibaan Mustafe Dhuxuloow oo ka mida seddexda qof ee daaha gadaashiisa ka maamula Xafiiska Ra'isulwasaare Xasan Kheyre ayaa safar degdega ugu baxay dalka Emirate-ka Carabta kadib markii sida la xaqiijiyay uu ku guuleeystay fashilinta Xukumadda Ra'isulwasaare Kheyre. Full Article
DALKAAN LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED! Full Article
Ugu horeyn Alle ha u naxariisto Siraaji. Waxanan halkan ku cadeynayaa in aan ka xumaaday dhacdadaa lagu waayey wiilka da'da yaraa ee mustaqbalka fiican lahaa. Full Article
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somalia ee NISA Iyo Amniyaat-ka Al-Shabaab ayaa si wadajira ugu xog waramay in Xildhibaan Abtidoon Yare abaabulay dilkii lagu khaarijiyay Nabadoonka beesha Reer Faarax Rooble, Saleebaan Habargidir Shire Jimcale Aakhiro oo 13 April 2017 lagu dilay Xaafadda Labadhagax ee Degmadda Wardhiigleey Muqdisho. Full Article
Warbaahinta madaxabanaan ee ka hoowlgasha gudaha Somalia iyo qaar ka mida Website-yadda Afka dheer ee Somalida ayaa bil walba waxeey Dowladda Somalia ka qaadan doonaan lacag Laaluush ah. Full Article
Qoraalo ay sameeyeen dad caan dunidan ka ah laakiin aan Muslim ahayn ayaa waxay qirayaan in qofki ugu saameynta badnaa uguna waynaa xaga Caqliga, Maskaxda, Hogaaminta iyo Akhlaaqdaba uu ahaa Nabbi Muxamed ( SCW ) waxaana raggaas ay kala yahiin kuwan. Full Article
Xalay waxaan si toos ah u daawanayey khudbad Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu u jeedinayey Soomaalida ku dhaqan Nairobi. Full Article
Washington – U.S. President Donald Trump has announced the immediate cancellation of deportation protections for Somali nationals living in the state of Minnesota, sending shockwaves through one of the largest Somali diaspora communities in the world. In a strongly worded post shared online, President Trump stated: "Somali gangs are terrorizing the people of that great State, and BILLIONS of Dollars are missing. Send them back to where they came from. It's OVER!" The message has triggered widespread fear among Somali immigrants and families in Minnesota, many of whom have lived in the United States for decades and built stable communities.
By Dahir Abdulle Alasow – Investigative Sports Journalist Amsterdam – 18 November 2025 =The Dutch national football team is celebrating a historic achievement after officially qualifying for the FIFA World Cup 2026 with a dominant 4–0 victory over Lithuania in Amsterdam on Monday night.
Addis Ababa, Ethiopia – In a move highlighting Ethiopia's growing focus on Gulf partnerships, Prime Minister Abiy Ahmed has appointed Ambassador Jamal Bakar, a senior diplomat from the Somali Regional State, as the country's new Ambassador to the United Arab Emirates (UAE).
By Dahir Alasow – Investigative Journalist, Waagacusub Media Mogadishu | Waagacusub.net | November 2025 A new political alliance is taking shape in Somalia as nine influential political figures — drawn from different parties, civic movements, and government backgrounds — have united under one banner known as the Union for National Dignity (Midowga Haybad Qaran). The coalition, announced through a joint press statement in Mogadishu, aims to create a unified political front capable of "restoring national cohesion, governance integrity, and public confidence in Somalia's democracy."
Tensions, celebrations, and disappointment have swept across Somali social media circles following the fiercely contested Minneapolis mayoral election, where the race took on deep clan and community undertones among the city's large Somali diaspora.
Waagacusub.net – An Israeli military officer identified as Thomas Adzegaouskas, who reportedly took his own life last week, left behind a disturbing suicide note describing severe psychological trauma he claims began after the events of October 7th, 2023, according to Israel's Haaretz newspaper. Full Article
Somalia's Foreign Minister Abdisalam Omer Dhaay has quickly become one of the most promising and effective young diplomats to emerge in recent years. In a political landscape too often dominated by internal disputes and inconsistent foreign policy, Dhaay stands out for his professionalism, clarity, and modern diplomatic approach. Full Article
Waagacusub.net - Somali-British boxing champion Ramla Ali has revealed that the United States government denied her entry into the country, preventing her from participating in a major match scheduled for 19 December. Full Article
Waagacusub.net - The security landscape of the Horn of Africa has entered a new and alarming chapter after the government of Israel — for the first time in history — publicly pointed to Somalia as a "growing strategic threat" to its national security. Full Article
Mogadishu — The Alasow Foundation has delivered emergency food aid to 100 vulnerable families in the Somali capital, strengthening ongoing efforts to support low-income households struggling with rising living costs. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
MUDANE MADAXWEYNE SOOMAALIYA XAGEE U SOCOTAA?! Maqaal uu qoray Xildhibaan caana
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa maqaal aan ugu talo galay inaan ku iftiimiyo qayb kamid ah qaladaadka joogtada ah ee qaar kamid ah Madaxda Qaranku ka galayaan Dalkii iyo Dadkii ay mas'uuliyada uhayeen. Si loo saxo, Dowladuna aysan dhumin