
Siyaasiyiin sare oo Ruush ah ayaa sheegaya in ay soo gaartay digniin culus oo ka timid Madaxweynahooda Vladimir Putin, saxaafadda gudaha ayaa laga helay xogtan.
Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiye Putin uu baajiyay booqasho uu ku teggi lahaa Faransiiska, kadib markii xukuumadda Paris ay dalbatay in laga wada-hadlo xaaladda Siiriya, iyadoo dhowr maalin uun ka hor uu Ruushka xaduudda Poland u daad-gurreeyay gantaallada xambaarra hubka wax gumaada ee nuclear-ka.
Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii hore ee midowga Soviet, ayaa ka digay in lugaha lala gelli doono halis aan laga soo kabsanin haddii uu sidan ku sii socdo xiriirka xumaaday ee ka dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.
War-sidaha reer Ruush ee Znak,ayaa baahiyay in dhammaan shaqaallaha dowladda loogu baaqay inay ka soo guuraan dalalka shisheeye,iyagoo xitaa iskuullada ka soo wadanaya carruurta yar yar.
Stanislav Belkovsky oo ah khabiir aad u fallanqeeya siyaasadda Ruushka ayaa aaminsan in qarka loo saaran yahay dagaalkii 3-aad ee dunida.
Dowladaha reer galbeedka oo is-kaashanaya ayaa diidan taageerada ciidan ee uu Ruushka siinayo hoggaamiyaha Siiriya Bishaar Al-asad, kasoo dagaal sanado badan qaatay kula jiro dhowr koox oo kala mabda' ah balse ku mideysan inay xilka ka tuuraan isaga.
Koox walba oo Siiriya ka daggalanta oo uu xitaa ku jiro Ruushka ayaa la tilmaamay inay si arxan darro u beegsanayaan dadka shacabka.
Ciidan iyo hub nuuc walbo ah oo ay ku jiraan gantaallo awood u leh inay dhulka soo dhiggaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayuu maamulka Putin geeyay Siiriya.
Xukuumadda Kremlin ayaa dhowr iyo toban sano kadib ka baxday heshiiska dhimidda keydka hubka sare ee plutonium,kasoo ay horey ula gashay dhiggeeda Washington.
Saraakiisha difaaca ee Mareykanka ayaa ugu duur-xulay Ruushka in ay dhulka la simi doonaan cadawgooda oo sida ay sheegeen qaska ka wada caalamka.
Laakiin Ruushka oo markiisa jabaawaya ayaa ku dhaartay inuu dhulka soo dhiggi doono haddii diyaaradaha mareykanku ay amar la'aantiisa soo gallaan hawada Siiriya ee uu haddaba la sii wareeggayo maamulkeeda.
Mareykanka oo adeegsanaya dowladaha kale ee reer galbeedka iyo xulafaddiisa ayaa daaqadaha ka soo xer-xeray Ruushka, xitaa gollaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa laga dhaleeceeyay hab-dhaqanka Putin.
Shaki kuma jiro, in Ruushka uu si weyn uga tabaabusheystay dagaal lagu hoobto oo ka dhaca Caalamka,waayo ma heysto waddo kale,sababtoo ah inta badan ganacsiga iyo xiriirradii siyaasadeed ayaa laga soo xer-xeray.
Dad badan ayaa riyo-maalmeed u arka in xilligan uu dhici karo dagaalkii 3-aad, laakiin khuburro kale oo siyaasadda looga dambeeyo ayaa leh, " haddii uusan Mareykanka xishoonin oo dhankiisa ka qaboojinin xiisadda,markaas daqiiqad walba ayaa gacamaha la'issula teggi karaa.
Is-baheysiga NATO ayaa sanadihii dambe gantaallo badan oo dhanka difaaca ah ku rakibayay qaar ka mid ah dalalka yurubta bari, taasoo halis ku noqon karta ammaanka guud ee Ruushka.
Maxaa ku soo baxaya, Marka aad qiimeeysid oo aad eegto sida ay wax u socdaan iyo khilaafka faraha ka baxay ee ka dhaxeeya Ruushka iyo Maryekanka?
--.........Mahadsanidiin.......--
Diyaariye, Mohamed Osman Habiib
Liiska Wafdiga u xilsaaran Mashaariicda Saudi Arabia ka fulineyso Soomaaliya: Full Article
Thabid Cabdi oo isticmaalayo tasiilaadka safaaradda waxa uu hoos ka bilaabay in uu xiriir toos ah la sameeyo hay'ado iyo shaqsiyaad Maraykan ah oo uu ku qancinayo in mudane Xassan Shiikh uu yahay qof aan lagu sii aamini karin mas'uuliyadda qaranka. Isaga oo isticmaalayo magaca safaaradda Soomaaliya ayuu bilaabay burburinta dowlada Soomaaliya. Full Article
Waagacusub.net - Waxaa mudo laga joogo afar asbuuc la magacaabay Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqadishu, Mudane Thabid Cabdi Maxamed, dad badan ayey ku noqotay yaab iyo fajac sababta keentay in will dhalinyaro ah oo aan khibrad u lahayn howlaha maamulka gobolka aqoontiisa tacliimeedna ay aad u gaaban tahay in mas'uuliyad balaaran oo ka wayn loo magacaabo. Sababo badan ayaa ka danbeeyo magacaabista Thabid Cabdi waxeyna salka ku haysaa arrimo siyaasadeed iyo mid qabiil. Full Article
hordhac Full Article
HORDHAC Full Article
Waagacusub.net - Madaxweynaha ku meel gaarka ee Maamulka Jubaland Mr Axmed Madoobe ayaa ku hanjabay inuu xiriirka u jari doono Dowladda Somalia haddii aan Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta loo magacaabin Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Ethiopia oo lagu magacaabo Mohamed Jama Mursal [Mr Geelle] Full Article
Waagacusub.net - Maxay yahiin dhecaanka jirka ee laga helo HIV? Full Article
Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo xiray Xafladii caleemo saarka isagoo halkaas ka jeediyay khudbad qiiro galisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Full Article
Daawo Sir culus Farmaajo oo ku hanjabay inuu Somaliland Aakhiro u diri doono Full Article
DUBLIN (Waagacusub.net) — The International Monetary Fund has warned European policymakers that the rapid expansion of artificial intelligence could boost economic productivity while also disrupting labour markets, widening inequality, straining electricity networks and increasing Europe's dependence on foreign technology.
The European Union is dramatically expanding its economic and strategic engagement with Greenland, committing another €200 million as the Arctic island becomes an increasingly important arena of competition over security, critical minerals, infrastructure and geopolitical influence.
MOGADISHU / MINNEAPOLIS — Somali rapper Sharmarke Abdinasir Mohamed, widely known as Sharma Boy, is facing renewed scrutiny following allegations that he used threats, blackmail and sustained pressure to obtain thousands of dollars from a Somali-American woman in the United States.
MOGADISHU — Concerns are growing among Somali intellectuals, civil society organizations, retired military officers, and democracy advocates that Somalia is entering a dangerous period of political instability marked by increasing militarization and shrinking space for democratic participation. The concerns come amid escalating confrontations in Mogadishu and reports of civilian casualties, displacement, and destruction resulting from recent clashes between government forces and opposition-aligned groups.
Prominent Somali investigative journalist and philanthropist Dahir Abdulle Alasow has been honored with the prestigious Humanitarian of the Year 2026 Award, recognizing his growing humanitarian impact through the international charity organization Alasow Foundation.
The European Union has expressed concern over reported plans by the United States to temporarily restrict diesel exports, warning that such a move could have economic consequences on both sides of the Atlantic at a time when Europe is already facing elevated energy costs. Full Article
Ethiopia is confronting its most dangerous northern military escalation since the 2022 Pretoria peace agreement, as renewed fighting spreads across Tigray, Amhara and Afar and raises fears that a country still carrying the scars of its last devastating war could be sliding toward another major conflict. Full Article
Dutch riot police arrested 24 people on Saturday after a demonstration in The Hague descended into violence, with protesters throwing fireworks and other objects at police officers. Full Article
DUBLIN (Waagacusub.net) — The International Monetary Fund has warned European policymakers that the rapid expansion of artificial intelligence could boost economic productivity while also disrupting labour markets, widening inequality, straining electricity networks and increasing Europe's dependence on foreign technology. Full Article
BRUSSELS (Waagacusub.net) — The European Union has opened the door to an unprecedented new relationship with Canada, with European Commission President Ursula von der Leyen proposing that the country become the bloc's first-ever "associate member." The proposal, announced on September 16, could significantly deepen cooperation between Canada and the 27-member European Union in defence, energy, critical minerals, artificial intelligence and digital trade. Full Article
Hormuud's Assault on African Peacekeepers Figure 14: African Peace Keepers Hormuud launched a scorching public campaign against the Kenyan military forces in AMISOM in late August 2019. Full Article
Former Intel official stripped from NISA membership Full Article
PM KHEYRE USELESS AND COSTY OVERSEAS TRIPS. Full Article
Abiy says 'New Year' will be celebrated in Eritrea, Ethiopian Airlines to resume flights Full Article
Massive rise in Islamist militant attacks in Africa Full Article
[RUUSHKA VS MAREYKANKA:] Maku soo gaarray warka ah in sida AK-47-ka loo adeegsan doono nuclear-ka.?
Waagacusub.net - Ruushka ayaa diblomaasiyiintiisa iyo qoysaskooda ku nool dibadda ku amray in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, xilli ay sare u sii kaceyso xiisadda la xiriirta suuro-gelnimmada dagaal ka dhaca dunida, sidaas ayaa lagu soo warramay.